|

Rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Ciidanka Dawladda oo Muqdisho ka gaystay Kufsi

Muqdisho ( Kalshaale ) Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yahiin ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney fal kufsi ah ka geysteen magaalada Muqdisho bilowga isbuucaan.

Sida ay ku warameen maamulka dagmada Shangaani ee gobolka Banaadir, falkaan waxaa loo geystay wiil 9-jir ah, waxeyna qoyska dhibanaha sheegeen in falka uu dhacay xilli habeen ah oo ay dableysa usoo dhaceen gurigooda.

“Dhakhtar ayaa noo xaqiijiyay dhibka gaaray wiilka yar, guriga ayuu jiifaa, wuu caafimaad qabaa, balse inaan cadaalad helno ayaan u baahanahay” ayuu yidhi awoowaha wiilka yar ee dhibta loo geystay.

Laba qof oo dumar ah oo ku sugnaa guriga ayaa ka badbaaday falka kufsiga ah oo ay geysteen ragga aan wali la cadeyn hadii ay yahiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo hadii ay yahiin burcad.

Qof la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa kooxda falkaan geysatay ayaa ku xidhan saldhigga dagmada Shangaani, taliska Booliska wey ka gaabsadeen iney ka hadlaan kiiskaan walow ay xaqiijiyeen iney Warku soo gaadhay.

Kufsiga wuu kusoo badanayaa Muqdisho, dhawaan ayey aheyd markii kufsi iyo dil loo geystay gabadh dhawaan ka baxday dugsiga sare oo magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax, waana kiis wali taagan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32873

Posted by on Sep 14 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Rag looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Ciidanka Dawladda oo Muqdisho ka gaystay Kufsi”

  1. Askarigu waa hanti qaran, qofkasta oo Somaliya madaxa ayuu u saaran. Askarigii karaamadaa ummadda ku dhex lahaa sidee buu dadkii uu u dhaartay u dhibaatayn karaa. Ka ba sii darane Somaliya taariikhdeeda looma hayn foolxumadaa, carabahase waa lagu sheegi jirey. Laakiin, waxan mediaha Xamar ay soo gudbiyeen, oo ah raggan buka ama dharka ciidanka ha loo soo geliyo ama ama ha noqdeen ciidamadii qaranka sidee ugu hawoonayaan ilmo yar. Haddii ay run tahay Somaliya reer Abaarso iyo macalinkoodii soo diray guuleyste oo dalkii dad buka oo la dhaqan gediyey baa u joogga. Waxa dhici karta fake news Farmaajo ku xumayn ah inay noqoto. Wallaahu aclam.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented