|

Xildhibaan arin la yaab leh ka sheegay Kufsiga iyo Dilka wada Socda ee dalka ka dhaca !

Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxo abaabulan oo leh dano siyaasadeed ay ka dambeeyaan kufsiga iyo dilalka ka dhaco dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xariir wanaagsan ka dhaxeeyo dadka u doodayo in la meel mariyo sharciga Jinsiga oo ka hor imaanayo diinta iyo dastuurka dalka iyo kufsiga Soomaaliya ka dhaca, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa la abaabulaa kufsiga waxaa lagu bixiyaa lacag, xataa dadka dambiyada gala in aan la xukumin darteed lacag ayaa lagu bixiyaa waana in lala xisaabtamaa dadka ka dambeeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Siidow oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka.

“Markii uu qof kufsi gaysto waxaa daba joogo kooxo aan la aqoonin oo lacag haysto kuna dadaalaya in aan la xukumin soo kuu cadeen meyso in lacag lagu bixiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Baaba.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qaba in lacag ay hay’ado shisheeye ku bixiyaan kufsiga si loo meel mariyo Sharciga Jinsiga oo si weyn uga hor imaanayo kaas oo ay si kulul uga hadleen guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto wax caddeyn ah oo taageeraya hadalka xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo muujinaya in kufsiga ay ka dambeeyaan kooxo abaabulan.

Kalshaale.com

Warar Sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32962

Posted by on Sep 16 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Xildhibaan arin la yaab leh ka sheegay Kufsiga iyo Dilka wada Socda ee dalka ka dhaca !”

  1. Hadalka xildhibaanka waxuu naguhagayaa DARIIQ yar , kaasoo naguridoona DARIIQAWEYN . Waxaan xasuustaa inuu kufsiga aad iyo aad usiyaadayey muddooyinkii dambe . Sababta ma aqaan mana cadda illaa iyo hadda . cid iska xilsaartayna majirto . Waxwalba waa macquul .
    1) Maandooniye .
    2) Maandooniye SUNTAN.
    3) Dhalinta oon fahmin diinta iyo amniga .
    4) Tiro badan oo wiilal ah oo xillihore qaaday waddo-qaloocan .
    5) Sharciga oo laloodinkara .
    6) SANAMKA oo shafeeca-qaadikara .
    7) Iyo waliba kufsiga gabdhaha oo kaqaybqaatay fududeynta dhoofka debadda !

    Iyo dhamaan ficil-bulsheedyada kale sida:
    B) Waalida maskaxda.
    T) Waalida ibta.
    J) Way qarsandoontaa !
    X) Waa ina SANAMYARE !
    IWM . Iskusooduuboo waa fidno siisocondoonta hadaan bulshada lagaarsiinin ADEEG huffan .

  2. Bro Abdiraxman

    ASa

    Si fiican baad u dhigtay. Waxyaabaha sababay kufsiga waa wax is biirsaday oo sixitaankooda u baahan diin, dowlad iyo bulsho wada socda.

    Xildhibaankan wuxuu leeyaha bal eeg, kooxo abaabulan ayaa ka dambeeya kufsiga iyo dilka wuuna ka baqahayaa inuu sheego.

    Bulshadan iyada oo adhaxda u jabtay baa waxaa matala rag daanyeerro u badan oo sinada biya u tahay.

    Waa in laga soo billaabaa oo la joojiyaa dadka la soo tubayo waddooyinka marka masuul ama mashruuc la furahayo oo la kala garanwaayo haddii ay yimaadaan iyo haddii ay maqan yihiin.

    Waxaa xiga mediyaha from facebook, tv, to tiktok, xeebaha, clubs, hotellada etc to daanyeerta fannaaniinta oo wax walba oo laga xishoon jiray samaynaya.

    Dal adhaxda u jabay oo maalinba dhidibkii la aasaba siibahaya weeye.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  3. Aniguba waan asminsahay warka xildhibaan Nuur Siidoy, cadowga biila agaraxisada in biilaan wixii kale dhib u geysanaya shacabka Somaliyeed sida kuwa xoogaya gabdhaha iyo kuwo daawo sun ah iyo cunto dhacday dalka keena.
    Waan hubaa in cadow shisheeye ka dambeeyo.
    Xitaa cuduro ku faafiya dalka sida Aidska iyo cudarada xoolaha ku dhaca.
    Somali inta isku maqan yihiin ayaa ayagana lagu maqan yahay.
    Allow Maryooley aqli sii

  4. Xildhibaanku sida uu u dhigay waa macquul…

    Waxaa xaalad kasta oo dhacda isticmaala oo df kula dagaallama dad la garan la`yahay cidda ay u shaqeeyaan, oo mucaarad isku sheega…

    Shilkii dhacaba waxaa laga dhigtaa hub xukuumadda xilka looga tuurto, iyo aalad lagu dhaleeceeyo…

    Laga yaabee inay marka horeba carruurtan iska wada bayhoofka ah intay lacag siiyaan ay wax ka maleegaan shilalka iyo kufsiyadaba…

  5. Xildhibaan ka waxa uu sheegay waa run cadyntana waa la hayaa hayado iyo maamul aad rag ku jira ayaa ku shaqaysta saxaafada qaarkeed lig ayay ku leedahay ( waxaad sheegtay in aan cadayn loo hay in hadalka xildhibaanka hadaba suaashu waxay tahay yaa soo baadhay hadalka xildhibaanka waxa kale oo meesha taala maxay khaatumo ugu degdegatay in ay tidhaahdo cadayn looma hayo halkaas waxa ka soo baxaya shaki ah in ay ka mid tahay kuwa la shaqaysta pls u fiirsada salam

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented