Jabhada uu Hogaamiyo Col. Falaalug oo Weerar ku Qaaday Ciidamada Somaliland

Laascaanood ( Kalshaale ) Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ee lagu magacaabo Jabhada Dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhiga ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.

Ciidamada Falaalug ayaa weerar ku qaaday saldhigaasi oo ku yaala deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi, kaasi oo ay ku suganaayen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Somaliland.

Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin kala hortagay ciidamadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhexmaro ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug.

Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, siday dad deegaanka ah  sheegen, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn xadigiisa.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumada Somaliland iyo laamaha amniga ee gobolka oo ku aadan dagaalkaasi.

Mana aha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyo ay leeyihiin ciidamad Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Hinda says:

    Falaago faraha Somaliland ka firdhanmaayo Cali khaliif kula yaab falaagoow




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...