Garoonka Nairobi oo lagu Xidhay Laba Nin oo lagu sheegay Soomaali iyo Waxa lagu haysto !

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa xabsiga u taxaabtay labo nin oo rabay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta, kuwaasi oo si sharci darro ah u dhoofinayey Qaad.

Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa ku warameysa in labadaasi nin ay u qabteen saraakiisha garoonkaasi, kadib markii ay shandadahooda ka dhex heleen 25-Kg oo iskugu jira qaad cusub iyo midka nooca loo yaqaano Miirooga.

Labadan nin oo magacdooda lagu kala sheegay Barre Aadam iyo Cismaan Maxamed ayaa waxay saraakiisha amnigu ku xireen xili ay ka dhoofi rabeen garoonka Jomo Kenyatta.

Barre Aadam ayaa waxa lagu qabtay 20-kg oo ah qaadka nooca loo yaqaano miiroga, kaasi oo uu ku dhex qariyay labo shandadood oo uu watay, sida ay baahisay laanta dambi baarista Kenya.

Sidoo kale Cismaan Maxamed ayaa isagana waxay laamaha amnigu ku qabteen 5-kg oo ah qaad markaas un lasoo gooyay, kaasi oo uu si sharci darro ah u qarinayey.

“Labo ajnabi ah oo isu diyaarinayay inay dalka ka dhoofaan; Barre Adam & Osman Mohamed waxaa ku xiray JKIA saraakiisha sharci fulinta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay agaasinka laanta dambi baarista.

Waxa sidoo kale qoraalkaasi lagu yiri “Barre ayaa loo qabtay inuu ku dhex qariyey labadiisa shandadood 20 Kgs oo ah Qaad khafiif ah (Miraa) halka Cismaan uu qariyey 5 Kg oo Qaad cuseyb ah”.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...