Madaxwayne Qoorqoor oo Muqdisho soo gaadhay iyo Shirka ka dhacaya
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo fiidnimadii caawa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo xubno ka tirsan maamulka Galmudug.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ujeedka booqashada Madaxweynaha Galmudug ee uu ku yimid caasimada dalka inay la xidhiidho shirar ay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay maalmaha soo socda ku yeelan doonaan Muqdisho.
Shirarka madaxda ayaa looga arrinsan doonaa dhammaystirka heshiiskii doorashooyinka ee dhawaan labada aqal ee Baarlamaanka ansaxiyeen, waxaana la filayaa in lasoo dhiso Gudigga doorashada amba qaadi lahaa, si howlaha doorashadu u bilaawdaan waqtigii lagu heshiiyay.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33608
Qoorta gareen xaadir registarka aradayda asagaa ugu horeeya hebel hebel xaadir kkkkk waxaan soo xasuustay school axmed gureey foom masterkaygii macalin juquraafi nuu dhigi jiray. Macalin carays