Amiirkii dalka Kuwait oo ku Geeriyooday dalka Maraykanka

Muqdisho ( Kalshaale ) Amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Mareykanka.

Sheikh Sabah oo 91 jir ahaa ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay, isagoo dalka Mareykanka loo qaaday bishii July ee sanadkan 2020.

Waxaa loo yaqaanay inuu ahaa nin nabadda ka shaqeeya oo ku howlanaa dadaaladii xal u helida khilaafka Dalalka Khaliijka.

Waxaa uu dhashay 1929, isagoo muddo 40 sano ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait sanadihii 1963 illaa 2003-dii, isagoo noqday Ra’iisul Wasaare.

Sanadkii 2006 ayuu noqday Amiirka dalka Kuwait, isagoo bedelay Amiirkii hore ee dalkaas Sheikh Jaber Al-sabah.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Oday says:

    Allaah ha u naxariisto nin wuxuu ahaa ahlu khayr ah oo ummadda muslimiinta ah jecel, gaar ahaan Soomaalida wax u qabta oo wanaagooda jecel. Dalka Soomaaliya wuxuu ka hir geliyey mashaariic badan, waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha Hargeysa, ceel biyoodyo fara badan oo nawaaxiga Hargeysa iyo Burco laga fuliyey iyadoo ilaa hadda ay jiraan riigag biyaha qoda oo Kuwait, ugu deeqday Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, Sidoo kale waxay dawlada Kuwait hirgelisay Garoonka diyaaradaha Garoowe, Jaamacada Maakhir, iyo mashaariic waxbarasho oo Muqdisho laga sameeyey, gurmad balaadhan oo lacag iyo cunto isugu jira oo la gaarsiiyey gobolada koonfurta Soomaaliya xilligii abaaraha, waxa kale oo jira barnaamijyo quudin iyo waxbarasho isugu jira oo ilaa hada Dawlada iyo shacabka Kuwait, ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Run ahaantii lama koobi karo sida ay Kuwait, ugu gargaarto ummadda Soomaaliyeed. ALLAH, Subxaanahu Watacaalaa ha u naxariisto sheekh Sabah Al Axmed Al Jabir, kitaabkiisana midigta haka siiyo. Aamiin




Madaxwayne Trump oo Qaatay Go’aan Farxad wayn Gelin doona Dalka Suudaan
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan uu ka ...
Shiinaha iyo Taiwan oo Xiisada ka dhaxaysa ay Isku Bedeshay Gacan ka hadal
- Oct 20, 2020
Muqdisho  ( Kalshaale ) Xiisadaha mudada dheer ka dhex taagnaa Shiinaha iyo Taiwan ayaa ...
Doorashada Maraykanka oo Meel kulul Maraysa iyo Waxa kala haysta Trump iyo Biden
- Oct 20, 2020
Nairobi ( Kalshaale ) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo ninka kula loomamaya Aqalka Cad, ...
Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Xukuumadda Cusub ee RW Rooble iyo Codsiga uu Baarlamaanka u diray
- Oct 20, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ...
C. C.shakuur oo Weerar ku Qaaday Wasiirka Cusub ee Cadaaladda, Kana hadlay Xukuumadda Rooble
- Oct 19, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay Golaha Wasiirada ee ...