|

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho ee Galay Maalintii Labaad iyo Qodobo Xasaasi ah

Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Mohamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maalintii labaad qasriga madaxtooyada qaranka ku guddoominaya Shirka Wada-tashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo looga arrinsanayo doorashooyinka qaran ee dalka.

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya  oo uu shirka ka socdo ayaa sheegaya in qodobo dhowr ah oo ka mid ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee la doonayo in dib u eegis lagu sameeyo ay isku mari la’yihiin Madaxda.

Inkastoo kulankii shalay uu ahaa mid daah fur ah oo Madaxda isku weydaarsanayeen aragtidooda, lana isku waafaqay in la sameeyo tanaasul ayaa la sheegayaa in kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Madaxda ayaa isku haya qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo horay u qaadacay shirkaas qeybna ka aheyn ay doonayaan in qodobada dib u habeyn lagu sameeyo ama wax laga bedelo.

Qodobada doorashada ee doodda ugu adag ka taagan tahay ayaa ah cida maamuleysa doorashooyinka, maadaama heshiiskii Dhuusamareeb 3 uu awood siinayay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka, hase ahaatee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland diidan yihiin, ayna dalbanayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si ay doorashooyinka u maamulaan.

Waxaa kaloo iyana doodda ka taagan yahay tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay u ahaa 301 Ergo, waxaana arrintan qaba in la dhimo inta badan maamul goboleedyada, iyadoo la eegayo duruufaha amni, waxaana jirta soo jeedin ku saabsan in ergada laga dhigo 101 -150.

Arrinta kale ee doodda ugu weyn ka taagan ayaa ah deegaanada la geynayo kuraasta ee ay ka dhacayaan doorashooyinka oo aan la isku raacsaneyn, waxaana Madaxtooyada ay u aragtaa qodobkan midka ugu muhiimsan, maadaama ay dooneyso in Gobolka Gedo oo aan iminka gacanta ugu jirin Maamulka Axmed Madoobe lagu soo doorto kuraasta Xildhibaannada.

Shirkan ayaa la filayaa marka uu soo Dhamaado in laga soo saaro Go’aano kala duwan, Waxayna dadku isha ku hayaan sida ay Madaxdu Tanaasul dhexdooda ah u samayso, iyagoo ka duulaya xaalada guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo ka daalay is qabqabsiga Siyaasiyiinta.

Kalshaale.com

Warar Sugan iyo Suugaan

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32886

Posted by on Sep 14 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Wararkii ugu dambeeyay Shirka Muqdisho ee Galay Maalintii Labaad iyo Qodobo Xasaasi ah”

  1. Isutanaasula .danta wadanka fiiriya umada unaxa ilaahay kabaqa hadii kale meelkale ayaa wadanka lagaraadin
    Somali is going to be dinousers

  2. Axmed somali

    Sln sare wararku waxay lee yihiin ku simihii bedelay

    Khayre mahdi waa loo diiday inuu shirka jangoynta

    Siyasada ka qayb galo warka maku soo gaaray

    Maxadse ka tiri?

  3. Gaafoow

    90skii ayay lagu shiray Qaahira,Adis iyo meelo badan.Kuwani waa dhashii ay dhaleen Dugaaggaasi wadankan diirtay
    ee Beelahaasi.

    30 sano ka hor ayaa la shirayay,maanta waa la shirayaa kkkk

    Maxaa ka soo baxay ?

    Wixii ka soo baxa,ma lagu soconayaa oo guul ma keenayaa?

    30 sano caqabad laga gudbay oo dhamaatay maad aragtay?

    Hadaad aragtay soo daa.

    Dalmida

  4. Mr bahal
    Xayawaanka ladhaho dinousers wax makataqaanaa soomaali sidaa ayey kusocdaan .waa layaabanyahay umad wada munaafiqawdey weeyi

  5. ASC.
    Mudane Jabhad, Marka hore waan ku salaamay, ka Dib warkaa ima soo gaarin! BALSE hadduu jiro, Waxaa mudan in wax badan lays weydiiyo. ≈©≈Kow, yaa Mudane Mahdi Wax u diidi kara? Farmaajo Kaliya!, Intaa ka gadaal Waxaa noo bannaan Mala-awaal. ≈©≈Dhanka mala-awaalkana, faqiir kama ihi, Haddaa doontana Wax-baan kuu soo gudbin. WBT

  6. ASC.
    OO Gaafow MA Somalinimow gaaray?, Isagoo Qabiil ah Baa igu dambayse?. WBT

  7. Reer zoomaliya waxaad tihiin dadka lagu soo qaato tusaalaha marka ay caalamku is bahdilayaan..

    Albert Einstein is widely credited with saying, “The definition of insanity is doing the same thing over and over again, but expecting different results.”

  8. ASC.
    Kaahinow, Maandhow YAA kuyiri Somali oo dhan AF qalaad bay ku hadasha?, HADDAADSE Afki Hooyo ka faantay SEEN isu garanaa? Gaalo jecel Waxaan leenahay Orod madiidin u noqo. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented