|

Justin AMASH oo Arin la xidhiidha Somalia ku dhaliilay TRUMP, Maxayse ka tidhi Ilhaan Cumar ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Xidlhibaan Justin Amash oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ayaa ku eedeeyey madaxweyne Donlad Trump inuu duqeymo badan oo dhanka cirka ah ka fuliyey Soomaaliya, kuwaasi oo dad badan lagu laayey.

Justin Amash ayaa ku doodaya in madaxweyne Trump uu jabiyay rikoodh uu awoodi waayey madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama.

“Madaxweynaha dagaal-diidka ah ee Donald Trump ayaa bilaabay duqeymo ka badan kuwa cirka iyo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay marka loo eego inta uu Barack Obama fuliyay dhamaan sideedii sano,”

Tan iyo markii uu xilka qabtay Donald Trump ayaa waxa sarre u kacay duqeymaha uu Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lagu bartilmaamedsado argagixisada, sida lagu sheego warbixino ka soo baxa duqeymahaasi.

Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaannada Kongareska Mareykanka ayaa iyaduna ka fal-celisay hadalka Justin, iyada oo gebi ahaanba ka hor-timid erey bixintiisa uu ugu yeeray Trump ee ‘Dagaal-diid’.

Ilhaan oo qoraal kooban uga fal-celisay qoraalka Justina ayaa tiri “Trump ma aha dagaal-diid, kaliya wuxuu ku dheel-dheela khudbadiisa”.

Sanadkii hore ee 2019-ka ayaa waxa uu Mareykanku ka fuliyaya gudaha Soomaaliya duqeymo badan, kuwaasi oo Justin aamisan yahay inay ka heer sareeyaan kuwii sideedii sanno ee Barack Obama.

Sida ay muujinayaan tirakoobka duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ka geystaan Soomaaliya ayaa waxa cel-celis ahaan ka badan duqeymihii 2019-ka.

Kalshaale.com Warar Sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32912

Posted by on Sep 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented