|

Wararkiigu dambeeyay Duulimaadyadiii Gudaha dalka oo Maanta Hakad galay iyo Muranka ka taagan

Garoowe  ( Kalshaale ) Wararka saaka laga helayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegaya inay hakad ku jiraan duulimaadyada gudaha ee garoonkaasi.

Waxaa la sheegay in shirkadaha duulimaadyada ay sameeyeen shaqo joojin, kadib markii lagu guul darreysay in xal laga gaaro khilaaf soo kala dhex-galay iyaga & taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka

Wararka ayaa sheegaya in talisku uu shaqo joojin ku sameeyey mid ka mid ah shirkadahaasi oo si maalinle ah ku tegi jiray gobollada, taas oo ay ka caroodeen.

Sidoo kale guddi ay ku mideysan yihiin shirkadaha diyaaradaha ayaa ku dhaawaqay shaqo joojintaasi, kadib markii shirkad ka tirsan kuwa ka shaqeeyaduulimaadyada gudaha loo diiday inay aado garoonka diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Buuq ka dhashay arrintan ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka taagan yahay garoonka Aadan Cadde oo ay ka xayiran yihiin rakaab badan oo ku sii jeeday gobollada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka garoonka iyo hay’adda duulista raydika Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee maalmo ka hore ayey aheyd markii ay dibad-bax cabasho ah sameeyeen howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii ay isku dhaceen maamulka shirkadda Favori oo gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33587

Posted by on Sep 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Wararkiigu dambeeyay Duulimaadyadiii Gudaha dalka oo Maanta Hakad galay iyo Muranka ka taagan”

  1. Ethiopia Fahad Yasiin miyaa maanta wax laga weydiin xitaa Gaadiidka Cirka,

    SNM ka ragsan USC, xitaa maamulihii Banaadir state Villa ayey ku qasbeen inuu dhaho

    = Suaashaan waa igu dhib ee midkale i weydi

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented