|

DAAWO: Madaxwaynaha Galmudug oo Tababar usoo Xidhay Dufcadii 1aad Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xerada ciidanka Indhaqaris ee ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xidhay dufcaddii 1aad oo si buuxda u dhammaysatay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ciidanka tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii uu u socdey tababarku.

Wasiirka amniga Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ka ahaa munaasabadda qalinjebinta ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarkii tababarku soomaray iyo tayadda ciidamada, isagooa xusay in ciidanka jirka iyo maskaxdaba laga dhisay.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay dufcaddan qalinjabisay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga, Isagoona u ballanqaaday in Dowladda Galmudug diyaar la tahay xuquuqdooda.

Madaxweynaha ayaa gabagabadii munaasabaddana abaalmarinno ku guddoonsiiyay saraakiishii tababarka bixinaysay iyo askartii ugu wanaagsaneed intii uu socday tababarka.

Dufcaddan ayaa billaw u ah dhowr dufcadood oo meelo kala duwan oo Galmudug ah haatan tababar uga socda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=33567

Posted by on Sep 29 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “DAAWO: Madaxwaynaha Galmudug oo Tababar usoo Xidhay Dufcadii 1aad Ciidanka Daraawiishta Galmudug”

  1. ASC dhamaantiin.
    Waa in laga taxadaraa in ciidankaas eber laga soo bilaabaya dhisidooda eey noqdaan mooryaan caqli daanyeer leh. Hadii eey taas dhacdo daanyeerta madaxda Galmudug isku sheegta oo uu uGu horeeya Qoorqoor ayaa eedeeda leh. Waxeeyna muujin caqli xumadda waxa Meesha yaacaya.

    Waa in uGu horeeyn sida loo xulaya qofka askari u noqonaya maamul beeleedyada amaba dowladda dhexe horta la fiiriyaa, lana wareeystaa, lana weeydiiyaa record kiisa. Kabacdina hadii uu u qalmo sidaas ciidannka loogu darro, hadii kalena la dhaho “get out”.

    Waxaa kaloo muhiim ah in aan iftiimiya in Qoorqoor uu doqonima sameeyay markii uu ka dhageeystay daanyeer Farmaajo, iyo xataa odaygii ka horeeyay ee Hassan Shiiq in caasimada Galmudug laga dhigo Dhuusamareen, oo laga soo wareejiya Cadaado, oo aheeyd meel dadkeedu eey diyaar u yahiin in eey horey u socdaan, afduubna eeysan ku heeysan dadka aanan kasoo jeedin magaalada Cadaado qabiilkeey doonaan ha’ahaatee.

    Hadda maxaa dhacay oo aan u jeednaa? Waxaan u jeedaan [oo aan anniga iyo dadka caqliga leh ogaayeen] in Ceeyr eeysan diyaar u aheeyn, eeysanna rabbin “law and order” kala dambeeyn iyo maamul. Oo eey rabaan “status quo” sida eey ahaayeen 30kii sanno ee lasoo dhaafay ee daanyeernimada in eey ku noolaadaan. Iyo in eey “hostage” afduub u heeystaan madaxda maamulka qabiilada Galmudug, iyo xataa dowladda dhexe. Marka eey diideen in eey hubka eey isku dilayaan, dadka kalena ku dilayaan xal loo helo, oo dad wanaagsan oo aamin ah, oo mas’uuliyda qaadi karra loo dhiiba. No no, marabaan taas, waxeey rabaan in eey mooryaan ahaadaan just like suufiyadii, iyo magacyadii kale ee tiradda badnaa oo eey dadka ku dhibayeen, isbaarana uGu dhiganayeen wax walba oo wanaagsan.

    Dib hadeer in loo fiiriya oo loogu noqda ayeey tahay move kaas Dhuusamareen loogu guuray. Hadii uusan Qoorqoor taas ka fakirrin horray, hadeerna ka fakirrin, waad arki doontaan isaga oo eey dileen, amaba la dagaaleen tuugtaas laga soo raacdeeyay Shabeelooyinka iyo Xamar ee isbaarada dhigtay Dhuusamareen iyo Guriceel.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  2. Asc

    Markii la doortay waxaan qoray maqaalka goose oo aan Ku dhiirigalinayey inuu horsy u socda, waliba Rajo fiican baan Ka qabaa Allaha u sahlo umuuraha.

    adaxweyne Qoor Qoor: Danta Guud Hagaajiyo Daadihiye Nabad Noqo

    Inkasta oo doorashadi aad ku soo baxday uu buuq badani hareeyey, dad badani ay ka biya diidanayeen siday u dhacday, hadana waxaa maamulkaaga ka muuqda ifafaalo wanaagsan; waqtigii yaraa ee uu jireyna waxa uu qaaday talaabooyin togan oo reer Galmudug iyo Soomaaliba soo dhaweysay. Soomaalidu waa dad xamaasad badan inta badana laablakac ku shaqeeya, ayaamaha horena orad badan iyo waxqabad baa ka muuqda muda ka dibse shiiqa, marka annaga oo qiimeynta dhabta ah waqtigeeda la sugi doona, hadana saadaashu waxay noo sheegaysaa mustaqbal wanaagsan.

    Madaxweyne sidaad u wajahday soo dabaalida amniga iyo in hubka laga saaro gacmaha shacabka waxaa weeye talaabo aad u muhiim ah. Hubka oo gala gacan aan kala garan karin marka dhengeda la isticmaalo iyo marka baasuukaha la adeegsado, waa dhibaato ragaadisay maamul-goboleedyada. Guud ahaan ciidamada amniga Soomaaliya waxaa haysta dayac fara badan, marka si ay waajibaadkooda u gutaan waa inay helaan xuquuqdooda oo waafiya, hadii kale intay wax qasaan bay ku jawaabi doonaan dhan u joogso wiilyahow askari dheef helaa baqa e.

    Hadalkii geesinimada lahaa, ee ku aadanaa in aan dakeda Hobyo cidna magan loogu aheyn ee laysku tashanayo, waxa uu ahaa mid aan ku diirsanay, waana soo dhaweynaynaa cid kasta oo na kaalmaynaysa xiligan xun ee aan ku jiro, laakiin marnaba aqbali meyno in nalaku dheeldheelo ayadoon waxba naloo qabaneyn. Xusuusnaada wadamada gacmaha loo hoorsanayo, waagii gabadha Soomaaliyeed buntakha, baarqabka iyo boqolka halaad laga bixin jirey, ayagu gaajey u dhimanayeen. Musiibooyin badan oo dhacay sidii ay bulshada Soomaaliyeed wax uga qabatay waxaa lagu ogaaday inaan waxbadan qabsan karo: marka inshaa Allah Hobyo waa laysla dhisayaa, Garacad waa laysla dhisayaa, Marka waa laysla dhisayaa IQB. Wax badan baan foowdo iyo wax burburin ku tartanaye hada waxaan ku tartamaynaa horumar iyo wax dhisid.

    In badan baan xin iyo soo ahayn duul xasaradeed e

    Xigmad iyo waxay taagan tahay xaajo nabadayn e

    Xumbo inaad ka baadhood dhagxaan ka xusho weeyaan e

    Xilka odayga loo dhiibayow, xeeshu waa samirka.

    Nabadeynta beelaha Mudug iyo Galgaduud waa talaabo bogaadin mudan waxa ayna fure u noqon doontaa nabada Soomaaliya. Beelaha labadan gobol mid walba inta bur loo dhiibay baa lagu yiri reer hebel naga waardiyeeya idinkoo ka wakiila Hawiye iyo idinkoo ka wakiila Daarood, ayana isma waydiin oo maxaan reer hebel u waardiyeynaynaa oo ay naga galabsadeen; fursado badan baana saas uga lumay. Waxaan is leeyahay waxaa la gaaray xiligi la oran lahaa “OODI AB KA DHOW”. Kaasho, lana tasho waxgaradka labada beelood ee ay nabadu dhab ka tahay sida General Gorod oo waqti badan ku bixiyey nabadeynta labada beelood, aana filayo in loo riixay sababtaas darteed. Halkeedina ka sii wad nabaddoonimada uu waday madaxweynihi kaa horeeyey Xaaf.

    Galmudug oo yeelata maamul hufan oo mideysan, wada shaqayn amni iyo mid siyaasadeedna uu ka dhaxeeyo maamulada la jaarka ah ee Hirshabelle iyo Puntland waa qayb ka mida soo celinta qaranki inaga dhumay.

    Adoo noqon kara tusaale

    Tubaha lagu qoro samaanta

    Ha noqon ruux lagu tilmaamo

    Inuu tafaraaruq keenay

    Abwaan SHiilaale

    Abdirahman Salad

  3. Saxid: maqaalka goose= maqaalka house
    Horsy=horey
    Adaxweyne=madaxweyne

  4. Madaxweyne Qoor Qoor iyo dhamaan wasiiradiisa waa dadaalayaan shaqo fiican ayay u hayaan Ummada reer Galmudug waana soo dhawaynaynaa dadaalada muuqda ay ku dhisayaan ciidamada Daraawiishta Galmudug meel kastay joogaan.

    Long Live Galmudug State Of Somalia.

  5. wcs Inacolow,
    Aad baad ugu mahadsantahay guubaabda, dhiiragalinta iyo rajjo galinta aad u sheegtay Somali guud ahaan, gaar ahaana qabiilada wadda dhistay Galmudug iyo kuwa mas’uiliyiinta ugu magacaaban.

    Waa xigmad, iyo caqli wanaagsan waxa aad sheegtay oo hadii kuwa dadka hordaya eey intaas maskaxdooda ku jirri laheeyd Somaliya saxariirta eey martay ma marteen.
    Su’aal:Hubka mooryaanta Ceeyr sidee looga soo celinayaa oo waliba isla kuwii horjoogaha u ahaa mooryaanta la yirri waxaad tahay general magaca dowaldda lasiiyay?
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  6. Cadaado waa Ku salaamay

    Horta aniga jifo ii calaamadeysan oo si gooniya hubka looga dhigayo ma jirto. Waxaa la rabaa in si guud hubka looga dhigo shacabka, hubkana aan lagu arag gacan aan aheyn tan Maamul-goboleedka. Galmudug capacity gaas ma leedahay mise malaha ma garanayo.
    Halna ogoow Soomaalidu waa dad dhib badan oo waxay fiirinayaan waxa aad sheegayso iyo ficilkaagu inay is leeyihiin, marka waa in marka horeba waaqica dhabta ah ee gudaha ka Jira wax lagu dhisaa ee aan laablakac iyo khiyaali wax lagu dhisin, sidoo kale Soomaaligu was ishi qaate.
    Muuse Suudi yaa waxaa la yiri Ka waran dawladi Carta, see ula macaamileysaa, markaas ayuu wuxuu yiri aryaa mineey bac tahayna waa bujihaa mineey bir tahayna waa Ka beyraa

  7. Qofka oo daraja uusan mudneyn la siiyo waa khaladaadka ay mas’uuliyiinta Soomaalidu galayaan hadhowdina Ku soo noqonaysa, waayo xikmad Ingiriis ah baa waxay leedahay Qofka hadaad Siiso inch uusan xaq u lahayn miles buu Ku weydiisanayaa.
    DHinaca kale hadaad maqli jirteen environmental pollution Soomaaliya hada waxaa Ka Jira title pollution.

  8. asc. waa arin bilow fiican,laakiin yaan inta la tababaro la dayicin oo aysan markale mooryaan iyo ciidan beeleed ku laaban,yaana loo adeegsan hab qaldan oo taageero dad gaar ah, hanbalyo

  9. Waxaanba dhibsaday maamul kasto oo hawiye leeyahay xamarbaa ciidan looga soo diray…adeer dhiso ciidankaaga dadkaaga isoo jiido.

    War qoor qoor waqti halla siiyo yididiilo fiican ayaa iiga muuqato.

    Midna waa la.ogaaday raggii qoryaha soo qaatay ee dagaalada sokeeye kasoo qayb qaatay way dhamaan kuwaan qurbaha kasoo shaqo doontay.

  10. Halka Suaal oo aan weydiin Maamul beeledyada waxaa waaye

    Horta yaa Ciidamada loo dhisanhayaa?
    In lagu xoreeyo NFD IYO SOMALIGALBEED
    Mise JUFADA DARISKAADA.

    Ciidamada PUNTLAND oo DHAQ DHAQAAQYO KA WADO ” TUKORAQ ” ilaa 2014

  11. Dalkaan muddo dheer ayaa Mooryaan, dictator, argagixiso iyo daanyeer oo dhan qasayeen, Deni meel uma socdo ilaa laga gaarayo Somalia oo talada wada leh, governer kasta gobolkiisa shacabka amni u sameeyo oo nolol u raadiyo.
    Qabyaalad daanyeer sida Dabshid ayuu qabiil ku haray.
    Deni kumasoo noqon karo Puntland asaga oo meel ku ogaan daanyeerta Xamar sidii looga dhaadhicin lahaa dalka waa laga baxay colaad iyo xukunka xoog lagu kala qaadan.
    Democracy iyo metelaad shacabbayaad ku joogo kartaa…run
    Dal wada nool.
    Federal deal or no deal.

  12. ASC.
    Inacolow wuxuu ila soo xiriiray XILLI aan dawaqsanaa OO ma xusuusto wuxuu igala hadlay, TAN kale MINDHAA waxaan is iri WAA nooci; Laalays, Xaange iyo Dabshid OO la hadalkiisu WAA gacmo daalis oo faaído ma laha WAANSE ka shallaayay oo ma mooday inuu yahay Shaqsi saas u culus SIDA, Suldaan Cali Zubeer, Jabhad, Mr BaHaL, C/Raxmaan iyo 3kale. ≈©≈Mudane Inacolow ku soo dhawoow Qolka dadka fiyow. WBT

    • Axmed Somali
      mahadsanid, waxaan u fahmay barxada Kalshaale waxay leedahay labo qol oo midna dadka fiyoow Ku niqaashaan iyo qol kale

  13. ASC.
    Inacoloow, waa saas adeer, LAAKIIN rajjadu ma xuma OO qolka Dadka fiyoow MARBA mid ayyaa ku soo kordha. WBT

Leave a Reply to Cadaado

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented