WARAYSI XIISO LEH : Gobolada SSC, Xildhibaanada Ugu Jira DFS iyo Shirka Magaalada Muqdisho ka Furmay

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Waraysi Xiiso badna oo Aqoonyahan Caynaanshe Cabdiraxmaan uga hadlay  Xaalada Guud ee dalka, Shirka Muqdisho, Gobolada SSC iyo Arimo kale oo muhiim ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Caynaanshe wuxuu sidoo kale ka Warbixiyey waxa ku dhaliyey Xiligan inuu isku soo sharaxo  Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Waxa Qorshihiisu yahay.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada deegaanada SSC  Hada  ku metala siyaasadda ayuu sheegay inay  ka Gaabiyeen Doorkooda iyo Shaqooyinkii looga Fadhiyey inay u Qabtaan Qaranka iyo deegaanada ay Metelaan, Wuxuuna timaaamay inaanu jirin Xildhibaan hal maalin isku howlay danta deegaanka laga soo doortay.

Dhinaca kale Caynaanshe wuxuu ka hadlay Shirka magaalada Muqdisho maanta uga Furmay Madaxda DF Soomaaliya iyo maamulada , Wuxuuna ku Booriyey inay isku tanaasulaan oo ay Hoos u eegaan, Xaalada dadka Soomaaliyeed iyo dalku ay ku sugan yihiin.

Kusoo dhowaada  Waraysigan  Xiisaha  badan ee Warbaahinta Kalshaale uu siiyey  Caynaanshe Cabdiraxmaan oo kamid ah Aqoonyahanka Soomaaliyeed, Islamarkaana  ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka , Ugu horayn Waa kuma Caynaanshe Cabdiraxmaan ? Daawasho wacan.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...