Maraykanka: Askari Shaqada looga Eryay Nin oo Feedh ku dhuftay oo Kacdoon ka dhashay

Muqdisho ( Kalshaale ) Roderick Walker oo ah 26-sano jir waxaa si ula-kac ah u feedhay Askari Booliis ah oo ka howlgala Gobolka Georgia ee Dalka Mareykanka, waxaana laga duubay muuqaal ku faafay baraha Bulshada oo fadeexo iyo cayb ku noqotay howlaha shaqada ee Ciidanka.

Booliiska ayaa isku dayay in ay xireen Roderick Walker, balse waxaa la arkayay iyaga oo dhulka ku haya oo gacmaha uga xiray Kaniitadda (Jeebada) ay ku xireen dadka dambiyada gala si aysan u baxsan ama ugu gacan qaadin.

Walker ayaa dhulka lagu hayay muddo, waxaana feeray Askari katirsan Booliiska, waxaana wajigiisa soo gaaray dhaawac ka dhashay feedhka, sawirro laga qaaday feeritaanka kadib ayaa ku faafay baraha Xiriirka Bulshada.

War kasoo baxay Xafiiska Booliiska Degmada Clayton ayaa lagu sheegay in Askariga gacan-qaadka sameeyay laga saaray shaqada, maadaama ficilka uu sameeyay uu dhaawacayo heybadda Askarta iyo niyad-samaanta dadka aaminsan adeeggooda.

Feerka Walker oo Jimcihii dhacay, saddexdii cishe ee lasoo dhaafay waxa uu qaybta sare ka qabsaday baraha Bulshada, waana tan soo dadajisay in go’aan shaqo ka eryid uu qaato taliska Booliiska.

Qareenka u doodaya Walker waxa uu dalbaday in aan shaqo eryid lagu koobin balse loo baahan yahay in la helo xuquuqda dhaawaca gaaray macaamiilkiisa uu ka difaaco dambiyada una raadiyo xuquuqdiisa.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...