|

Buuhoodle Cusub Iyo Barnaamijyadii Xiisaha Badnaa ee ka Qabsoomay (Faallo+Daawo)

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Waxay ahayd madal qurux badan oo ay dad qiimo iyo qadarin leh ay soo qaban qaabiyeen, waxa lagu sharfaayey misna lagu soo dhoweeyey abwaan Soomaaliyeed misna isla deegaan ka ah.

Waxa kulmay, misna dood iyo niqaash yeeshay boqolaal dhallinta Jaamacadaha, kuwa dugsiyada sare, kuwa sports-ka, kuwa ururada, kuwa dacwada iyo diinta iyo kuwa xirfad layaasha ah .

Waa dhallinyaro ka duwan kuwii mudaharaadyada u soo bixi jiray ama qabyaaladda quud ka u ahayd!

Ujeedkeena.

Aniggu ma ihi murashax siyaasadeed oo Buuhoodle cod karaba maanta, mana ihi caaqil ama garaad ilaashanaaya saldanad, ma ihi nin raba nin magaciisa la sheego sheego, mana ihi nin dagan Buuhoodle ama ehelkiis ay jooggaan.

Waxa iigu muhiimsan waa inaan qeyb weyn ka ahaado Buuhoodlaha cusub, Buuhoodlaha diyaar ka u ah inay ka baxdo wixii hore, Buuhoodlaha dib ula soo noqonaysa hankii iyo hannaankii taariikhda u galay, Buuhoodlaha bulaacadda ku ridaysa siyaasi danaysta ah, ciidan iimaan la’ odoyaal qaraabta, aqoon yahan dadka sira, mudaharaad maalaa yacni ah iyo maamul gumaysta ah oo raba inuu dadka iyo dalkaba gumeeyo, oo  sharafta ka qaado!!

Waxa aan rabaa, Buuhoodlihii uu Cali Dhuux, Aadan Carab iyo Samatar Baxnaan ay joogeen oo kale!

Marqaati kama sii ahaan karno wixii nasoo maray, wixii duruuftu nabiday, wixii rag naga mid ahi nala rabeen, walina nala rabaan!!

Waxaanse marqaati ka noqonayaa Buuhoodlaha dhismaya, dadkiisu dhismayaan, dhallinyaradu hoggaaminayso, baraarug bulsho ka bulaalo.

Marqaati kama noqon karo Buuhoodle uu u bootaynaayo wiil jaahil ah oo qori wata, mid maamul mooryaan ah wakiil u ah, mid aabihii caaqil ama garaad ahaa oo raba inuu intaa ku dhuuqo, mid magaalo maalmo joogay oo dadka maxaafasada iyo mid qurbaha ku wareeray oo caagad yaroo biya ah la wareegaaya! 😆 😆

Waxa aan rabaa oo Illaahay igu ogyahay, Buuhoodle oo ceebta guud ee na gaartay mayrta, u noqota deegaanka iyo dhallinyarada kale tusaale ay dulliga iyo darxumada uga baxaan!

Waxa aan rabaaa dhammaanteen inaan ahaano hal Buuhoodle oo aan bilaawno dhismaha Buuhoodlaha cusub oo taariikhdiisu dib u bilaabato, dhismaha quluubta dhallinta mustaqbalka dhow.

Marka aan Buuhoodle ka soo jeesano ayaan SSC wax tari karnaa, Soomaalina u gudbi karnaa! Soomaali muxuu ku kordhin karaa nin ay magaaladiisu mugdi tahay? Miyaan qaldanahay tolow!!! Aniga taa ceeb uma arko, ninkii u arkase yeelkii!!

Waxa aan u mahad celinayaa Abwaanka weyn, Al-khaliif Cismaan Cabdi Nuur Xaashi iyo marwadiisa sharafta badan Aamina Yuusuf Guhaad oo wacdaro maalmo socday ka Buuhoodle ka dhigay, maan kana noo wada furay dhammanateen.

Waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa uruada magaaladda, gaar ahaan naadiga Aw Jaamac ee (NAQA) ee isagu howshaan la’aantiis aanu suura gal ahaan lahayn iyo Cilmi Samatar Baxnaan oo kaalin weyn ka qaatay.

Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Warbaahinta Kalshaale.com ,   oo si wanaagsn noogu soo gudbiyey barnaamijyadii ka Qabsoomay Buuhoodle.

Allaha idin sharfo dhammaantiin!

Wada shaqayn wanaagsan.

W/Q: Hussein Aden Kaneec

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL KHUDBADII KHALIIFKA

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32853

Posted by on Sep 14 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

11 Comments for “Buuhoodle Cusub Iyo Barnaamijyadii Xiisaha Badnaa ee ka Qabsoomay (Faallo+Daawo)”

  1. ASC.
    ***WAA I KAN***.
    ANIGU, diiday IN la yiraah; Ciise, Gadabuursi, Warsangeli, Isaaq, Dhulbahante iyo Beelaha kale ee Reer Waqooyi Waa SAB aan Xukunka Somali GAYN!!! Waxayna iga taagantahay, CAR YAA taabta Khadar M/med Cabdullaahi. ≈©≈OGI inaan kaligi Duul ahay, Danse kama lihi Maadaama aan Xaq u dirir ahay. ≈©≈Mudane M/weyne M/med Cabdullaahi, yaysan indhahaaga buuxin kuwa Xamar kula jooga oo ka fikira KIISH kooda, EE fiiri ILBIRIQSIGA (orizonte) iyo Mustaqbilka Ummadda Somali iyo Midnimadooda. WBT

  2. Ahmed Hangash

    Warka iska toosi, waxaad dhahdaa yaysan indhahaaga Buxton ( KUWA XAMAR LEH)
    ama HANTIILAYAASHA MAAMULKA BANAADIR STATE.

    Hadda waqti doorasho ayaa lagu jiraa, looma baahna Rasalwasaare HAG GROUP ah ama Cali Samatar kale.

    Caasimadeena
    Canshuurteena
    Ciidankeena

    ayaan u wakiilaney Seedigeen (yaa kale oo Kalsoonidaas leh).

    * Kharash iyo Qabyo waxaan aheyna ka maanan faa’iidin

    • ASC.
      Dabshidow, Amar ILAAHAY SWT anigu kuma Afgarto, Beryahaan dambana Waxaan Iska dhaadhacshay INAAD tahay Qolyahaan deriskeenna, Amxaaro. WBT

  3. Greetings suldaan dabshid

    Waxaan idiinsoo jeedin lahaa road map qorshihii aad Ku soo af jari lahaydeen dhibkan 30 jirsaday ee aad Ku jirteen

    Aarmaajo inaad is dhaafisaan doorataana madaxwayne hawiye ah kaasi aad Ku dooranaysaan inuu noqdo prime minister Ku koonfur galbeed nin Ka soo jeeda

    Koonfur galbeed state hadii aad alliance kaa la samaysaan waxan kalee koombada madhan wata lugtaad Ka xidhi lahaydeen sidii xabashi qaamoobay

    Riwaayadan punt land idiin dhigtayna actor Ku waa dhiman lahaa

    Axmed Somali aka oday biiqay mayla socotaa

  4. Alla waa Daraawiishtii.waa Ragii wadankan u soo halgamay.Waa Raga soo raaca Adal iyo Ajuuraan.

    Qolyahan Hawiye,Idoor ama Daaroodka la yidhaa ee bilaa qadiyada ah,waxaan ku waa nin lahaa inay dhulka ka qaadaan hadii ay arkaan wiil dhuloos ah ama Gabdh oo ay dhabarka saaraan.

    Dadkii la hogaaminlahaa ayaa wax hogaaminaya.Dhibku halkaasi ayuu ka jira .
    Adiga oo lagu yidhaa aqalka dhis.Waligaana maad arag meel aqal lagu dhisayo oo banaan ayaad seexan jirtay.

    Biyaha iyo cabuudka isku dar,dhagaxda iyo dhuubadana isku dar,meel kale bal u dhaaf.

    30 sano iyo shir aan dhamaanayn.

    Dalmida

  5. ASC.
    Khaahin adeer, NIN raga ma iska dhigikartaa oo HAL suàaal maka jawaabikarta? (hade adaa dariishadaan fure) Muxuu Gacan ku dhiigle Muuse Biixi FALI, hadday Beelaha Reer Waqooyi, INTA aan Durriyadda ahayn, ay dhahaan; “Annagu gooni ISUTAAG ma doonayno?!!!. ≈©≈Aan kuu shegee, “anigu cilmu khaybka KAMA war hayye Malahaygu wuxuu I leeyahay; “Muuse Biixi wuxuu bilaabi Caadadiisi, GUMAAD. ≈©≈WAAN idin aqaan oo MARKAY halkaa joogto Waad dhuumataane Waxaan uga danleeyahay oo kaliya INAAD joogiso Dhex galka umuuro aadan ka bixikarin. WBT

  6. A young outcast will often feel that there is something wrong with himself, but as he gets older, grows more confident in who he is, he will adapt, he will begin to feel that there is something wrong with everyone else.
    Those who live in the past will have no hope of a brighter future

    Oday biiqay mayla socotaa

  7. A young outcast will often feel that there is something wrong with himself, but as he gets older, grows more confident in who he is, he will adapt, he will begin to feel that there is something wrong with everyone else. Those who live in the past will have no hope of a brighter future Oday biiqay mayla socotaa

  8. Oday biiqay oday asaasaq ah ayaad tahay
    Somaliland waa lagu Kala baxay majorityga dadka Somaliland daga vote baa laga qaaday that’s why Somaliland declared it’s independence

  9. Marka hore wuu mahadsanyahay Macalinka / wariyaha waaya aragga ah . Marka labaad dhamaan dadka uu sheegaya waa Soomaali , aniga iyo ADIGANA Soomaali ayaan nahay . Taasoo ay micnaheedatahay waxa lagahadlayo waan isla leenahay guusha iyo guuldaradaba . Qaar badan oo kamid ah awoowayaasheen iyo ayeeyoyaasheen ayaa kala soobaxay AFLIBAAX . Taariikhdana way isdabasocotaa , wayna isqalibtaa . Jiilashana waa sidaasoo Kale . Sidaadarteed waa inuu qofka Soomaaliga ahi xasuustaa marwalba iney jireen , jiraan , jirinadoonaan jiilal kale oo ka wanaagsanaa ama ka liitay . Muhiimadda waa inaad wanaagga iskuguubaabisaan , yaysan guubaabada noqon mid TIIROGAABAN = Dhamaan dadkaas waxay wax ku noqdeen Soomaalinimada guud ( Ha ahaado gunaanadka hadalka = Anagoo Soomaali ah ayaa Wada leh guushaas )

    Haa : Waan qirayaa , waana ku bogaadinayaa iney gobolada SSC kasoobaxeen dad-badan oo magac iyo taariikh wanaagsan reebay / leh , halganno taariikhi ahna ay horseed ka ahaayeen . Dhinaca kale waa iney dadka Soomaaliyeed ogaadaan inuu qofkastoo Soomaali ah Soohalgamay . Waayo uguyaraan waxuu difaacay bugcaddii uu ka deganaa CARRIGA Soomaaliyeed . ( Haa , wuu jiray , walina jiraa dabadhilif ) . Lkn isagana Soomaali ayuu ahaa oo xumaantiisana waxbaan kuleenahay.

    Hala bara caruurta Soomaaliyeed QABWEYNIDA , hadana haloosheego inuu QEYB ka yahay QABWEYNIDA .

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented