Wararkii ugu dambeeyay Culimo u socday Qur’aan Akhris oo Miino kula kacday Gobolka Bakool

Baydhabo ( Kalshaale ) Lix qof oo rayid ah ayaa ku dhintay labo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay miino kula kacday deegaanka Ideed Tuuri oo qiyaaskii 28 km waqooyi uga beegan magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xudur, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladda.

Dadka dhintay oo culimo ahaa lana socday mootada saddexda lugood leh ayaa ka yimid tuulada Banjinaay iyagoo ku sii jeeday miyiga tuulada Aboore oo ay Qur`aan akhris ugu socdeen, kahor inta aysan miinadu ku qarxin xalay fiidkii.

Maydadka lixda qof ayaa la aasay iyadoo dhaawaca labada qof la dhigay isbitaalka magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidanka amaanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku baxay goobta qaraxu ka dhacay waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas`uuliyadda qaraxa, waxaase jirta in waddooyinka gobolka ay galiyaan miinooyinka noocan oo kale ah Maleeshiyada Alshabaab oo bartilmaameedsada ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Rooble says:

    Allaahu akibar Allaahu akibar

    Waa camal shaydaan




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...