|

Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed uga maqan yihiin Shirka Muqdisho ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Shirka Muqdisho ku dhex maraya madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in heshiis cusub looga gaadho doorashooyinka dalka ka dhacaya kadib markii labada madaxweyne goboleed ay diideen heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Hase yeeshee waxaa shirka Muqdisho ka maqan saddexda madaxweyne goboleed ee Galmudug Axmed Cabdi Qoor Qoor, HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo qeyb ka ahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Haddaba sidee loo gaadhi doonaa heshiis ay ka maqan yihiin?

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in shirka Muqdisho ujeedkiisa uu yahay in lagu xaliyo qodobo dhowr ah oo ku jiray Dhuusamareeb 3, oo ay diidan yihiin Jubaland iyo Puntland, kuwaasi oo ay aad isugu hayaan madaxda dowladda federaalka. Qodobadaas waxaa ka mid ah awoodda guddiga madax-banaan ee doorashooyinka, tirada ergooyinka dooranaya xildhibaanada, magaalooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo arrimo kale.

Marka ay heshiis buuxa gaaraan madaxweyne Farmaajo iyo Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa la filayaa in loo yeero Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen kadibna heshiis kale mar qura la wada saxiixo.

Tani waa astaan kale oo muujineysa in loolanka siyaasadda Soomaaliya uu u dhaxeeyo oo kaliya madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhinac kale ah, wixii kasoo harana ay labadaas dhinac kala raacsan yihiin.

Maxay tahay kaalinta Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare?

Saddexda madaxweyne goboleed ee kasoo hadhay Deni iyo Jubaland waa kuwa aan siyaasad ahaan madax banaaneyn, oo saameyntooda siyaasadda Soomaaliya ay aad u yar tahay haddiiba aysan jirin.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32192

Posted by on Aug 31 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed uga maqan yihiin Shirka Muqdisho ?”

  1. Markeey wada hadlaan soona heshiyaan. Mr farmaajo iyo 2 governo ee waxna diidi karo waxna yeeli karo. Dani iyo axmed madoobe.

    Markaa kadib ayaa loo yeerayaa. Kuwaan loogu yeero ilma gareen.

    Ayaga waxba la waydiinmaayo ee waxaa la leeyahay halkaan saxiixa. Idinkoo dhoola cadeynaayo. Hadalkaasu kaftan Maaha ee waa dhab. Haduu ku dhibaayo adigeey kuu taal.

    Su.aasha ayaa ah.

    Madaxweyne farmaajo.
    Maamuladii isaga ogolaa wexey kuwada heshiyeen. Ma qadarin doonaa oo inta nin raga iska dhigo suulka maka saari doona 2 governo?

    Masa dani iyo axmed madoobe. Ayaa suulka saari doono. Mr farmaajo in uu bedelo wixii ay ku soo heshiyeen isaga iyo ilma gareen?

    Walle meesha waxbaa kasoo socdo.

    Majiro maamulada hawiye saameyn ay ku leeyihiin siyaasadda maanta ka socoto somaliya.

    Adigu hadaad tahay jaalle hawiye ka doodo golaha kalshaale.

    2 wado ayaa kuu furan.

    1 in aad golaha ka dhuumato. Ilaa ay soo wada hadlayaan igaarta jaalle darood go.aanana ay kusoo garayaan.

    2 in aad awood u leedahay qirashada siyaasad xumada muuqasho la.aanta saameyn la.aanta beesha ku dhacday sidii Mr garqaad.

    Xasuusnoow.

    Xiliga la joogo dowladda federaalka wax metelaad ah kuma lihid.

    Raisulwasare kuma lihid.

    Wasiiradii ku meel gaarka ahaa.
    Kuwii hawiye kasoo jeeday shaqada waa laga joojiyay.

    Kaaga darane maba jiro baraarug.
    Oo doodaas hawiye qabo maba arkaysid.

    Naftaada been waad ugu shekeyn karta.
    Rag iska riix waad sameyn kartaa.laakiin ogoow taasi kaama qaadeyso dacda aad dhex jiifto.

    DUDU MOOYINKOO LALA HADLAA DAMAQ MA YESHAANE.

    Eedo batuulo ayaa hiilwaysay

    • ASC.
      Abwaanki Aaden Carab AUNTE, Wuxuu yiri; “HA KARAAMA SEEGINA HABAAR LAYGU KARIWAAYE”, Hadda kuwo Hadaaq barada Ayyaa raba INAY, HAYYIN Jaalle Hawiye kiciyaan, WELINA ma garan INAY, Somalia Saarantahay Duudka Hayyinkaa. WBT

  2. Garqaad

    Balwaan kuu sheekeeyay kkkk

    Dalmida

  3. ASC.
    ASC.
    Abwaanki Aaden Carab AUNTE, Wuxuu yiri; “HA KARAAMA SEEGINA HABAAR LAYGU KARIWAAYE”, Hadda kuwo Hadaaq barada Ayyaa raba INAY, HAYYINKA Jaalle Hawiye kiciyaan, WELINA ma garan INAY, Somalia Saarantahay Duudka Hayyinkaa. WBT

  4. ASC.
    ***Farmaajow, ha taaban Mahdi M. Guuleed***.
    ========================================.
    NUSQAANI, ma jirto oo Booski Rooble WAXAA buuxiyay Baaruude, SUÀAASHUSE Waxaa weeye!!! Sideen Anigoo ku dhashay Degaanka Qalaafe AAN Baaruud uga xigsaday Xamar? Inkastoo hadda ay dhallinyaradi Beelaha Reer Waqooyi ay ogaadeen inaan cidina ka xigin Xamar?. WBT

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented