|

Xasan Cali Khayre iyo Jawaari oo Kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mudane Maxamd Sheikh Cusmaan Jawaari oo booqasho ugu yimid.

Kheyre iyo Jawaari ayaa yeeshay Kulan saacado qaatay oo ay uga wada hadleen doorashooyinka, xaaladda kala guurka iyo Mustaqbalka dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 kadib markii Madaxtooyadu ay qoonsatay aragtidiisii aheyd in la qabto doorasho la isku raacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Musharax Maxaweyne Xasan Cali Kheyre oo noqday ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee xukuumad hoggaamiya buruburkii kadib ayaa intii uu ahaa wasiirka koowaad waxuu ku guuleystay dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, dowlad wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32939

Posted by on Sep 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Xasan Cali Khayre iyo Jawaari oo Kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho”

  1. Shalay oon taag hayey talo maheyn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo.

    By Kheyre.

  2. Adiguba dharaaraad ka qosleysay dhooshee

    By Jawaari.

  3. ASC.
    Somalidu waxay gara làdahay; M/weynaha Waxaa doorta Baarlamaanka, ISLA Barlamaanki doortay Kama qaadikaro xilka IN Qiyaano Qaran lagu helo mooye, Raiisulwasaara waxaa dorta M/weynaha Marka aragtida lagu shaqayna Waa tan M/weynaha, Hadduu is afgarawaa dhaco WAA INUU Wasiirka koowaad Booska banneeyo BUUQ làaan. WBT

  4. Odaygaan jawaari xukun haduu macno leeyahay wuu soo arkay muu iska nasto waxaan xasuustaa isagoo ah 1986dii wasiirkii gaadiidka cirka dhulka iyo badda ayuu wuxuu imaan jiray guri xaafadeena kuyaalay oo uu lahaa nin raxanweyn ah oo taajir ahaa oo ladhihi jiray cali caliyoow mad waa ninkii iska lahaa baar tanaad mr jawaari waa soo raaxaystay berisamaadkii

  5. ASC.
    GEDO LAND, ma yaride Day!!! oo maad adba nasatid, NINKA saa ku leh WUXUU dhashay 1941di. WBT

  6. “Hadh ma geeyo aayadi ninkii hooyo gawracaye.
    Nin tolkii gumeeyey meel shishaa laga ganaaxaaye”
    ……………………………………
    Khayre marka laga tago inuu ahaa ninkii loo adeegsaday Jawaari eryiddiisii,haddama cid wanaag iyo waji ka samystay ayaaba iska yarayd.Waan la yaabay marka uu leeyahay musharax baan ahay. Maku quusan waayey in 7 daqiiqo lagu riday oo cid xitaa ka hadashay oo reer tolkiina la waayey.Qoorqoor oo ahaa ninkii ay isugu dambeeyeen xitaa maalinkii uu Dhuusamareeb kasoo baxayey airportiga kuma sii sagootin.Mana hadlin oo xiataa ma odhan waxa dhacay waa sharci darro sida MR Deni.
    Golihiisii wasiirada wax is nuuxiyey xitaa ma jirin marka laga reebo Mr Islow oo uu ku naas nuujiyey dhagaxa Muqdisho waddooyinkeeda lagu kala gooyo shirkada leh inuu qadaraas ku siiyey

  7. Xaange:

    Axmed Madoobe iyo Deni baa la shiray aqalka sare ana waaykan, Deni baa Jabuuti aaday ana waan aaday.

    Maalin dhaweyd waxaan arkayey Qoor Gareen iyo Waare ayagoo Baydhaba kasoo maagaya Axmed Madoobe iyo Deni waa hada nimankii sorry dhihi waayey waxii Kheyre ku dhacay, halkuu Deni si adag u cambaareeyey.

    Qoor Gareen, ninkii boorsada ku qaaday ee madaxweynaha ka dhigay waa uhiilin waayey xiitaa sorry waa dhihi waayey markaasuu isaga iyo Waare isku dhererinayaan Axmed Madoobe iyo Dani.

  8. Axmed soomaali
    1986kii waa yaraa laakiin garashadaydu waa fiicnayd

  9. Axmed soomaali
    Kkkkkkkk ma 1941dii baad dhalatay dhinacayga ixtiraam baad ka mudan tahay maxaa yeelay da.da waa la isku ixtiraamaa

    • “Annigoo og, annigoo og,annigoo” hooyadaa was daanyeer doqon Kheeyre xataa Murusadaha argagaxissada kugu qabiilka ah kuuma codeeynayaan.
      Somalida qaasatan Koonfurta Somaliya dadka ku nool in eey cawaanyahiin isma xisaabiyaab. Jawaari ninka wax ka ridday iyadda oo lagu shaqewysanayo waa daanyeer Kheeyre. Hadeerna waa isla sburayaan? Mother fucker daanyeer Shiiq Shariif iyo Ahmed Macallin Fiqi waa kuwii dhahay ‘aryaa Farmaajo ii geeya” hadanna in the name of qabiil iyo doqonnimo ayuu ula taagtaagan yahay Hassan Shiiq iyo Hawiyaha?

      Problem ka Somaliya waa is xisaabin la’aaan! Daanyeero.
      Dalmida
      God bless Somalia

  10. Sargaalka
    “Nin qatani nin qado haysta waa inuu la quutaaye. Qasnadaha haraatiyaay wuxuun way ka soo qubane”
    ………………………….
    Qoorqoor qasnad haraatin buu ku jiraa iyo inuu soo qubo lacagtii Kharye mid ka badan.
    Marka shandadihii lagu keenay wuuu ilaawey.2 malyan oo Qatar siisay ayaa dhulkii la wareegey,markisii horana siyaasada socodbarad ayuu ku ahaa.Marka layaab maleh

  11. Sargaalka
    Beelaha diiddan in 4.5 laga baxo waa kuwa Laangaabka ah, source said…

    Waxaa la ogaaday in tirakoob & is diiwaan galin ku lammaantahay doorashada qof iyo cod… Markaa bay hoos isu dhugteen, mise waa 4 xabbo iyo magaalooyin haawanaya oo wada cidla ah…

    Kablalaxu safka hore ayay uga jiraan beelaha ku dheggen 4.5, siiba Ogaadeen…

    Arrinkaa ka warran…

  12. GEDO LAND

    Waar waa ku sidee? Africa waxaa halkaa dhigay inay cajuusiin keli talis, kurus & kursi jecela ixtiraamaan oo durbaan u tumaan. Waa khalad!

    Axmad Hangash waa cajuus
    la bah ah wakhtina la dhashay cajuusiinta sida; Robert Mugabe of Zimbabwe, Omar Al-Bashir of Sudan, Idi Amin Dada of Uganda, Jose Eduardo Dos Santos of Angola, Siyaad Bare The Republic of Somalia & qaar kaloo badan.

    Markaa maaha wax la ixtiraamo odyaashaan mujrimiintaa dhalintooda dhiigooda jaqay.

    Waa in irbad suna oo aakhiro one way trip ah u goysa lagu mudaa inta ka nool.

    Ixtiraamka waayeelka waa waajib laakiin siyaasi Afrikaana oo gaboobay waa khalad in la ixtiraamo, Mandela marka laga reebo.

  13. Garqaad,

    Dhowr jeer maalmihii ina dhaafay waxaan halkaan ka dheehday adoo odya C/Raxmaan (adiguna ka dhigatay ustaad), oo aanu halkaan mudo dheer asxaab fadhi ku dirir ku noqonay/weli nahay, aad ku tuhuntay inuu garta dhinac keliya ka eego.

    @ Garqaad la soco sxb-kay C/Raxmaan lasoco IL BUU KA CAWARMAY, hadaad rabto inuu gar dhex dhexaada kuu qaado is dhinac taag isha uu wax ku arko. kkk Markaas ayuu gar ku siin!

    kkkkk
    kkkk
    kkk
    kk
    k

  14. Xaalka Qoor Gareen waa “Nin saboola iyo awrba way sahal dhaqaaqaane, labaddaba hadaan seeto celin socod ma daayaane”

    Nin qatani nin qado haysta waa inuu la quutaaye. Qasnadaha haraatiyaay wuxuun way ka soo qubane”

    —————————–
    Kheyre
    “Hadh ma geeyo aayadi ninkii hooyo gawracaye.
    Nin tolkii gumeeyey meel shishaa laga ganaaxaaye”

    BY xaange.

  15. Mar uu la hadlayey mid Laangaab ahna waxuu yiri

    “Laangaabka haka dhiganina iimaam oo ha udhihina aamiin”

    BY Xaange.

    • Waxuu markaa la hadlayey mid is qarinayey oo diiday inuu qabiilkiisa sheegto, waxuu ku yiri hadii aad qabiilkaada sheegto ma waxaad ka baqeeysaa in sidaa lagu yiraahdo.

  16. Hada kahorna isagoo mid la hadlaya waxuu yiri “inkastooy darmaanuhu la mirtaan dameeraha afka xumee daliigta iyo kama ba’o dinaanigu”
    BY Xaange

    War hooy hala kala faa’ideysto.

  17. Laaleys salaan guddoon . Sxb waad ku mahadsantahay CAWARNAANTA aad igusheegtay . Waayo waxaa madasha ka buuxa kuwo labadaba SAM/ QAM / DAM ka ah , oo kudardaraya , raali awoow iyo qirashadana aanba lasoobarin oo WAJIBIR ah .

    ” Geed walba in gubta way hoostaal ” = Inkastoo uu WARAABE dhamaantii wadayahay BAHAL , hadana waxaa kuugu daran kan kuudhaw . Kaas ayaana kuugeysankara waxyeelada ugubadan ! Lkn hadaad waardiye ) ilaalo ka haysid oo ay kudhibto WUUW’da WARAABAHA Bari adigoo jooga Galbeed waad IS-HOOLAALEYSAA / HAGRANEYSAA !

    ” ISKUDIR DIBIDA KOONFUREED HAKUUDHEERAATO DAAQSINTUYE ‘

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented