Ciidamada Booliska oo Shaaciyey dadka Loo Xidhay Xamdi Maxamed oo la diley

Muqdisho ( Kalshaale ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in 11 ruux oo lagu eedeynayo kufsigii iyo dilkii allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax loo xirey baaritaana uu ku socdo.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay waddaan baaritaano ku aadan falkaasi waxana uu ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada sidii lagu soo qaban lahaa dad kale oo ku lug leh kiiskan.

“Illaa 11 ruux ayaa hadda gacanta booliska ku jira waxaana lagu hayaa baaritaan sidoo kale waxaan ku dabajoognaa dad kale oo la tuhmao inay ku lug leeyihiin dilkii iyo kufsigii lagula kacay Xamdi Maxamed Faarax.” ayuu yidhi afayeenka ciidanka booliska oo maanta weriyaasha la hadlay.

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax ayaa ka mid ahayd ardayda sanadkan ka qalin-jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa toddobaadkan lagu diley lagana soo tuuray daar lix dabaq ah oo ku taal degmada Waaberi magaalada Muqdisho.

Kalshaale.com

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Garqaad says:

    Raggii kufsaday Xamdi ee nolosha dhaafiyay ha laga soo bixiyo xabsiga ee hala daldalo, wixii intaas kasoo hara waxaan u arkaa musalsal ay somalidu jilayaan, simple is that.

    Iyagana dabaqa ha laga soo tuuro🖐




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...