Beesha Caalamka oo Ka hadashay Shirka Muqdisho uga Furmay Madaxda DFS iyo Maamulada
Muqdisho ( Kalshaale ) Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay wada-hadalka u dhexeeya Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ee Shirku uga socdo magaalada Muqdisho.
“Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay Madaxwene Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha DGXF ku bogaadinayaan ka qayb-galka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.”
Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay rajeyneyso in saamileyda kale ee siyaasadda Soomaaliya ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, “si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.”
“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”
Beesha Caalamka Qoraalka kasoo baxay ayaa ugu dambeyntii lagu yidhi, “Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.”
War-saxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray ururrada iyo dalalka kala ah, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32899
Waa Sadex nin oo ilma adeer ah waxa la heshiisiinayo !
Farmaajo,Axmed Madoobe iyo Deni …….!
Umalayn maayo in ay waligood heshiinayaan laakiin waxaa waqti laga luminayaa Soomaalida kale ee rabta in horay loo socdo.
Goormay Hawiye dantooda garan doonaan waa yaabe? Goormuu Hawiye ka tashan doonaan aayahooda iyo mustaqbalka caruurtooda? Goormay Hawiye dhisi doonaan Dawlad Goboleedka Banaadir State? Goormay Hawiye canshuurtooda u isticmaali doonaan deegaankooda.
Hobyo Godan, saddexda nin waa shaqaale. Mid wuxuu u shaqaynayaa Somali waa madaxweynaha dalka Farmaajo. 2na waxay u kala shaqaynayaan Kenya iyo Emirates.Sidee isu fahmi karaan wadani iyo khaayinwadan, maxaase Somalidu isugu daawanaysaa oo loo kala saari waayey, ugu yaraan mudahaharaad Caasimada looga saari waayey qawsaarada dawlaha kale u shaqaynaya. Hawiyaha aad raadinayso madaxdoodii soo maray dalka qaar la mid ah qawsaaradan oo la dhacsan inay dalkooda wada beeciyaan. Isku soo wada duub maxay ku diidan yihiin doorasho xalaala oo shacabku doortaan qof u qalma shaqada u khidmaynta dalka (National service) min madaxweyne ilaa askari ilaa waardiye. WBT
Hobyo godan
Meeshaan heshiis kama soo socdo waaba dad jecel in gaaladu wax ugo.aamiso ilaahay amarkiis badanaa aan doorasho aadno iyo noocee rabnaa intaas kaliya dad kuheshiin waayay yay masuul uyihiin wajiyo xun duf kubaxa
Kablalax Karbaash maahane Karaamo kale maleh,
Qeybtaan yar ee joogto Garowe iyo Afmadoow waa in loola dhaqmo sida Qeybta yar ee Waqooyi joogto.
Majiro aqli kale oo xeeriyo
Majiro damiir kale oo xishoodo
Daboqoodhinimo, Mahbarnimo iyo Hunguri
* Aqli GAAWEETO iga dheh
Intaas lala shirahayo oo lala murmi ama lala shaahi ayey u heystaan raganimo
Inaan laga soo wadinin 2km Square aheyd ayey ku jirtey sharafta Maamulada Xamar iyo Xamar daye.