|

Axmed Madoobe iyo Qoorqoor Maxay uga hadleen Kulankii Gaarka ahaa ee dhexmaray ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (A/Madoobe).

Kulan gaar ah oo labada hoggaamiye dhex-maray ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada-tashiyada socda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoor Qoor iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale si gaar ah u falan-qeeyey doorka ay ka qaadan karaan in xal mideysan laga gaaro doorashada soo socota ee 2020/2021.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isku soo qaaday arrimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb-galka shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyad.

Maalmihii u dambeeyey waxaa gudaha caasimada ka dhacayey kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey madaxda goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed, waxaana dhammaantood looga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32965

Posted by on Sep 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Axmed Madoobe iyo Qoorqoor Maxay uga hadleen Kulankii Gaarka ahaa ee dhexmaray ?”

  1. Axmed madoobe calanka soomaaliya ayuu dhinaca dhigtay oo aaway maradii faroole u tolay maryaha latoshay marada ugu liidata waa marada madoobe meel ay kashaqayso maleh

  2. Ahmed Abdi Kaarie Facebook
    ·
    Waxaan maanta magaalada Muqdishu Kulan kula qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya mr. Staffan. Waxaan uga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Galmudugta cusub gaar ahaanna arrimaha dib uheshiisiinta, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
    Safiirka ayaa soo dhaweeyay waxqabadka Galmudug mudadii ay dhisneed. Waxaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Sweden la garab taagantahay Galmudug iyo Soomaaliyaba.
    #GalmudugMidAh

    · Reply · 1h
    Abwaan Ismaac Ciil Salaad
    Alloow sahal hadad maqasho waa wax aan lagu reja weeynen
    Hada waxaa reja beel ah in wadama shisheeya looga warbixiyo waxqabadka dowlad goboledyada
    Halkaa waxaa noogu cad in aan ninwalba ushaqeeyo maalgashada yaal shisheeye
    Oo aanay soo socan wax soomaaliya leedahay

    · Reply · 1h · Edited
    Abdulahi Ibrahim Siyad
    Madaxweyne yaasha somalia
    · Reply · 1h
    Ahmed Hussein
    Safiir shisheeye maxaa ka galay arimaha gudaha dalka!!!
    Dal burburay
    · Reply · 1h
    Aweis Abbdi
    Ahmed Hussein
    Ciyaal xaafo maxay ka yaqanan Siyaasad
    Xaa kaagalay ayey latagan meel walba
    · Reply · 1h
    Prince Zizano
    Ahmed Hussein sxp dowlad gaar ah baan nahy arimo badan baa ka dhaxeeyo Swedan iyo dhuusamareeb

    · Reply · 1h
    Galad Haajji Ahmed
    dalkiisa wax ma kaa waydisay taas mahan hadal qof madax ah hadal u ku hadalo sirta dalka in ad la wadaagto dad kale waa danbi e haku fanin e naga xiishod mr qoor qoor

    · Reply · 1h
    Faysal Maxmuud
    Isku xisho mdaxweyne wxaas ayaad dadka u tabineysaa mxa kaa galy eed uga warbixini arimaha galmudug se muxu kutari karaa.
    Duf kubax.

    · Reply · 52m
    Hamse Osmaan
    Marka la eego hogaamiyeyaasha maamul Goboleedyada waxad mooda in aad ka yara wacan tahay in kasta oo somalidu tidhaahdo dameeraha marba ka ugu yar ayaa quruxbadan
    Waxan kula talin lahaa in la helo sharci qabta maamul Goboleedyada oo Awooda hoos u dhiga ileen Suurtogal ma aha in madaxwayneyal simani wax wada maamulan

    · Reply · 1h
    Xaad Axmed
    Mudane markad ledahay waxan ugu warbixiyay dib uheshisinta iyo arimaha gudaha galmudug nin safir ah maxa gagalay adiga iskadhafe madaxweyne farmajo manta makahadli Kara arimaha gudaha Sweden mudane fadlan ila liya protocol ka iyo qabka somali nimo

    Cilmi Guuni
    Galmudug miyuu u dhashay markaad uga war bixine mase madaxweeyne soo maaliyeed waxaas miyaad nagu xakumeee maamule waxaa kaaga habooneed adoo farmaajo waga war bixiyey ama golaha shacabka siyaasiyiin soo maaliyeed lkn safiir waa shaqaale doowladeed ooo waliba ajnabi ah waxaan maqli jiray barigiii doowladii dhexe safiirada ilaaalaaa la daba dhigi jiray maantana war bixin baaa la siiinaa

  3. Dhibaatada Federaalka…

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented