Kulankii Muqdisho ku dhexmaray Madaxwayneyaasha Galmudug iyo Puntland
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka dhex maray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka 2020/2021-ka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Qoor Qoor iyo Deni ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka wada-tashiga ee ka socda Muqdisho oo galay maalintiisii labaad.
Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay.
Labada hoggaamiye ee Galmudug iyo Puntland oo Muqdisho u jooga wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa shirkooda ku soo qaaday iskaashiga ka dhexeeya labada maamul, maadaama ay daris wadaag yihiin.
Shirarkan gaar-gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey caasimada ayaa ujeedkooda uu yahay, sidii is-faham looga gaari lahaa wada-hadallada ka socda Muqdisho ee looga hadlayo doorashada 2020/21.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32862
SAWIRKANI TELLS ONE THING
NIN QARIIBA IYO NIN GURIGIISA JOOGA
GAMBAR QAADO MINAKA MINANKAA WAAYE
HAYS QARIIBIN..
LABADII GROUP IYAMAA REEYAY??
REERO FARMAAJO MISE REERO ATLAS??
Shirka QADAAD-WEYNE iyo QOOR-WEYNE waxaa ka soo baxey inuu Xadka Federalka MELES ahaado LUUQA BARAAKOOYINKA ADEER XERSI IYO ADEER WARSAME.
Sidoo kale ineysan dib u soo noqon cunaqabadeynta BARADHADA IYO BASASHA BOOSAASO LA GEEYO.