Gen. Odowaa oo ku dhowaaqay Howlgal Go’doominta Looga Qaadyo Koonfur Galbeed
Muqdisho ( Kalshaale ) Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo Muqdisho kulan gaar ah kuwa qaadatay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen waxa ay kawada hadleen go’doon ka qaadista Degmooyinka Al-Shabaab joojisay isu socodkooda.
Kulan ka dhacay Hoyga Muqdisho uu ka degen yahay Madaxweyne Lafta gareen ayay isla garteen Taliyaha Militariga Soomaaliya in lagu dhaqaaqo fulinta howlgalkaan dib loogu soo celinayo isu socodka degmooyinka oo Al-Shabaab joojisay.
Labada dhinac waa Taliye Odowaa iyo Madaxweyne Lafta gareen waxa ay isla garteen fulinta qorshaan oo muhiim u ah dib usoo celinta isu socodka degmooyinka Gobolllada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Ciidamada Xoogga Dalka, AMISOM iyo Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa iska kaashanaya howshaan, waxaana laga bilaabayaa Degmooyinka ugu muhiimsan ee waddooyinkooda aan la isaga kala gudbi Karin.
Al-Shabaab ayaa go’doomisay Degmooyin katirsan Koofur Galbeed, waxaana istaagay isu socodka Gaadiidka, ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ee mara waddooyinkaas waxa ay la kulmaan weeraro inta badan ku bilawda Miinooyinka dhulka la geliyo.
Xeryo Ciidamada DFS iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka KGS ay ku leeyihiin Deegaanno dhaca Gobolka Baay waxaa maalmihii lasoo dhaafay weerar ku qaaday Al-Shabaab, waxaana barbar socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan Ciidamadaan iskaashanaya.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32915
General Odawa wuxuu joogaa meeshuu General Gabeyre joogey 1967,
Markasto oo nin reer Qurac ah lagu aamino Hoyga iyo Hantida Xamar iyo Xamar daye, WAA INUU DALKU GALO QALALAASO IYO BURBUR.
1967 Musuq maasuq iyo Dil Madaxweyne
1988 Jabhadeyn, Qaran Noqdey Maqaayad Qabiil, Dagaalo sokeeye, burbur, Qax iyo qaxoote,
2008 Axmaaro qabsatey Caasimaddii Soomaaliya, Kenya Qabsatey Jubbooyinka,
Qarax iyo UGUS
2020 Buuq, Beesha Caalamka, Kharash iyo Qabyo
– Xilwareejin Kursi Nimey ceeb la tahey Ma geeyo Villa Xoriyo