|

Maraykanka oo Kulamo Xasaasi ah Muqdisho kula qaatay Siciid DENI, Madoobe iyo Laftagareen

Muqdisho ( Kalshaale ) Xubno ka socday dowladda Mareykanka ayaa kulamo gaar-gaar ah saacadihii la soo dhaafay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho kula qaatay hoggaamoyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamada oo ka dhacay xarunta Xalane, gaar ahaan dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto, taliyaha Howlgalada gaarka ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jen. Anderson iyo taliye ku xigeenka taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Amb. Young.

Intooda badan waxaa kulamada uu Mareykanka la qaatay Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen diirada lagu saaray ammaanka iyo dagaalka Alshabaab.

Sidoo kale waxaa kulamada lagu soo qaaday iskaashi xoog leh oo dhex mara taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika iyo saddexdan dowlad goboleed, si meel looga soo wada-jeesto dagaalka adag ee lagula jiro dagaalyahanada kooxda Alshabaab.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sidoo kae lagu sheegay in muhiimadda kulamadaasi ay ahaayeen adkeynta xidhiidhka dhinacyadaasi, si loo laba jibaaro howl-gallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda koonfurta iyo badhtamaha dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna howlgallo dhanka ah cirka ah ka fuliyaa gudaha Soomaaliya.

Kalshaale.com

Warar Sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32972

Posted by on Sep 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Maraykanka oo Kulamo Xasaasi ah Muqdisho kula qaatay Siciid DENI, Madoobe iyo Laftagareen”

  1. Soomaalida oo lagu tiriyo 4 dal ee Africa ugu dheer dheer ayuu TRUMP u soo direy ninkii ugu gaabnaa America

  2. Dabshid

    Maalin dhaweyd oo uu la sawiraa Waare ma aragtay? Maroodi iyo debagaale ayey isu noqdeen. Dhererka raga Somalidu se muxuu tari hadii la Rabo in dhaqanka laga bedelo, macdantooddana la gurto. Wixii dhiigloow kaca oo yaynaan u xisaabtamin land land marka milgaheenna la xumaynayo . Balaayadda deriskaaga taalaa Adna kugu soo maqan.

  3. Barwaaqo

    Wllo qof meel dheer wax ka aragto ayaad tahey waa run,

    Soomaalidu waa nin lagu soo maqanyahey, oo asaguna isku maqan.

  4. Shir wada tashi ah oo ay yeesheen,
    Golayaasha kala duwan ee Xamar iyo Xamar daye ayaa la isku raacey in Doorasho la qabto With or without Farmaajo

    Asagoo joogo ayaa doorasho la qaban, xilka iyo xafiiskana laga xayuubin.

    – Mixnadda ugu weyn ee South Soomaaliya ka jirto waa in Rajadii Somalia ( doorasho 4 sanadle ah) god dheer ku sii socoto haddaan laga badbaadin.

  5. Waar inta la bahdilo oo weliba amarro loo dhiibo ayuu Mareykanku odhanayaa waxaannu kala hadalnay sidii ammaanka loo xoojin lahaa shabaabna loola dagaallami lahaa.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  6. Asc soomaali Allaha tiwfiiqda waafajiyo

  7. Aniga gaaladaan la isku sawirayo macne iiguma fadhido iyo shilimada siyaan, waxaa macne iigu fadhiyo wadadii hore ugu dhunay in lagu noqon oo mustaqbalka cid u baahan.
    Dal taladiisa lawada leeyahay oo nina keligis suu rabo ka yeeli karin sidii hore noogu dhacday.
    Nin jeclaysi iyo maanta ninka talada haya qalad iyo sax isaga daba fayl maadaama ku cid tihiin waa aqliga ugu xun.
    Danta dalkaaga iyo ummadaada waa mustaqbal dheer, maaha shaqsi maanta nool.
    Ilaawa ninka markaas jooga iyo waxa rabo ee ku fekera maxaa Somali u dan ah mustaqbalka, dal noocee ah ayaa caruurtaada kaa dhaxlin.
    I beleive democracy, federal, free media iyo caqiido suuban, dal wada nool oo nal wada shitay iyo Somali ka baqayn oo garta kala goosan kara.
    Wallaahi in ragga meesha ku shiraya qabiil ula safayn…waxaan taageera fikirkayga, qofwalbana fikirkiisa u xor yahay.
    ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดโœŒ๏ธ I have fate in Somalia, rag kala baqayn ayaa garamaya..thats good beginning.

  8. Dabshid
    Adiga qasac yar ayaad ku jiraa, marka intee gaaree!
    Nin saacadaan Hiraab iyo Irir raadinaya, miskiin. kkk
    Meesha raggii goboladda Daarood hogaaminay ayaa fikir iyo meesha mustaqbalka Somala u socoto isku mari la, adiga cid qabiil kula safato raadinaysaa.
    Ka waran caawa haddii Madoobe, Deni iyo Farmaajo isku fikir noqdaan, iga rumayso inta kale waa raaciyo laakiin Farmaajo ayaan laga yeelayn in dib Somali u celiyo iyo dal talo wada lagayn kulli ninka Xamar fadhiya madaxa ka tumo…
    The future of Somalia is on the take. run๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

  9. Land of Punt

    Hiraab iyo Irir hadey taladeyda iyo midda Feysal Waraabe iyo SAMBALOOLSHE QAATAAN

    Dalku wuxuu noqon Nabad iyo Barwaaqo

    Lkn intey ku jiraan iney Maslaxeryaan Socoto Baabuur saaran waligood ka dhamaan mahayaan ( Dhakool iyo Faroole oo shir ku qabtey Xamar iyo Hargeysa) shirkaas oo ay uga soo horjeedaan ISLA XAMAR IYO HARGEYSA.

  10. Dabshid
    Hiraab iyo Irir isku qabiil ah ama is aqoonsan ayaan jirin.
    Gunta sidaada ah ah oo qabiil weyn oo isku badiyaan raadinayaa ayuu mance ugu fadhiyaa qabiilka.
    Haddaad aqli leedahay waxaad fahmi lahayd dhulka Somali degto Killilka, NFD, Jubbalabd, Puntland iyo gobolada Harti Waqooyi maanta waa Somalida meelaha ugu nidaam fiica iyo dowladnimo ka jirto, qofka aqli Somali isku keen ku fekerinlahaa ileen xoog ma jiree.
    Laakin gunta laangaabka adiga kunjirto oo awal qabiil lahayn ayaa maanta qabiil macne ugu fadhiyaa.
    Anagga Majeerteen oo boqortooto facweyn ahaa oo maanta Puntland dhulka Somalia 1/3 horbooda ayaa in qabiil meel na geyn karin oo weliba dowlad badaxbanaan noqon kara, ayaa nacnay
    Irir kuye..kkkkkkkk
    Saaxiibo Isaaq ah ayaan ku iri: war ileen Hawiye walaslo Irir ayaad isla ahaydeen!!!!kkkkkkk
    Qosol bay laadaateen..taas waa sheeko Hawiye ugu kicino Daaroodka..kkkkkk
    War anagu reer Sheik Isxaaq baa nahay maxaa Hawiye noo galay..kkkkkk
    Laangaab waa ehulu naar ninbaa laga sheegay.

  11. Beeshii caalamka iyo sawirkii lala gali jiray,sawtan Majirteenkii loogu yimid kkk

    waa layskugu yimid sawirkii iyo shirkii Beesha caalamka .

    Biyo-qaadkii Amxaarka ayaa quustay.

    Dalmida

  12. LIBAAX LAFTA GAREEN mayna ahayn inuu ka dhex muuqdo sawirka sawirrada…

    Maxaa taariikh madow qormaysa…

    Somalia markay jabtay yaa in la kabo diiday?… Markay godka ku sii dhacaysay yaa ku sii tuuray?… Yay u shaqaynayeen?… Maxay ugu shaqaynayeen?…

  13. jawaasiistu, xittaa xor Uma aha in sida rabaan ay u labistaan, bal saddexda jaajuus jaakadahooda u fiirso!!. Waxaa Amar lagu siiyey in ay jaakadaha ay qabaan, min hal badan oo kaliya xiraan, badhanka hoosana furaan! ๐Ÿ˜‚ ๐Ÿ˜‚.
    Bal car qofkee noo sheega waxa loola jeedo ficilkaas.
    Wixii gaalooba, oo diintiisa dalkiisa iyo dadkiisa gata, ihaano, bahdil baa u dambeeya, Aakhirana cadaab bay ku waarin, ู„ุนู†ุฉ ุงู„ู„ู‡ ุนู„ู‰ ุงู„ู…ู†ุงูู‚ูŠู†

  14. Jawaasiistu xor Uma aha, xittaa inay sida ay rabaan u labistaan, waxaa 3daan jaajuus Amar lagu siiyey in ay jaakadaha badhanka kore xiraan, badhanka hoosana furaan, bal si fiican ugu fiirso badhamada jaakadahooda. doqonka Reer bari bannaana buu Isa soo dhigey, meesha labada kale ay isku dayayaan inay gacmaha ku qariyaan.
    Suaal:Maxay gaaladu ula jeedaa badhanka kore xira kan hoosana fura?! ๐Ÿ˜

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented