Shirka Madaxda DF iyo Maamulada iyo Arimaha Xasaasiga ah ee Horyaalla
Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka ayaa shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho kadib dhowr jeer oo uu sababo kala duwan u baaqday.
Kulankii shalay ayaa ahaa furitaan iyo qado sharaf kaliya waxaana ajendeyaasha shirka si rasmi ah la guda geli doonaa maanta iyo wixii ka dambeeya, taasi oo macnaheedu yahay in doodda iyo loolanka siyaasadeed uu si rasmi ah u billaaban doono.
Shirka ayaa waxaa hortaalla su’aal keeni karta in inta aanba si buuxda loo guda gelin la isku khilaafo taasi oo ah waxa laga yeelayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee ay saxiixeen madaxweynaha iyo madaxweyne goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.
Puntland iyo Jubaland ayaa qaba in heshiiskaas aanu waxba ka jirin, sidaas darteedna hadda iyo kow laga wada-hadlo dhammaan arrimaha doorashada, halka madaxweyne Farmaajo uu qabo in laga wada-hadlo qodobada ay doodda ka qabaan ama ay diidan yihiin.
Si kastaba, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaaba diidan inta badan qodobada ugu muhiimsan shirka sida qodobka qeexaya tirada ergada ee 301, awoodda la siiyey guddiga madax-banaan ee doorashooyinka qaranka, qodobka dhigaya in afar deegaan ay ka dhacdo doorashada, qodobka dhigaya in magaaladii ay amni darro ka jirto laga wareejin karo doorashada, qodobka dhigaya in doorashada lagu galo hanaan xisbi iyo kuwa kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa u arka in haddii heshiiska Dhuusamareeb 3 iyo qodobadiisa dib loogu laabto ay siin karto awood gorgorton, sababtoo ah wuxuu u adeegsan karaa inuu qodobada qaar ka tanaasulo si uu kuwa kale ugu guuleysto, ayna Axmed Madoobe iyo Deni ku adkaan doonto inay qodob walba diidaan.
Waxaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku ra’yi ah madax goboleedyadii la saxiixay heshiiska Dhuusamareeb 3, oo in heshiiska waxba kama jiraan laga soo qaado u arka in ayaga iyo maamul goboleedyada ay maamulaanba laga dhigo kuwa aan macno lahayn.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32866
Horta Deni iyo Axmed Cadde ma waxaa u geysay Cabsi iney dadka dhex fadhiistaan
Minority Showr iyo Shux shux badanaa,
– War Jidka Dheer waa laga gudbee, saani u fadhiista Kursiga (waa rag orod u diyaar ah)
Shirka sii wada,hadhoowna looma dhana ha yeedho,deena mid kale qabsada.
Shir-Inangumeed iyo sheeko midgaan,midna ma dhamaado.
Somalidii hore ayaa sidaa odhanjirtay.Kuwii Reer Xarla.
Macnaha oo ah,midgaaku hadalka ma dhameeyo.Halka gaaban kama soo qabto.
Inangumeedkuna shir aan dhamaan ayuu qabsadaa.Waa waxan ka jira somaliya 30kii sano ee u dambeeyay.
30 sano shir ah ayaa socda.
Waa Tuug Hawiye ah iyo Tuug kale oo Daarood ah.
Hal nin oo calaal ah ayaa dhex fadhiya.Mr Lafta Gareen.
Waxa kale waa wasakhtii somaliya diirtay oo isku hor fadhiya.
Sida aan warar hoose ku helay,Gaalkii ayaa u hanjabay.waxaa lagu yidhi;waxan rabnaa inaad xal ka gaadhaan doorashada.
Waxaa lagu siiyay amar inay wax isku raacaan kkkk
Tii oo ay sidaa tahay,hadana koox waliba waxay wadataa qorshe qarsoon kkkkk si ay kooxda kale meesha uga saarto.
Ilaa Cali mahdi,ayaa shirka Zoomka soo gala.
Wadankaasi way u dhamaatay.
Dalmida
Shirkan Fashil ayuu ku dhamaanayaa.
Waayo waxaan la isku mari doonin qodobo badan oo la kala wato.
Qodobada la isku hayey ilaa shalay ee aan dhanna u dhaqaaqayn waxaa ka mid ah.
1- Guduiga doorashada
2- Doorka maamul gobaleedyada
3- Xilliga ay doorashadu soconayso
4- Goobaha doorashadu ka dhacayso
Iga qora hadalkaa shirku fashil buu ku dhammaan waxaana si toosa usoo faragalin doona Beesha caalamka iyo cillinkii Yamamoto.
Mr dabshid
Reer qurac
Dooli
Doorshaan
Batuula xujaale
Minority
Kismaayo garoob
Co president
Jiko mudulood
Saxaraha bari iwm
Erayadaas waan ka iibsadey
30-kii sano ee u dambeeyay,inta shir ee dhacay,sida wax ku dambeeyeen iyo halka la joogo ayaa noogu filan in aan ogaano waxa lagu jiro iyo waxa lagu jiridoono ee ku saabsan dawladnimada somalida.
Dalmida
Mr bahaloow.
Kkkķkkk.
Ilaa cali mahdi ayaa shirka zoonka soo galay.
War ninyohoow.
Marka la yiraa hawiye darood iyo dadka kale.
Waxaa 2 ama 3 jeer badan dad kale.
Dadkaas kale maxaa u diiday in ay midobaan. Ee ay dhahaan. Hawiye iyo darood mafadaano.
Midna waan kugu raacsanahay. Somaliya waxaa halkaa dhigay waa hawiye iyo darood. Hadeey donaan ayagu how kala bataan.
Waxaan ogaa beri uu Mr cali khaliif galaydh isu sharaxay. Gudoomiyaha barlamaanka.
Darood iyo hawiye wexey xogooda iskugu geyeen In uusan Mr galaydh ku guleeysan kursigaaas.
Marka labada reer wexey heshiis ku yihiin. In ay kala qataan labada kursi ee dalka laga xukumo.
Aniga ka garqaad ahaan. Hadii reer woqooyi oo wada dhan miiska soo fariistaan. Waxaa yaraan lahaa oo meeshaba ka bixi lahaa. Awooda 2daan reer een cid kalana wax u ogoleyn ayaguna aan heshiis ku aheyn in somalida wanaag u hor sedaan.
Isma diidano ismana ogolo adu meel u eaac.
Alla maxaa laandgeeranimadii qalad laga fahmay.
Garqaad
Dee sxb waad mahadsantahay inat aad runta ku rafatay.
Sida aad ogtahabya Tuugtu waaa siixbiibo.Suuqa wax laga xado way wada joogaan.Arimaha waa wayn – kooxkoox ayay u xadaan.Waxa yaryarna shaqisi,shaqsi ayay u xadaan.Xiliyo gaar ah ayay socdaan,meelo gaar ahna way ku kulmaan.
Wadankani,rajadiisu way adagtahay.Waaayo?
Aduunku sii hore maaha.Waxaa jira qaab cusub oo uu aduunku galay.
Waa lays boobayaa,meesha wax yalaan ayaa laysku dilayaa.
Dagaal xagga shacabka ah ayaa socda.
Dadkii aan wax aqoonin,dadkii aan isku duubnayn,dadkii aan Geesyo lahayn,waxay noqnayaan kuwa la iibsado.
Dalmida
Alxamdulillah . Waxaan damcay inaan qoro fikirkeyga iyo saadaasheyda ku aadan shirkan loofadhiyo . Waxaa iisoobaxday rajobeel 100 % ah . Haddii lagu heshiiyo iyo hadaan laguheshiinba . Waayo waxaan go’aansanay oon ku heshiinay inaan markale SEEXANNO jiifdheer oo qaadanaya muddo 4 sano ah . Sababtoo ah : Waa markale iyo 4.5 !
——
Kadib rajobeelkaas ayaan iri astaqfirullah . Waayo qofka muslimka ahi ma rajo dhiga/beela . Insha allaah , alle ayaa sahlidoono . Wax micne ah iiguma fadhido cidda noqoneyso madaxweyne IWM . 1991 illaa 2025 ayaan u FARANDULLEYNEYNAA sidii daanyeerta . Dhamaan dhibaatooyinka ku dhacaya shacabka Soomaaliyeed , ee ay kaliftay dawlad-xumida aka maamul-xumida waxaa dushasaarandoono RAGGAAS u eg WANAN la qalidoono CIIDDA CARAFA ee soosocoto . Waxay cunayaan iyo waxay cunsiinayeen ehelkoodana waa xaaraan .
Reer Lubnaan ayaa markey qaati kala istaageen waxay Faransiiska ka codsadeen inuu dib u GUMEYSTO Lubnaan mar labaad .
” Tii alley tagi “
Marka ay runta diido,ee qabiil masgaxda ka galay la daalaa dhacdo,ayay 4.5 iyo Federalsm eedda saartaa.
Dadku inay waasakhyihiin ayay meesha ka saaraan.Dadku in aanay lahayn wax xuud ah oo xidha ayay meesha ka saaraan.
Kii 90-kii dhiiga daadiyay ayaa halkan soo fadhiya.Kii ajaanibka ku soo hogaamnayay somaliya si uu dhaqaale uga sameeyo ayaa halkan soo fadhiya.waxaa intaa dheer inta kale oo raadinaya fursado ay ajaanib ku soo hogaamiyaan.
Ilaahay ima odhanin nacasyo iska agfadhiiso oo rajo ka sug.Ilaahay wuxuu i yidhi oo faray inaan dadka fiican wax iu dhiibto si aan rajo u naawilo.
Tuug shirayasa oo aan aqaano,rajo ka sugimaayo.
xataa Diintii ayaa si qaldan loo adeegsanaayaa;..
Dalmida