DF Soomaaliya oo Weerar ku Qaaday Xafiiska QM ee UNSOM iyo Wuxuu ka hadlay Abuukar Baalle
Muqdisho ( Kalshaale ) Danjiraha Soomaaliya u fadhiya QM Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baalle” ayaa eedeyn culus u jeediyey islamarkaana ashtako ka muujiyey xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM iyo sida uu dalka uga howlgallo.
Abuukar Baalle, oo khudbad ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka QM ee sharciyadda ka howl-galka Soomaaliya loogu kordhiyey UNSOM, ayaa ku eedeeyey xafiiska QM inuu noqday mid ka falceliya oo kaliya xaaladdii markaas un taagan, oo aan lahayn awood uu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo ku siiyo ajendooyinka muhiimka u ah dib u dhiska Soomaaliya.
“Inkasta oo ay jiraan dhammaan horumarada ay sameysay dowladda federaalka sanadihii dhowaa, xafiiska UNSOM wuxuu u muuqdaa inuu isu beddelayo hab aan la jaanqaadi karin dadaallada iyo guulaha muuqda ee dowladda federaalka Soomaaliya ay sameyneyso. Tani waxay horseeday in waxqabadka howlgalka [UNSOM] uu noqdo mid ka falceliya kaliya dhacdooyinka, oo awood aad u yar u leh inuu taageero siyaasadeed iyo mid farsamo siiyo dadaallada aas-aasiga u ah ajandooyinka dhismaha dowladeed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Abuukar Baalle.
“Dadaallada dib u dhiska ee aan ka wadno Soomaaliya, waa inay noqdaan kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, oo loo arkaa kuwa ay Soomaaliya hoggaamiso, sidaas darteed, waxaan ku baaqeynaa in la dhowro madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ka digeyntaa faro-gelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.”
Abuukar Baalle ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray waqtigii dib u eegis lagu sameyn lahaa sharciyadda xafiiska UNSOM uu kaga howlgalo Soomaaliya, ayada oo ujeedku yahay in laga dhigo howlgal ka jawaabi kari isbedellada deg degga ah ee ka dhacaya dalka, islamarkaana la jaanqaadi kara ahmiyadaha Soomaaliya, xilligan muhiimka ah.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in warbixinada xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya ee mar lasoo saaro rubac sanadeed kasta ay noqdaan kuwa ay ku jiraan warbixino kooban oo aan lagu faah-faahin dhacdooyin gaara ah, balse ay noqdaan kuwa diiradda saara, oo taxliiliya arrimaha waa weyn, soona jeediya talooyin iyo go’aano.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=32156
Somaliya Somali baa leh. UN-tu waxay far ku walaaqaysay dalkeena ilaa shirkii Carta iyo wixii ka danbeeyey, haddana waxa la soo gaadhay xilligii la odhan lahaa ka dhex baxa siyaasada dalkayaga. Inkastoo, falsafadii cusubayd ee ay wax ku kala qaybsan jireen ee ay wada lahaayeen SAHAL iyo HAG, waxay soo gaadhay fashilkeedii. Waxay Somalidu ku arkeen SAHAL iyo HAG siyaasad anaaniya oo wax boobid iyo burburin ku dhisan, ma wataan siyaasad dal dhisid iyo dad uruurin ku dhisan.
Dalka Somaliya dhibta ugu weyn waxay ka haysta siyaasi ku sheeg aan garanayn waxay siyaasadu tahay, oo moodaya xoogsi wax dhicid iyo dawlado kale u shaqayn ama u rufyaamidda cadawga inuu ku gaadhi karo danihiisa shaqsiga. Dawladaha adduunka waxay ka siman yihiin inay si xun u cadaabaan tuugta dalkooda u basaasta dal kale, qaar saliid karkaraysaa lagu ridaa sida North Korea iyo China.
Somalida dawladaha ajinebiga u foorara ama udhedig oo dalkooda u basaasa wali way ku jiraan saaxada siyaasada Somalida. Gaaladu waxay yidhaahdaan kuwa dadkooda inoo soo basaasa, waa kuwo dadkooda iin ama cilad ku dhex leh, oo dhibtii haysay inoo keentay ee ku shaqaysta oo dila aakhirka, formula-da Hitler bay ka dheegtaan ama ka soo qaateen.
Waqtigii Daraawiishta la jebiyey lama xidhin suldaamadii ka soo horjeeday ee la dagaalamayey, ee waxa la xidhay suldaamadii la shaqaysan jirey gaalada, ee ka soo hor jeeday dhaqdhaqaaqa xornimodoonka: sida suldaan Cali shire Lasqoray; Boqor Cismaa; suldaan Cali Keenadiid. WBT
Ama isku fillow ama afkaaga xidho.Labadaa wixii dhaafsiisan ee war ah waa iska talac talac bilaa macnaa
Oohin iyo qaylo waxba kuu qaban mayso.Warbixintii Mr Swan ayaa UN iyo dhamaan beesha caalamku rumaystaan,tii ninkan uu qoray oo uu ku difaacay canaasiirta Villa Wardhiigley qashinka ayaa lagu daray.Waxa qaylada iyo baroorta keenay waa intaa
Xoghayaha Guud ee noofadhiya Qaranmada midoobay GARYAQAAN ABUUKAR BAALE IYO MADAXDA QARANKA SOOMALIYEED BA WAXAAN LEENAHAY HANBALYO HANBALYO HANBALYO GUULAYSTA ILAAHAY IDINKII Dhamn Umada soomaliyeed WAXAAN LEENAHAY VIVA ALL SOOMALIYA GARBAHA ISQABSADA OO UMIDOOBA CADOWGA GUUNKAA EE GARBAHA UGA FADHIYA QARANKII SOOMALIYEED WAXAY RABAAN WAXAAN DAN NOO AHAYN IYO CAGO WAREEJIN