Qaraxyo ka dhacay dalka Imaaraadka iyo Wararkii ugu dambeeyay (Warbixin)
Muqdisho ( Kalshaale ) Saddex qof ayaa ku geeriyooday dhowr kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo kale duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta gudaha.
Xafiiska warbaahinta ee dowladda Abu Dhabi ayaa sheegay in laba qof ay ku dhinteen qaraxa caasimadda, oo wargeyska The National uu sheegay inuu ka dhacay maqaayadaha Hardees iyo KFC ee waddada Rashid bin Saeed.
Waddadan ayaa ah waddada weyn ee aada garoonka diyaaradaha, halkaasi oo ay yimaadeen saraakiil sare oo Mareykan iyo Yahuud ah, ayada oo ay tagtay diyaaraddii ugu horreysay ee kasoo baxda Israel eetimaada Imaaraadka.
Booliiska ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay konteenar uu ku jiray gaaska loo adeegsado guryaha oo si qaldan loo maamulay xilli dib loo buuxinayey.
Hasa yeeshee xaqiiqda ah in qaraxa uu ka dhacay waddada garoonka, oo la filayey inay soo maraan sarakaiil Mareykan iyo Yahuud ah ayaa shaki badan abuuray, waxaana soo baxay su’aalo la xidhiidha in qaraxu ahaa mid miino.
Illaa iyo hadda ma jiro wax caddeymo ah oo muujinaya in qaraxa uu ahaa mid la xiriira safarkaas, hase yeeshee hadal haynta arrintaas ku saabsan ayaa ka taagan baraha bulshada.
Imaaraadka Carabta ayaa laba toddobaad ka hor noqday dalkii ugu horreeyey ee ka mid ah kuwa Khaliijka oo xidhiidh la yeesha Israel.
Dhinaca kale magaalada Dubai ayaa la sheegay inuu ka dhacay qarax kale oo ka dhashay Gaas, kaasi oo hal qof u uku dhintay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32227
Waa bilaabatey ciyaarti
siyaada Allah ilaahey dhibka ey Muslim ka ku hayan ha usoo weeciyo dhan kooda oo ilaahey ha u badiyo qaraxa iyo qaxa iyo qul qulatada iyo qaxarka iyo qowfka qolada xukunta Emirates ka ilaahey wuu jeeda waxa ey ku hayan yaman somaliya siiriya ciraaq iyo sudan iyo all caalamu Islam
UAE waa wadanka ugu sharta badan aduunka.Waxay dagaal kula jiraan oo maalin walbo dhibaato u gaystaan ummada Muslimiinta ah!
Bal fiiri dhibka ay ku hayaan Yemen,Libya,Turkey,Somalia,Djabuuti,Syria etc
Inkastoo Turkey uu gabigeeda UAE ka taqalusi karo saacado kooban hadana waa loo seeta dheeraynayaa kolay mar ay ahaataba waa laga taqalusi doonaa shayaadiintaan kibirtay.
Eeboow Munaafaqiinta baabi’i oo hal haka soo reebin.
GURYIHIINAAD GUBTEENE, GURYAHA DADKA ISLAAMEED NABAD GELIYA