|

Somaliland oo Baadhaysa Halista Caafimaad ee Anteenada Shirkadda Isgaadhsiinta

Hargeisa  ( Kalshaale ) Somaliland ayaa maanta sheegtay inay bilaabayso baadhista halista caafimaad ee ay keeni karaan anteenada ama taawarrada shirkadaha isgaadhsiinta.

Xukuumadda ayaa soo iibsatay qalab lagu ogaanayo awoodda hirarka ay taawarradu gudbinayaan.

Wasiirka isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi ayaa sheegay in qalabkan loogu talogalay inuu maamulo hirarka isgaadhsiinta, in lagula socdo shucaaca ka soo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta, iyo in lagu hormariyo cilmi baarista teknolojiyadda.

Waxaa horay u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan Qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen.

Wuxuu wasiirku sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkaddii lagu helo in ay taawarradeedu sababaan xaalad caafimaad darro.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32219

Posted by on Aug 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Somaliland oo Baadhaysa Halista Caafimaad ee Anteenada Shirkadda Isgaadhsiinta”

  1. Waa horumar wanaagsan e horu socda
    Aloow barakee jamhuuriyada
    Aanu walaalaha nahey

  2. Kanaxoow nafta waa

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented