|

Madaxda Puntland iyo Jubbaland Maxay Shirka Muqdisho ku doorteen Iyagoo diiday Dhuusamareeb ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Shirkii ku qabsoomey magaalada Garoowe ee u dhexeeyey maamulada Jubaland iyo Puntland waxaa ka soo baxay in shir afaraad la isugu tegayo magaalada Muqdisho shirkaas oo ay ka qayb-galayaan labadan maamul ee horey u qaadacay shirkii Dhuusamareeb 3.

Shirka ayaa lagu macneeyey in uu noqon doono mid lagu qabyo tirayo natiijadii Dhuusamareeb 3.

Waxaa laa filaayey in shirka Muqdisho ay ka soo wada qaybgalayaan dhamaan Dowlad goboleedyada, ayaa hadda waxaa muuqata in saddexdii Dowlad goboleed ee qaybta ka ahaa Dhuusmareeb 3 ay u muuqdaan kuwo aan ka qaybgalayn markii ay soo saareen war-saxaafadeed wada jir ah oo loo fahmey in ay u arkaan shirka Muqdisho mid u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo labdii maamul ee ka maqnaa Dhuusmareeb 3, maadaama ay iyagu horey u saxiixeen heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Isbeddel kasta oo lagu sameeyo heshiiskaas ayaan la ogeyn inay duuduub ku qaadan doonaan.

Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland, waxaana la is weydiinayaa waxa iska beddeley go’aamadii hore.

Marka aan dib u eegno go’aamadii labada maamul ay ku qaadaceen Dhuusmareeb 3 iyo eedaymaha ay u jeediyeen Dowladda federaalka waxaan ku soo koobi karnaa:

1.            Burburinta xukuumaddii hoggaamin lahayd doorashada

2.            Faro gelinta Dowladda Federaalku ay ku hayso gobolka Gedo

3.            Ku xadgudubka metalaada Golaha Aqalka Sare

4.            Isku gaar yeelidda Guddigii Farsamada ee lagu heshiiyey Dhuusamareeb 2.

Haddaba si ay shir kale uga qayb-galaan waxay xujeeyeen:

In Madaxweynuhu magacaabo Raysal wasaarihii qayb ka noqon lahaa fulinta heshiisyada iyo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21.

Qabsoomidda shirka waxaa ka horeysa in la helo hubinta in lagu gaarayo heshiis saldhig leh, (kadib khudbaddii Farmaajo ee Golaha Shacabka) sidaas darteed in shirka ay ka qaybgalaan diblomaasiyiinta beesha caalamka.

Dhuusamareeb 3 kadib

Labada maamul ayaa war-saxaafdeed wadajir ah oo ay soo saareeb kadib natiijadii shirkii Dhuusamreeb 3 waxay muujiyeen dabac iyo in ay salaankii dheeraa ka soo degeen, maadama ay meesha ka baxday qorshihii uu watey Madaxweyne Farmaajo ee qof iyo cod ee ay ku qarsooneyd muddo kordhin, sidoo kale waxaana jirey culeys diblomaasiyadeed oo labada maamul la saarey.

Shirka Muqdisho qabyo-tir ?

Shirka Muqdisho macada in lagu gaari doono heshiis dhameystiran hadii la isku afgaran waayo in qodobadii Dhuusamareeb 3 la faro geliyo, inkasta oo qodobada la faro-gelinaayo maamulada kale dheef mooyee aysan wax dhibaato ah ugu jirin waxaana kamid ah.

•             Guddiga doorashada in si wada jir ah loo magacaabo

•             Xisbiyada oo meesha laga saaro maadaama aysanba jirin Xisbiyo rasmi ah

•             Tirada Ergooyinka wax dooranaya

Saddexdan qodob ayaa ugu muhimsan in wax laga beddelo natiijadii heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Waxaa muuqata in maamulada Puntland iyo Jubaland ay meel iska dhigeen in ay cid kale u doodaan, sida magacaabidda raysal wasaaraha oo saami-qaybsiga dadkii iskalahaa loo daayo. Madasha Xisbiyada iyo mucaaradka ayaa Dhuusamareeb 3 si duuduub ah u soo dhaweeyey, sidoo kale waxaysan sooba hadal-qaadin magacaabidda Raysal wasaaraha, taas oo Puntland iyo Jubaland ku xambaartey cidkasta ha fulise in aan xujo danbe laga dhigun magacaabidda raysal wasaaraha.

Haddaba dadka ka faallooda arrimahan ay sheegayaan in laba arrimood midkeed ay Muqdisho geyneyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

•             Wixii ka soo baxay Dhusamareeb 3 in ay ahayd waxay Dowaldda Federaalku soo diyaarsatey, maamuladan kalena aysan waxba ku darsan cidda ay wax ka beddelkooda iyo wax ku darkooda kala gor-gortamayaan ay tahay cidda markii horeba soo diyaarsatey.

•             In la tago Muqdisho ayaa dhinaca kale meesha ka saareysa doodii Madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu mar walba Muqdisho wadatashi dib ugu noqodo, taasi oo loo arkay mid uu Madaxweynaha wakhtiga ku dilayo.

Mid ay tahayba, Puntland iyo Jubaland waxaa looga fadhiyaa in dadkooda u caddeeyaan waxa beddeley in ay Dhuusamareeb 3 diidaan oo Muqdisho 1 yeelaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32195

Posted by on Aug 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Madaxda Puntland iyo Jubbaland Maxay Shirka Muqdisho ku doorteen Iyagoo diiday Dhuusamareeb ?”

  1. SALAAMU CALEEKUM

    PUNTLAND IYO JUBBALAND weey burburiyeen wixii lagu soo malmaluuqay DHUUSAMAREEB-3.

    Hadda iyo dan waa maxeey???. Danto waxaa weeye:

    1. In XAAR FAMRAAJO ka daayo faragelinta maamul goboleedyada uu ku hayo.
    2. In ciidamada MOORIYAANTA ah, laga soo qaado GEDO.
    3. In doorashada ay noqoto mid dadban sidee 2016.
    4. HABARTAAN XALIIMO YAREEY aysan ku lahayn wax shaqo ah. Guddi isku dhaf ah oo ay soo xuleen Maamul goboleedyada aa maamulaan doorashada.
    5. In aysan doorashado dhaafin waqtigiisa loo astaameeyey.
    6. Doorashada xildhibaanada waa in lagu soo doortaa sidii 2016, oday dhaqameedadii iyo 101 codkooda, qalinkana ay ku duugaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

    Intaas waayee, inta ay doonayaa Maamul goboleedyada….

    XAAR FARMAAJO qasab lee ku tahay in uu fuliyo qodobadaas.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  2. Qoraal is yeel yeel iga dheh

    Miyaad hilmaantey markey Majority gaareen go’aamadii shirkii Dhuusamareeb,

    Farmaajo wuxuu Faafiyey QEYBSIGA ABUU BIDAAR EEDO BATUULO, maxaa yeelay waa nin og halka ay u dhintaan TUke iyo TOLKIIS.

    – Marka QOROW – Muqdisho waxey ku doorteen Cadka Rag isku raaco, markii horena waxey Dhuusamareeb ku doorteen DEYN BIXINTII KHEYRE.

    Hadduu UHUURO KENYAATI KABLALAX balan qaad sheegana – waa nin Kablalax ah oo waa loo tagaa ( anigu ma dhihin ee Ducaale Uunsade ayaa TV ka horsheegay).

    * Jiko Hiraab waa Jago banaan,
    Ninkii soo jabaa Jiif sahaa

  3. Waxaan maqley iney dhaheen, naga daaya Xisbiyada ileen Xisbi uu hogaamiyo nin reer Bari ah qofna u juuqi maah

    Waxey kaloo leeyahiin naga yareeya 301 ileen waa inaan ka macaashno LA DOORTAHA, tiradaan badanse waxey hor istaageysaa Laaluushka.

    Waxey kaloo leeyahiin naga daaya UGU YARAAN 4 MEELOOD, ileen Axmed Cadde Garmadoobe ma tegikaro xitaa GOOBWEYN SHIIKHAAL.

    – Waxooda dhan waa CADKA iyo HAGBAD

  4. SALAAMU CALEEKUM

    JUBBALAND iyo PUNTLAND nina u dabo fadhiisanmaayaan danahooda..

    GURAYADII MAXEEY TIDHI:

    ++ ANI CAYAARTA SOCOTA LUG AAN KU DARSANAA, HADII CAYAARTO DHABAQDO, WAAN KALA BAXAA, HADII AY ISKU DABO-DHACO TAN KALINA WAA SOO GASHAAN+++

    Cayaarta ka socota MUQDISHU, PUNTLAND iyo JUBBALAND waa tegayaan.. Waa dhigaysanaa… Danahooda ay jeedinaa…

    Hadii laga yeeli waayo, waxa ay doonayaan, guryahooda ay ku noqonaaa..

    Hadii laga yeeli, wax ay doonayaan, waa KHAYR IYO BARAKO..

    Fiiriyaaa.. PUNTLAND lacag kama hesho qofna.. Ciidamadeeda iyadaa leh.. AMISON uma joogto..

    PUNTLAND iyo JUBBALAND qofna kama taageeri:

    1. CIIDAMADA
    2. WASAARADAHA
    3. CADAALADA
    4. BAARLAMAANKA
    5. DOORASHOOYINKA

    Maxeey uga baahantahay DAWALADA DHEXE????

    Yaa noo sheegi karaa????

    Bal waakaas, BARAWAANI, yaa qancin karaa???

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  5. Dabshid
    War adi jaale hawiye siyaasada kumana jiro raysal wasaare majiro 13 kursi majiro iska aamus adeer indhacadeys Lee haysaa shirkii dhuusada wuu burburey sida garqaad runta sheeg
    Galmaax yuunis baa quustay

  6. Gaafaw

    KKK

    Warkaas wuxuu ku fiicnaa ayadoo la idinkugu imaado ONLY GOOF DAAROOD aka Garowe.

    – U soo aroor Goof GALMAAX haddaad diidey GOOF GALMUDUG.

    ( Heelane wuxuu dhahey waa anaga waxa dhiman labada DAAMOODE).

  7. Adigaba kaskaa baa ku dhigay karinka jiifeede,kac waysayso sheekh,waadigii kibirka waalaayee.

    xaafbaa yaabay.

    Dalmida

  8. Kuwaan waxaa u shidan geestig allaha u naxariistee saado ali warsame ee aheyd dhaadhaan hadaan ahay adna dhoohanaad tahay.marka labadaan nin keebaa dhaadhaan ah keebaase dhoohanaa?

  9. Gaafow

    Warbaan kuu hayaa.Mr Cagjar waxaa loo wadaa raysal wasaaraha Ethopiya ee soo socda.

    Amxaarka,Oromada iyo Tegreegii oo iska aamin baxay iyo Amxaarkii oo raba in Cagjar jagadaasi loo dhiibo.Ururka Amxaarada ee London ayaan warkan ka helay.

    Son of walashma Dynasty,Mr BaHaL.

    Ha kuu waramo.

    Dalmida

  10. Sidey u lahayeen Hawiye dowlad ma rabyo oo ayaguna u laheyn wallaahi waa rabnaa inteey isdabciya lahayeen. ayey hadda 2020 waxey sheekadu mareysaa in 3 nin oo Daarood ku shiraan Xamar si ay go’aan uga gaaraan masiirka iyo dowladnimada Somaliyed markey armaajo kusoo xirteen ilma gareen. Kkkkk

    Caadi ayey uga adeegteen sidii shop center camal.

    Soo heshiiya jaalleyaal.

  11. Ragii saaxada siyaasada laga saaray:

    # Taabid, Gudoomiyihii Gobolka Banadir.

    # Cosoble, Madaxweynihii Hirshabeele.

    # Jawaari, Gudoomiyihii aqalka hoose.

    # Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Shariif Xassan.

    # Muqtaar Roobow, Musharaxii Madaxweyne ee Koonfur Galbeed.

    # Madaxweynihii Galmudug Xaaf.

    # Maamulkii Suufiyada ee Dhuusamareeb.

    # Kheyre, Raysulwasaarihii Soomaaliya.

    Waxaa intaa dheer Gobolkii Gedo oo laqabsaday.

    Mooge Mooge ayey baratay.
    Jugta culus.

  12. Ragana ku darso waa qolyihii lagu tukaday.

    # Yuusuf Garaad, Wasiirkii arimaha dibada ee Soomaaliya.

    # Juxa, wasiirkii arimaha gudaha ee Soomaaliya.

    # Sanbalooshe talihii Nabadsuguda Soomaaliya.

  13. Sargaalka
    Isha ayaad ka ridey.
    Farmaajo siyaasad ahaan beesha Hawiye geed buu ku xidhay.
    Hanjabaada Wallaahi Thuma Wallaahi maalin ku darsan mayo raga leh bal inuu iyagana ka adkaado marka wakhtigiisu dhamaado aan aragno.
    Puntland & Jubbaland miyaa maalin walba ku hayna Free Haiye iyo dastuurka hala ilaaliyo haddii maamuladii kale uu ka adkaaday

  14. Xaange:

    Raysulwasaarihii reerku qeybta ulahaa baaban gacan maanta ku jirin.

  15. Xaange:

    Madaxweyne Farmaajo waxaad moodaa in uu dagaal adag qaaday, laakiinse uu ku guuleystay boqolkiiba sideetan, ilaa iyo hada asaa banooniga wata.

    Hadii ay usuurta gasho mudo kororsi ama doorasho qof iyo cod ah markaa dagaalkiisii waa guuleystay boqolkiiba boqol.

  16. HAWIYUHU heedhe dhaga adakaa, may mar kacaan oo xabbadda bilaabaan…

    SSDF iyo SNM siday u guubaabinayeen bay ku daaleen iyaguna rag dhaqaaqaya ma aha…

    War kaca oo guba Xamar oo markaa HARGAYSA iyo GAROOWE u qaxa… Raggan idiin digayana ka qaadta waanada iyo talada wax ku oolka ah, waa tol idin jecele…

  17. Oo doorashadu soomaaliya ma kablalax iyo sade gacanta ugashay labo qodob farmaajo ayaa soo bandhigay
    Axmed madoobe bax jubaland waa kaaga dhamaatay madaxweyne ama cabdirashiid aadan gabyoow ama bashiir nuur bidaar laakiin jubaland walaalkay absame ayaan larabaa please majeerteen walaalayaloow jubaland dhibaataa haysata qaata axmed madoobe faraha nalaga baxa

  18. Ogaadeen qaxooti waa inoo dagaal buaale ayaan kor fadhiyaa

  19. Gedo L.

    marabo adiga daraadaa inaan u caayo ama u af-lagaadeeyo Mareexaan, waxaanse ku leeyahay caadi iska dhig oo markaad wax qoreyso si asluub leh wax u qor, waxan waa iska siyaasad ee dhiiga haysku karin ama qoriga qaado oo xabada rid ileen halkan calaacal waxba kuuguma soo kordhinaayo, cuqdada iska saar saaxiib.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented