|

Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’

Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ah Mareykanka ayaa ku guuleysatey tartanka quruxda haweenka Muslimiinta ee dalkaasi, kaas oo loo qabto sanadkiiba hal-mar hablaha Muslimka ah.

Gabadhan oo 23 sano jir ah ayaa ku nooleyd dalka Turkiga muddo toddoba sano ah kahor inta aysan u wareegin Mareykanka, sanadkii 2014.

Sahra oo ka hadleysay guusheeda ayaa shaacisay inay dooneyso inay tusaale u noqoto dhammaan haweenka Muslimiinta ah.

“Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa shuko madow. Waan jeclahay madowga, waa kalar dookheyga ah.” ayay tiri Sahra Abuukar.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay “Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kalarrada muuqda.”

Tartankan oo galay sanadkii afaraad ayaa waxaa sanadkan 2020-ka ku tartamay illaa 15 gabdhood oo da`doodu u dhaxeyso 15 illaa 30 sano jir.

Sahra Abuukar ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka, iyada ayaana tolata inta badan dharkeeda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33601

Posted by on Sep 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented