Tallaabo uu Qaaday Wasiirka Qorshaynta Jamaal M. Xasan oo dood Dhalisay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee JFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa is bedel ku sameeyay Maamulka Wasaaradda Qorsheynta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Qorsheynta oo ku taariikheysneyd 10-ka bisha September 2020 ayaa lagu baabi’iyay Xoghayaha Joogtada ay laheyd Wasaaradda Qorsheynta

Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Cabdiqaadir Maxamed aadan ayaa laga dhigay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta.

Sidoo kale waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda oo markii hore lahaa Agaasimayaal Guud ay wixii Hadda ka dambeeya waxay yeelanayaan Agaasime Waaxeedyo.

Sii hayaha xilka Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa in muddo ah Wasaaradda ka waday isbadalo muhiim ah, iyadoo marka laga yimaado is bedelada kala duwan oo ku guulaystay inay Wasaaraddu dib ugu howl gasho Xarunteeda oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyay.

Balse dadka Qaar ayaan Qaba in Tan iyo markii ay dhacday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ay soo kordhayaan is bedelo is daba joog ah oo ka socday Wasaaradaha, kaasoo ay sameynayeen Wasiirada xilka sii haya, Waxaana ka maqnayn  dano siyaasadeed iyoado laga  faa’ideysanayo marxalada kala guurka .

Balse Wasiir Jamaal ayaa la aaminsan yahay inuu kamid ah yahay Wasiirada ugu Shaqada iyo Tayadda Fiicnaa Xukuumadii Raysal wasaare Xasan Cali Khayre.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Gamaal “Jamaal” M/med Xasan, ILAA HADDA wuxuu ku jira shakhsiyaadka madaxa ii saaran. WBT




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...