|

Madaxwaynaha Galmudug oo Baydhabo yimid iyo Shir uga Furmay Sadexda Maamul

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shir u dhaxeeya Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa  ka furmay  agaalada Baydhabo, iyadoo shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo saddexdan maamul kaga hadlayaan sidii mowqif mideysan ula tagi lahaayeen shirka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in shirkooda ay u badan tahay in war murtiyeed ka soo saaraan, si ay u adkeeyaan qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa marka shirkooda u soo dhamaado isla maanta si wadajir ah imaanayaMuqdisho, si maalinta berri ay uga qeyb galaan Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed QoorQoor, oo ka hadlaya shirka wadatashiga Baydhabo ayaa ku baaqay in degdeg loo dhiso xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ka hadlay in maamullada shiraya ay u dhow yihiin dowladda, wuxuuna yidhi.

“Annaga waxa nala yidhaahdaa, Dowlada ayey wadashaqeyn dhow leeyihiin, waan ku faraxsanahay oo ku faaneynaa haddiiba nala lahayn dowlada ayey kala fog yihiin”

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay ku dhowaaqay inuu Muqdisho ka furmi doono 10-ka bisha  shir ay u dhan yihiin  Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Horay waxaa Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo todobaadkii hore Muqdisho u yimid kulanka Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee markii dambe shuruud ku xidhay, kana dalbaday inuu shirka ka soo qeyb geliyo Maamul goboleedyada maqan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32669

Posted by on Sep 9 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Madaxwaynaha Galmudug oo Baydhabo yimid iyo Shir uga Furmay Sadexda Maamul”

  1. Mr qoor qoor.

    Hadalkiisa waxaan u fahmay.

    Intii nalagu caayi lahaa shisheeye ayey u adeegaan hanalagu caayo dowladda ayey la sheqeyaan.

    Waan gartay.

    Waa in sifiican lo soo dhaweeyaa.

    Tolow miyey ku farxi lahayeen in loo xiro jidadka muqdisho?

    Miyey ku farxi lahayeen. In ciidanka somaliya garoonka laga wareejiyo ee shisheeye la wareego in ay ka soo degayaan?

    Anigu waxaan ku ekeysansyaa. In lawada heshiiyo.

    Shacabka iyo dalkaaas wanaagiisa ayaa nawada deeqo.

    Axmed madoobe. Wuxuu yiri Aniga cuqdad qabiil ima hayso.

    Qalbigiisa alla og laakiin hadal fiican ayuu ka jeediyay gogoshii mudulood dhigay.

    Mar kale waa muhiim hogaanka xuriyo in uu kusoo laabto nimankii lahaa gacantooda

  2. Waan soo dhawaynayaa “Shirka is xambabuurka & Madax ciidda ka ceshada ilmagareen”
    Ballantii Cillinka Yamamoto uu Farmaajo idiin soo farayna waa idin sugayaa ha isku illaawina is coofaarinta Baydhabo

  3. madaxweyne farmaajo
    waa nin ka adag daba qoodhi Kenya iyo ilma gabre amxar dalkana dariiqi saxda ahaa buu kusoo celinaya hawiyena waa uu fahmey dadka diidan dowlada oo Nairobi laga soo dirayo

  4. Garqaad

    mid waa inaad fahantaa.Mooyaan inaad iska indho tirayso iyo inuu kaa dhaadhacay faanka Dabaadhilifku.

    Maammulgoleedku wuxu ka midyahay dawlada.Dawlada iyo maamulgogboleedku waa hal dawlad.Waa isku golaha fulinta ee qaranka.

    Maamulgoleedku waa dawlada.Qoor-qoor iyo Formaajo ama mid kasta oo maamul ka hayaa gobolada waa dawlada.

    Ragani waa rag fahansan dawladnimada.Dawladnimadu waa sidaa.Reer Gareen iyo Formaajo waa isku hal dawlad.

    Dee hadii Mooryaanimada loo qaatay dawladnimo ama Jaajuusnimada loo qaatay dawladnimo,waa halkeeda,laakiin runtii waa sidaa.

    Marka qaswade lagugu sheego oo Nin Cadaan ah oo shisheeye qaswade kugu sheego,hadaad soo orodid oo ninkii qaswadaha kugu sheegay jilbaha qabsatid,waa daciifnimo.Daciifnimo ka wayn ma jirto.

    Dhaahaan arkayanay,nin ay taladu dhaafteey.

    Intoo lays waalay,imaashaha Muqdisho la diiday ayaa lagu baraarugay warkii uu soo saaray ninkii gaabnaa.
    Orod ayaa lagu soo galay Muqdisho,ninkii gaabnaa ayaa jilbaha la qabsaday.

    Garqaadooow,ragu kala ragsane la soco.

    Dalmida

  5. waar ragow yaa arkay ninkii ahaa nabadon
    GEDO LAND
    xage qabtay labadan cisho ma arkin ninkii GEDO LAND

  6. Waar qudbdii waare ayaan dhegaystay.Waligay waa markii u horaysay ee waare dhegaystay.

    Qosol ayaa i dilay.

    Waaba abu xigma.

    Rag waxaa ugu daran,nin aad sagootiday,oo aan kaa tagin iyo nin aad sugayso oo aan ku soo socnin.

    Xgmadaasi ayaan ka iibsaday kkkkk

    Dalmida

  7. Waraabaa su’aal la waydiiyey oo lagu yidhi “Dhurwaayow hooyadaa miyey qurufsantahay
    Yacnihii miyey foolxuntahay oo socod xuntahay?
    Suuye iska suga iyadaa halkan raqda ah iman doontee.
    Haatan ilma gareen sida siyaasadoodu u egtahay shirkan Baydhaba ayaad ka ogaan doontaan.Khamiista haddii ay soo dhigtaan Muqdisho iyagoo qurufsanaya siyaasad dabe oo ay leeyihiin waxba ha ka sugina

  8. walee Reer Gareen waa rag jira kkk

    Qudbadii qoor qoorna waa dhegaystay kkkkkkkkkkkkkkk

    Waar meeshasi ragba iskugu tagay.
    maalin hore ayaan sheegay halkaa ka soo baxeen rag somaliya wax ka badalaya.

    Dalmida

  9. Mr Bahal
    kkkkkk
    Hadda kahor kuu sheegay haddii qabiilada waaweyn ama laandheere loo yaqaan ay u tanaasuli waayaan qabiilada yaryar.
    Qabiila yar yar waxay noqon dad isqarxiya ama dictator ku dabafayla..kkkkk
    Alshabaab dadka ugu badan ka feker!
    Kula yaabi maayo in doorasho tuulo walba qofkeeda soo dirsan rabin, waxaad rabtaa sida Beyle in qasnada fariisato adoo laangaab ah..kkkkk
    War isdeji waa laga yaabaa in democracy ku qadin oo shacabka laangaab fiican doortaan haddii fursad codkooda xalaal ah ku dhiibtaan helaan.
    Farmaajo waxaa doortay Hawiye, Isaaq iyo Daarood oo Xasan Sheik uga hiiliyey. run
    Agoonta Kacaanka cabaad badaa!
    Somalia waa in nidaam xukunka isugu wareejino buuq la’aan dhaqan noo noqotaa, taas maxaad ku diidan tahay?
    Deni iyo Madoobe oo Farmaajo la qabiil ah ma in jago rabaan ayaad mooday oo Farmaajo kursiga ka kacsanayaan?
    No more xukun la marooqsado😎
    Waa mustaqal qaran waxa la isku horfadhiyo kana weyn shaqsi iyo koox…
    Allow dadkaaga aqli sii.

  10. Lop

    Rag waxaa ugu daran nin laangaab ah oo laandheere isbooday kk

    Laandheeraha ka daa ciyaarta.

    Laadheereha dabadhifka kk
    Laandheerahan agoontii fabge kk

    waar horta soo barta waxa laandheeraha la yidhaa.

    waad maqasheen oo iska odhaynaysaan wax aydaan garanyn kk

    Waar meesha bahdilaad ayaad dhacday.Dee laakiin dadka dhaqan ahaan laangana ahi – maba kala jesla bahidlaada Gobnida.

    Waar bal dhegayso qooroqrrr iyo Waare.walaahi kaandheere nimo ayaan u qiray.

    Dalmida

  11. waxan dhegeystey qudbadi mr waare qosol kii baa iga dhimaday qudbadisa dhan weerar iyo dhega hadal bey aheyd wuxu yidhi Mr Deni waa titan atlas kii Greece ka oo kale wax walba aniga sida camal qosol kii baa iga dhimaday inta kadib mar kii aan dhegeystey waan helay qorshihi iyo ajandihi shirka inta kadib ragow ogaada ninka layidha XAANGE waa nin wax badan kawar haya walahi waa nin ugu yaraan looso waramo qiyaas kaliya maahan warkisu marki laga reebo marku isleeyahay hawiye iska celi
    kkkkkkkkkkk

  12. Rag baa dalkii u kacay… Garabkiinna ILMA GAREEN…

  13. caawo dhan farmaajo ayaan u duceynayey
    kadib marki aan galay Facebook oo mudo hore aan unacay murusade uu horkacayo oday layira daahir socdal caawa hal qof kuma arkin AGAH cidii xage qabaten kheyre kadib

  14. Shrkii BAHALHIGLO aka ilma gareen wuxuu kusoo idlaaday 30 daqiiqo oo cay,hinaase iyo ismuujin isuga jirey.Waana intii laha filayey shirkaa
    Kabacdina dayuurad meesha ku sugaysey ayaa horay loo soo raacay.
    Wax communicate ah masoo saarin waayo meesha waxa loo tagay ismuujintaa iyo in xoogaa aaryada la iska soo saaro.

  15. Lafta Gareen
    Lugta Gareen
    Qoorta Gareen
    Finta Gareen
    Mursal Gareen

    Majority Rules, minority Rights…

  16. Kalsame
    Kkkkk Manas dalal ugaas iyo diini kaa dhigay

  17. Ma anaigaa dalal ugaas iyo diini kaa dhigay

  18. Hadhaqlayso cadowgaagu waa reer bari weyne xasuuso waxbarasha wiil yar oo kaalinta koowaad galay ayuu deni kacarooday maxaad sugaysaa majeerteen dharbaaxo ayay rabaan waana dhawdahay

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented