|

Shaqaalle Hargeisa ka yimid oo Sabab u Noqday in la xidho Xaruntii VISA-ha Turkey ee Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Xafiiskii VISA-ha Turkey ee Muqdisho (MZ VISA) ayaa gebi ahaanba la xiray maanta sababo la xiriiro khilaaf ka dhashay shaqaale ka yimid magaalada Hargeysa oo halkaas la geeyey.

Sababta loo xidhay xafiiska ayaa ah kadib markii mas’uul ka tirsan safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa uu xafiiskaas keensaday shaqaale tiro badan taasina ay keentay inay ka horyimaadaan maamulka shirkadda MZ VISA ee xafiiska Muqdisho.

Mas’uulka ka tirsan Safaaradda Turkiga qeybta Hargeysa oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa raba inuu xafiiskan ku wareejiyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan Xafiiska MZ VISA ee Hargeysa .

MZ VISA ayaa ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, waxaana iska leh nin u dhashay dalka Turkiga oo qandaraas ka haysta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, waxaana tan iyo markii shirkaddaan la sameeyey la joojiyey dadkii sida toos ah u tagi jiray Safaaradda.

Xafiiska VISA-ha Turkey ee Muqdisho ayaa ahaa xafiis ay codsiyadooda geystaan dadka doonaya inay helaan fiisooyinka Turkiga qeybihiisa kala duwan, waxaana hadda xayiran shaqadaas kadib qalalaaso iyo fooda ka dhacday habka shaqada ee Xafiiskaas.

Xirnaanshaha Xafiiska ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo doonayey inay codsiyo geystaan MZ VISA kuwaas oo ay ku jiraan kuwa xanuunsan oo ku jiro xaalado deg deg ah.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho weli kama aysan hadlin isku dhaca ka jira Xafiiska loo soo marin jiray codsiyada Viisooyinka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32230

Posted by on Aug 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

24 Comments for “Shaqaalle Hargeisa ka yimid oo Sabab u Noqday in la xidho Xaruntii VISA-ha Turkey ee Muqdisho”

  1. Sida kaliya ee uu daad kan inooga yimid Somaliland aan ku joojin karno waa in aan ka go’ naa Somalia oo ay Beesha Hawiye ka tashataa aayaheeda.

    Somaliland barigii hore qof kii Xamar aadayo oo reer Somaliland ah AirPort Hargaysa ayaa lagu celin jiray laakiin hada waxay noqotay in raxan raxan safaf dhaadheer loosoo fasaxay !!!

    Garqaad, Dabshid,Wiil Hiraab

    Bal arinkaan wax ka dhaha !

    Shaqaalihii Hawiye cafiisyadoodii waxaa la wareegay reer Somaliland !!! Sidaa raali maku tihiin?

  2. kkk

    @ Hobyo Godan war ku sheegan mid adigoo kale ah ayaa jeebkiisa kala soo baxay waana been cad. Bal waxay noogu sheekaynayaa eega.kkk

    Beryahan Reer Somaliland ayaa Xamar dhooban ayay kaaga dhegtee mid ii suubi anigaa ku fasaxaye;

    Qofkii Somaliland ka soo jeeda ee aad Xamar ku aragto madaxa ka toogo.kkk

  3. Safaaradaa aduunka ugu saxmada badan waxaa laga yaabaa qaybta bixisa visa inay ugu badnaan 4 frontdesk officers ay ka shaqeeyaan. Backoffice 2 qof talo siiya frontdesk-ka.

    See markaa shaqaale tiro badan oo Hargaysa ka yimi shaqo uga qaadi karaan kuwii hore??? Ma afduub ayay ku qabsadeen?kkk

    Ta kale safaaradu ma maqaaxi nin iskii uleeyaa? Oo siduu doono u maamusho. Misa waa hay,ad dalka Turki leeyahay uuna ilaashado! Maangaab ayaa warkaan qoray.kkk

  4. @ Hobyo Godan

    Adaa afka haysan waayee,odayaasha Hawiye ee aad Xalay lahayd Hargaysaa loo diiday Somaliland-na ku canbaaraynay-say mala socotaa ujeedka safarkooda? Ma istidhi baad intaanad Somaliland aflagaadayn? Anaa kuu sheegaya;

    Somaliland waxay qabatay sarkaal argagixiso ah, rabay inuu qaraxyo ka gaysto goobo muhiima oo Somaliland ah.

    Ninkaas ayay odoyaashan rabeen inay xukuumada Somaliland kawada hadlaan siidayntiisa. Mag baan wadnaa iyo arimada kale boodh isku qaris buu ahaa.

    Odayaasha waxaa ka muuqata inay u barteen/caadaysteen dhaqan ah in jeelasha Xamar wasto ama magac reer lagu sii daayo argagixiso la qabtay.

    Nasiib wanaag Hargaysa maaha Xamar. Aad ayaa-nan uga xumahay in odayaashan miisaankoodii dhaqan hoos u dhigaan.

  5. Hobyo Godan
    Horta waan arkayey Willal reer
    Somaaliland ah o madaxtooyada
    Dhexdeeda xafiiski kheeyre
    Dhexdisa ku af lagaadeynaya
    Hawiye . Saxiib aniguse wax
    weeyn uma arko wiilasha
    Sababto ah waxaaba Filla
    wardhiigley dhex fafadhiya
    Morgan faruur Xoosh kibrey
    Cali daacuun Maslax Maxamed
    siyaad faadumo nakruuma iyo
    10.000 o gedo laga keeney
    O halkaa dheeylada iyo caanaha
    geela ku jaqa marka wiilasha reer waqooyi anigu ciil umma qabo

  6. Reer waqooyi wixi ay jajabsan
    Karaan ha jajabsadaano Cadaw kale
    Iyagaa uga xaq leh waa wiilal IRIR
    SOMAAL

  7. Ma fahmin cidda isu guurguurtay.ma qof bay ka qarsoonayd in hoosta la iskaga maran yahay.

    Afka unbaa laga sheegaa in xamar cadow tahay balse qoyska wiil ugu shaqo tago xamar kama duwana waagii khaliijka la aadi jiray.

  8. Mr bahal
    Doorashada kadib waxaa larabey in laadhigo mustafe wasirka arimaha dibada ama kuxigenka .taa aad sheegtay lafteda waa surtagal

  9. Hiraab
    Waaryee cagdheer makujirtaa inta cadawga ah

  10. Ninka layidhaahdo xaad iyo kooxda xamar ka qaylinaysa odayaal haday yihiin xamar baa afartan sano gubanaysa ayey dejin oo nabadeeda soo celin lahaayeene waa maafiyadii talyaanigu xamar kaga guuray

  11. Gaafaw awoow

    Walaahay been kuma dhaaran ee ninkaa odayadu rabaan in la sii daayo dacwada ugu xun ee qof argagixiso oo lagu qabto Somaliland abid kii ugu xumaa ayaa loo haystaa. Baadhitaan-ka waxaa ka qayb ah sadex dal reer EU ah.

    @ Hobyo Godan & oday Xaad intay Somaliland xaal & raali gelin ka codsanayaan maxay Khayre ugu hiilin waayeen?

  12. Anu markaan arko oday hawiye ah ee dhahaayo hargeysa ayaa layga celiyay waan ka xanaaqaa.

    In ay iska aamusaan ayaa loo qaatay.

    Magaladoodii ayey buul ku yihiin.

    In ay isu yimadaan ee danahooda kawada hadlaan. Awood uma lahan.

    Mexey hargeysa ku eedaan.

    Canshoortodii ayaa layska dhuuqaa.
    Ma awoodaan inta meel iskugu yimadaan. In ay wada dhistaan maqaamkii ay xaqqa u lahayeen.

    Ma awoodaan in ay iskugu yimadaan sideey iskaga qaban lahayeen cadowga alshabaab iyo amisom.

    Hawiye Markii amisom loo soo kaxaysta ayaa laga adkaaday.

    Wexey ahayd in shib laga yiraa ee markeey hargeysa tagaan xabsiga mandheere layskugu geeyo.

    @ hobyo godan.

    Siduu wiil hiraab sheegay.
    Wiilka hargeysa ka yimid. Kama xageeyo kuwa villa somaliya joogo ee weliba wuxuu doono sameeyo.

    Midnimo aan cid rabtaahi jirin ayaa adiga laguu dhiibay si.laguugu baarto.

    Digniin.

    Hadaad aragtaan qof dhahaayo hawiye midnimo ayuu difaaca u dhintaa. Qofkaasu in uu ku baarto ayuu rabaa ee jeebkaaga ka ilaasho.

    Hobyo godan.

    Pudland 8.2 milyan ayaa loo qoondeeyay.

    Hiirshabeele iyo galmudug 6.milyan ayaa loo qoondeeyay.

    In aad iswaydiiso ayey ahayd.
    Sababta 2 gobal oo pudland la yiraa 8.2 milyan loogu qoondeeyay.

    Hiirshabeele iyo galmudug oo 4 gobal ahna loogu qoondeeyay 6.milyan

    Gobalkii banaadir ee canshuur bixiyaha ahaa waxaa loo qoondeeyay 0.

    In aad taas ka doodo ayey ahayd.

    Hadaad tashan waydo walaahi sidii.
    Shopin center ayaa qof walbo kaaga adeedaganayaa.

    Hadaad dhagaysataan. Garqaad wax badan ayaad fahmi doontaan.

    Laandheeruhu haduu jabo waxaas oo kale way dhacayaan.

    Sanbololshe ayaa quustay.

  13. Laalays
    Awow hadey sidaa tahay dee odayaashu hawlaha haku mashquulaan .ileen reerkii hawiye 4:5 waa laga saaree

  14. https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=3395490123844953&id=100001519976564.

    @ hobyo godan.

    Bal daawo odaygaas darood ee canshuurta eedo batuulo hoteelada xamar ku degan. ee xeebta liido joogo siduu u hadlaa.

    Ilahaan kugu dhaarshe miyeysan qalad nagu ahayn in aan u xanaaqno oday hargeysa laga soo celiyay?

    WARABAAD HILBUU DHIIBATEEN WAADNA HURUDAAN.

    Aqoonyahan cadaado ayaa quustay

  15. Garqaad

    Caawa ma dhigii iidornimada ku qaaday waa adigan

    Daarood iyo hawiye isku dirayee kkk niman ku aqon

    Indhaha isugu qabo

  16. Garqaad

    Saaxiib waan daawaday Video ga Odayga Daarood ee meesha ka nac nac leh ! lol
    Wixii calooshiisa ku jira ayuu noo sheegay waana iska caadi.

    Daaroodka yar yarka ah weeye kuwa dhaqanka xun waqtigoodiina waa gabaabsi waxayna horay usii raaci doonaan Jaale Farmaajo Feb 07-2020. Waxaa u haray waa dhawr bilood marka iska adkayso intaa yar kkkkkkkk

    Ninka Odayga waydiinaya leh adeer ka waran xeebta liida markaas buu yiri war waxaani meel maaha Ayl baa Ka fiican! lol Aabahaa ku was haday Ayl fiican tahay maxaa kaa keenay? Walee Hawiye waa Dawlad waxaas oo qashin ah ayaan Xamar ku haynaa oo caloosha kawada buka.

    Aniga waxaan Xamar Cadde moogahay 7 bilood waxaan soo arkay Hawiye wada caraysan oo magaaladoodii marti ku noqday ! Dulqaadkoodii baa intuu batay ayaad waxaad isleedahay talow saan caadi maahee duulka miyaa la sixray goormay kici doonaan oo balaayadaan ku habsatay iska dulqaadi doonaan madaxana ka wada guri doonaan ?

    Sababta aan marwalbo u leeyahay war aan tashano oo aan dhisano Dawlad noo gaara waxaa weeye waxaan soo arkay nimcada Allah nasiiyey iyo hantida dadka ay haystaan iyo dhulka deegaanada Beesha degto oo aan la heli karin.

    Bajadkii Dawlada farmaajo 2019 boqolkiiba 70% waxaa kabay canshuurta gobolka Banaadir kaliya !

    Dekada Xamar iyo Airporka Aden Cadde waxaa sanadkii kasoo xaroota 240 millions…. Canshuurta Guryaha Xamar laga qaado sanadkii Waa 9 millions
    Canshuurta kale ee Suuqyada Balaaraha Iyo Suuq bacaad dhamaantood sanadkii waa 1 Billion Dollars.

    Saaxiib sidaas baad Dawlad ku tahay ee maxaa kuu diiday in aan ku dhawaaqdo Dawlad katalisa Dhulkaaga from Gaalkacyo to Jilib.

  17. Laalays

    Arinka Odayga Xaad sida aad sheegayso haday run tahay taa waan kaaga garaabayaa oo wixii amaankiina qatar ku ah waa in aad ciqaab xun waliba aad marsiisaan.

    Arinka kale ee ku saabsan dadka kasoo qul qulaya Somaliland anagu idin kala garanmayno Reer Waqooyi waa noo reer Waqooyi dadkoo idilna ma wada xuma laakiin qaar baa jira inoo soo shaqo tagay kuwaa weeye kuwa aan doonayno in meel la saaro.

  18. Wiil Hiraab

    Balantu waa feb 07-2020 .

    Waxaan oo dhib ah Muduloodoow idinkaa u sabab ah maxaa yeelay hadii aad taageeri lahaydeen Mudane Xassan Shiekh Farmaajo iyo wax la mid ahba meesha masoo fadhiisteen.Calaaya kuli xaal wixii dhacay waa dhaceen casharna waa laga bartay ninkii muxuu yiri : Geed yahoow waxaan ku mooday mise waxaad noqotay mise guure habeen dambe aan loo noqon…. lol Daarood rabaayad ma galo! Si walbo aad u hagaajiso waa ku neceb yahay marka hadaadan ba wax ku darsan saw ma dhaanto ijaafayn iyo nacayb joogta ah.

  19. Asa Akhyaarta

    V-Visa ninka damcay inuu shaqaalihii Hargaysa ku xaaqo kuwa Muqdisho waa iska badownimada dadka qaarkii iyo khatar gelinta nabadgelyada Turkiga iyo Somalia.

    In laga hor yimaado oo weliba shaqada laga caydhiyo oo Safaaradda Turkigu iyada passportka qabato weeye si musuqa iyo ammaan khalkhal gelinta looga hortago.

    Garqaad

    Ma halkaa bay kaa maraysaa. Ragga kale lama yaabani laakiin adigu ma aragtidaa qabiilka baxtiga ayaad u xuubsinaysaa,

    Hab jadalan, ama kaba soo qaad in Muqdishu tafsiir qabiilka aad ku laqbaynaysaan beel sheegato, qabiillada kalana aydooda iyo magaalooyinkooda xidhaan meeday Soomaaliya, muxuu noqonayaa mustaqabal Soomaaliya. Sow halkaa laguma duugin qarankii Soomaaliya.

    Warka SNM tidhi iyo kaada ama kiinnu maxaa u dhaxeeya. Wagar.

    Macanha qarannimo iyo dowladnimo wallee fahamkeeda Soomaali badan baa ka dheer haddana iyagoo saabka qabiilka lugta ugu jiro qarankii sii kala diraya.

    Canshuurta heblaayo baa la cunaa kulahaa……..kkkkkkk. GaW

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  20. Ali zubeeroow.

    Qaranimadu in afka laga sheegto kuma timaado.

    Waxaad sheegtaa in aad kismaayo kasoo jeedo. Hadaanba taada. Kuu raaco.

    Kismaayo waxaa haysto adiga adeerkaa.

    Adeerkaa kasoo dhaadhici in uu Kenya ka hoos boxo.

    Adigii ayaa adeerkaaga siyaasadda kugu metelo kismaayo ku haystaa kaare kukuuyo markaa ayaad Aniga ila yaabi.

    Halkaan ayaad inkiraad ula soo taagan tahay. Canshuur bixiyaasha.

    Hadaad qof wanaag rabo tahay oo hadalkaagu caafimaad yahay ugu yaraan waxaad qiri lahayd in ay jiraan dad bixiyo canshuur dowladeed.

    In aad wanaag ku sheegto iska daaye. Waxaan ognahay in aad mooryaan u taqaan.

    Somalinimadu halkaad kasoo jeedo haka muuqato. Hadii kale Dee warkaagu wax mecno leh soo kordhin maayo.

  21. ASC.
    Suldaan Cali Zubeer, adigu cid kasta mays-kala Qabsanaysa?, Adigu Qaran baad aaminsantahay ISNA Qabiil mana ka korikaro ee ISKA Daa horaa looga nooge. WBT

  22. Soomaalinimo waaba mida halkaan aalo idhigtay !

    Enough is enough !!!

    Nin walbo tuuladiisii yarayd ha aado culayskana naga dulqaada.

  23. Garqaad

    ASA

    Weli Su’aashayda kamaadan jawaabin. Waan kuugu soo celinayaa ee iiga jawaab warkuba ha iska yaraadee

    Su’aasha waxa weeye canshuurta haddii ayan maamullada kale bixin siday rabta ha ku dhacdee muxuu yahay mustaqbalka qarankan.

    Ma kala yaacaysaa Soomaaliya mase Somalia way sii jiraysaa?

    Suaashaa Qudha iiga jawaab

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  24. Axmad Somali

    ASa

    Garqaad weli rajaan ka qabaa

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented