|

Wiil uu dhalay Siciid deni oo Gabadh Ku Guursaday Hargeisa iyo Faysal waraabe oo Hadal yaab leh ka jeediyey

Hargeisa  ( Kalshaale ) Cabdullaahi Siciid Deni oo uu dhalay madaxweynaha Puntland, ayaa maanta gabadh ku mehersaday magdaalada Hargeysa ee Xarunta u ah  Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo qoyska hambalyeeyey ayaa  Hadal Qosol badan , dadka Qaarna ka yaabiyey ka jeediyey Madasha Meherku ka Qabsoomay.

 “Reer Soomaaliya hablaheena na way jecelyihiin, laakiin gooni isu-taagga Somaliland na ma jecla”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa lay sheegey in Madasha lagu kala qaatay Dhaqaalle badan oo gabbaati ah iyo $20,000 oo yarad hormaris ah .

Guurka ayaa kamid ah waxyaabaha aan Soomaalidu dhinaca Siyaasadda gelin, Balse mudooyinkii dambe wuxuu u muuqday mid ku Milmay Siyaasadda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31428

Posted by on Aug 15 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

44 Comments for “Wiil uu dhalay Siciid deni oo Gabadh Ku Guursaday Hargeisa iyo Faysal waraabe oo Hadal yaab leh ka jeediyey”

  1. FARROLENA MARKAY ISLAANTA KA DHIMATAY HARGEISUU MID KALE KA RAADSADAY, MAJEERTEENKA HABLAHOODII MAYSKA DHAAFEEN ? MA MAQLIN ISAAQ GAROWE USOO GUUR DOONTAY, SABABTA YAA NOO SHARAXI KARA??

  2. Wiil waa Abtigiis ayey dabo joogaan

    Iney dhalaan wiilal geesiyaal ah

    – HAMBALYO AROORKA, KII LAGU WAARO OO AWLAD MUSLIM AH LEH

  3. Berri waxaynu maqlidoonaa ina morgan baa Gabadh ku mehersaday hargaysa, deni iyo la midka ahiba waa cadowga Somaliland faysal waraabena maanta ayaan ka quustay

  4. Somaligalbeed

    Guurku xuduud maleh
    Ta labaad waxa la maqlaa uun familyada siyaasiinta ah guurkooda gaar ahaan cross border weddings.
    Waxa ugu wayn we laga faaiiday qurbaha Kala guursiga shantii somaliyeed ee qurbaha

  5. Waxa yaab ah oo aan aad ula yaabay ninka ciidan kiisii iyo ciidankii qaranka Somaliland is hor fadhiyaan ee wiil kiisii arooska ku yahay hargaysa dadku. Miyaanay damiir lahayn maxay ku dhimanayaan ciidamadu maxaa inoosoo arkay inaynu majeerteen hablo siino ma aniga waalan mise cadanbaa laga heesayaa anigu waan dili lahaa ina deni waayo waanu is haynaa ileen ciil looma dhinto dhankaa iga xigtaan bay dhaxantu iga haysaa tolay reer hargaysow hargaysi waxay noqotay fakin loosoo wasmo tago

  6. @Mohamed ahmed

    Dadku bilaash ayay kudhimanayaan run. imisa wiil ama major colonel. ayaa kudhimatay inta udhaxaysa Tukaraq- aricadeeye ama oog iyo gumays ilaa 1998 kii oo kayimid gabilay iyo hargaisa maxay kudhinteen.somalida oo dhan isku DOON.ayay.saranyihiin zero degree. ayay kudhintaan.
    Arooska gabdhuna ma joogsan doono. Inta dunidu jirto.

  7. Allah mohamed Ahmedow caafimaad illaahay weydiiso horta haba is guursadeene HIV ma iska baadheen labaduba warkii caafimaad qabow marked isguursaneysaan is baadha 21 kii qof ee ee soomaalida jooga magaalooyinka lagu soo dhaweeyey itoobiyaanka sided baa Qabta cudurkaas ninowna magi Haney kuu hilaacin we isbaadha rag itoobiyaana ayaa Gandhi qaadsiiyey deena walaahay hargeysaa lagu essay oo AIDS uu u dhintay.

  8. Isaaq iyo daarood waligoodba heshiis may noqon waanay kala guur sadaan kulanka meherkuna waa nabad iyo sharaf faysala wuu ku saxanyahay midna ogoo ninka caytamayoo inanta loo soo guur doontay waa inan la sharfay waxa la bahdilay inanta la dhaafay waxan leeyahay hambalyo waad arakteen sidii sahal mustafe suldaanadu ubixiyeen inankii kalee naasir cadceed ee Ina xaaji aktoober sidookale cisi iyo caraamo ilaahay Na siiyay Viva gayaanka iyo guurka

  9. Guurkaa wiilka deni dhalay hargaysa ku guursaday waan canbaaraynayaa dadka reer Somaliland ee dhiiga leh waxan leeyahay arimaha noocan oo kale ah diida oo yaanu ina deni guur daayo hargaysa imanin haduu yimaadona waa in la xidhaa waayo waxa dhalay cadow ama dee aan iska dayno Somaliland iyo waxan maalin walba ciidankeenii ku dhimanayaan waa gunimo wayn faysal cali waraabena dhiig malaha awelba fataal baa lagu sheegi jiray

  10. Masha allah hambalyo

    War dhaqanka somalida waxay gob ku yihiin waala

    Hambalyeya ee lama caayo guurka waa xididka isku

    Haya dadka somaliyed

  11. Mohamed ahmed

    Neef-yahow orod meesha mataga ka tag!kkk

  12. Hinda

    Salaac sare marwo. Hadalka adaa dhameeyay. Gob & geesiyaal in lala xidido waa dhaqan soo jiraa ahaa.

    Qolada dhabayacada waxaan leeyahay weligeedba waa JIDHAY in reerka kaa adkaada lala xidido oo ka samaysato safaarad dad-ban oo calan cad taagta marka xaaladu xumaato.kkk Intaas waa iga kaftan.kkk kkk kkk

    Arooskana waxaan leeyahay noqda Labadii isku waara, Labadii isku reeya, Laba aan kala raysan, Labadii isku raaga Rabbi ha idinka yeelo.

  13. Hambalyo lamaanaha is-calmaday.

  14. @Laalays ugaas waad abtirsatay.
    Inaad tahay DURITADDII SH ISXAAQ hoostaan horey uga xariiqay.
    Horey ayaan qiimayn ugu sameeyay dhaqanka reer Koofurka kalshaale ku waashay iyo reer Waqooyiga.
    Isha waxaan ku hayay hab dhaqankooda garaadkooda.
    Reer Waqooyigu system ayay ka hadlaan,halka reer Koonfurtu isaga qaldan yihiin nidaam dawladeed vs qabaail.Mucaarad vs Muxaafad iyo midaan intaaba ahayn.
    Isqabashada isaaqu dhaqan buu u leedahay qofkii la saaxiiba ayaa garan kara.
    Mohamed Ahmed waxba kama qaban karo waa xarig ka mid ah kuwa aan waligii go’i.doonin.
    Reer Koonfurta kalshaale GARQAAD oo marar taraaraxo ayaan is iri armuu ugu roon yahay.SYSTEM ma dhaafo intii xad ah,ma aqaan in aan si local ugu hiiliyay.

  15. Lalayso adiga inta fataaliinta ah baa caadi u arka lakin qof inaba dhiig kujiraa oo Somaliland sheeganayaa wuu ka xumaanayaa in maanta ina deni hargaysa joogoba iskadaa guure markaa waa ayaan daro wayn

  16. Somali galbeed samaanyo miyaad ka qaadatay dadka is aroosaya sidee ku ogaan kartaa Somalida is aroodeysa???
    Ta kale abwaankii dhalinyarada aha ee Garxajis gamadiid markuu lahaa Ninkii tuur ku fekerayoo majeerteen ka guursada.

  17. Laalays
    A
    Salaan la mida mudane
    Waxaynu leenahay ninkan aan umalaynayo quri is mariska somalilanderka Iska dhigaya haduu inankan muuse Biixi dhalay garoowe gabadh ka doono miyuu sharfay reer garoowe mise waa cadow u tagay waxaynu leenahay wuu sharfay haday fahmiwaayaana waa u doqoniimo markaa ha ogaado in aynu macaan iyo qadhaadhba bixino midba markii uu munaasabyahay

  18. Hinda ina muuse biixi horta maku dhacaa inuu garowe tago guurku hayno danbeeyee waxan idhaahdo garan maayo aan ahayn laga daayo ciidanka maalin walba lagu xasuuqayo tukaraq oo dadka dhulkooda uga soo baxa

  19. Hambalyo ayaan leeyahay lammaanaha is calmaday.jacaylku ha waaro.
    “Ceeb maleh jacaylku waa dowlad calanloo cidi lama hadlaysee”
    Kuwa caruurtaa ee ceeb ka dhigaya in nin Majeerteena ama Hrtiya uu Hargeysa tagey oo halkaa ku guursaday,waxaad tihiin dad aad u garaad liita.In la kala guursado waa dhaqan soo jirey waa isu soo dhawaansho laba bulsho wuxuuna sharaf u yahay labada is calmatay iyo waliba reerka gabadha laga soo doonay.Dadku siyaasad iyo wax kale wuu isku qabsan karaa waana la isku diidi karaa laakiin arinka guurku hadal kama taagna.

  20. Hinda

    Walaal neefkan meesha ka bacaac leh maaha Somalilander. Ha u jawaabin fadlan. Ma istaahilo. kkk kkk kk

  21. Ina morgana wuu soo socdaa naag haloo sii diyaariyo mee fataalkii lalays

  22. Khaatumo haanoolaatoo

    Markay isguursadaan labada janhadood SSDF iyo SNM maxay iska dhalayaan
    Dee argagixiyo intaasi waa kaftan e kaka xanaaqina wiilka iyo gabadhana lalo duceeyo

  23. Khaatumo haanoolaatoo

    Maxamed Axmed
    Haduu wiil dhuldhulbahante ah gabadh kaso doonto ma caadibaad u aragtaa isdeji sxb guurku
    Xuduud maleh

  24. Khaatumo dhulbahante waa dad gob ah lakin majerten waanu is haynaa abti

  25. 2016 07 ayaan Hargeysa qaraaba salaan ugu tagey hablo aanu ilma adeer nahay oo halkaa lagu qabo.
    Waaxaa isna ayaamahaa Hargeysa joogey mid iga weyn oo walaalkay ah.
    Dhawr cisho markii aan joogey ayaa midkii aan walaalaha ahayn ku idhi war gaadhi Gaalkacyo u baxaya oo bas ii soo eeg. Wuxuu damcay inuu gaadhi aniga iyo direwalka kaliya ah inuu soo qabto waan ka diidey waxaana u sheegay inaan doonayo inaan Basaska sii raaco si aan bulshada ula sii sheekaysto maadaaba aanan wadanka muda badan arag dadka soomaaliya joogana aanan safar wada galin marar badan oo aan tagey.
    Baskii ayaa sii raacay, liaa 8 qof mid Jarmalka ka tagey iyo aniga mooyee inta kale iyo gabadh aanu qaraabo noqonay markii dambe oo Laascaanood ka hadhay mooyee inta kale waa Isaaq.
    Fadhi ku dirir ayaanuu baskii ka dhex bilownay. Mar Soomaaliya VS Somaliland marna Puntland VS Somaliland iyo siyaasad guud. Ku yar oo raggii ugu hadala kululaa oo ugu qadiyad adkaa oo somalilander xag jir ah aan ku tilmaami karo ayaa sidaanu sheekada u wadney sheeko guur iyo waxaa ah isu keenay iyo reer abti yaa kuu ah wax caynkaa ah.
    Lida nin ee isaaqa ahaa oo aanu murmayno 4 ka mida Harti baa dhalay midka ugu fogaa waxaa dhalay majeerteen cumar maxamuud.
    Waa 2 habeynimo Garoowe ayaa laydhkeedii noo muuqdaa waxaan waxaan ku idhi si kaftan ah idoorow hadaba aamusa Garoowe waa taase yaanan idin xidhine marti edeb daran ha noqonina. Kii yaraa baa igu yidhi labadeena ninka caawa hudheel seexda ayaa marti noqonaya.Anigu caawa Madaxtooyada Puntland ayaan tagayaa oo abtigay Gaas baan u tagayaa. Beentii baan moodayey iyo inuu igu cayaarayo. kantaroolka Garoowe ayaaba ilaaladii madaxtooyada ku sugayaan show telefoon buu sii dirsaday lol.Habeynkii siduu sheegayey bay noqotay hotel baan anigu seexday isna Madaxtooyada.Show Gaas ina adeertii laxmiya ayaa dhashay oo hooyadii oo Gaalkacyo u socota ayuu ku sii jeedey lol.
    Waxaan qisdaa ku keenay Guurka iyo sida uu yahay iyo qadiyada qofku aaminsanyahay inay kala laba yihiin

  26. Khaatumow abti dhulbahate isma hayno waa dad reer Somaliland ah lakin somaliya iyo maamuladeeda waynu is haynaa waa jirnaa iyo ma jirtaan baynu isku haynaa ninkan ina denina maaha qof caadi ah inuu hargaysa tegi karaba ma ahayn dadka shacabka ahi waa caadi

  27. Suldaan xaange

    Yaa salaam, kkk

    Waa dhacdo soo koobaysa in dadku yihiin ood & xil wanaag. Waxa jira qaar badan oo jaahiliina qurbaha markay noloshii kale ku fashilmeen xagjir noqday oo wax walba qabyaaladay-naya. Kuwaa yaan loo joojin.

  28. Mohamed Ahmed

    Hana sheegan munaafaq yahoow
    Waar kani Somaliland maahee waa dadka uskaga

  29. Laalays
    Suldaan dadka qaar baa ku dhagabarjooba qabyaalada oo aan kala qaadi karayn yooyootanka siyaasada iyo waaqiciga dhabtaa oo jira.
    Walaahi kaa yari siduu somalilandnimada ugu dhaganaa uma malayn karaysid hadana,hadana ixtiraamka iyo hadal gobadsiga uu sheekada noogu dhigay waad la cajabaysaa. Nin aan dhul marin dhaayo maleh. Safartaaasi xitaa aniga ayay cashar ii noqotay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  30. Kaahin maxaa lagaa sheegtaa inan gumeed baa tahaye gabaybaan soo wadaa maanta reer hargaysa waa halkaad gashaan dhanka iga xigtaan bay wadnaha dhooli moodtahaye

  31. Khaatumo haanoolaatoo

    Maxamed Axmed
    Kala saar guurka iyo siyaasada laba laysku khaldikaro maaha e umada somaaliyeed
    Waa isku mid meela umakala socdaan weligeedbay kala guursanayeen somaalidu
    Guurka iyo dhaqanka sojireenka ah majirto cid joojinkarta

  32. Mohamed ahmed

    Ma xaga dhimirkaa wax kaa si yihiin dee haa ma fayoobid we siboosto raadso waar guurka alaa haya deni iyo faroole maxay ku kala duwan yihiin waar xishood neef yahow. Laalays abti xaal qaado kani duriyada dabadiis buu dhashee

  33. ina deni midgaan aan asal lahayn inuu guursado waa fadeexad kale .awalba zanzibaari buu ahaa laqarameeyey,wuu naceebeeyey

  34. Mahadow ninka ina deni gabadha siiyeybaa dhimir ah iyo intiina fataaliinta ah ee ku raacsan ina morgan iyo ina deni maxay kala yihiin

  35. Somalida dhaqan waxaan u lahayn laba beelood isdilay, si colaadda loo damiyo in gabar la siin jirey wiika la dilay walaalkiis oo yarad laga qaadan..
    Waxaa loo yaqaan godobtiryo!!!!!
    Gabar baa kala badbaadin jirtey reero isku midiyo lisanaya oo naagnimadeeda ku kala badbaadin jirtey, quraac beer siin jirtey wiil dagaal u socda ayada oo walaalkiis weli sariirta jiifo.
    Markuu dhergo ayey ku oran jirtay: sug walaalka xalay dhan soo jeeday, markaad iswaraysataan bax..kollay waan ogahay in reerkaygii duulaan ku tahay..markaas ayuu inta qaboobo oran, walaahi in reerkaaga ku duulayn–allow gabdhaha somaliyeed oo qurxaha badan noo daa..
    Somaliland iyo Puntland no wars.
    Weligay oran jiray.
    Make love no wars.

  36. Hambalyo ayaan leeyahay reerka arooska ah. Wiilku seediyo fiican buu helay, caruurtiisanunna abtiyaal wanaagsan bay hleli balse annigaa kasii abtiyo fiican. Waligeed bay reerahani xididi jireen., Somalidu waa siday safaaradaha iyo ambassadorska isu waydaarsan jireen.

  37. Abwaan Gamadiid oo Puntland muddo lix bilood ayaa bulshada mudadii uu joogay jeclaaday Puntland.
    Gabaygiisa waxaa ka mid ahaa “Meeluu gugu ku shacaan ogahay oo geedo qariyeen… Haddaad Gaari dhalo ah doonayso waa inuu hiyiga kaa galaa guri Majeerteen…..aniguba waxaan doonayaa gugan inaan gaato”
    Calaf iyo jacayl iyo siyaasad maxaa iska galay
    https://www.youtube.com/watch?v=Iz-CECj3FRA

  38. Waxaan jeclaan lahaa in INA MUUSE BIIXINA guursado gabar DENI adeer u yahay, halkaana ay ka bilaabato bilawgii MIDAWGA Labadaa Gobol…

    Ilaahay amarkii waxaan iska jeclaaday in ay PUNTLAND iyo SOMALILAND midoobaan, sababta ma aqaan, malaha xalka Soomaaliya ayaa ku jira mooji…

    Guurku wuxuu walaaleeyaa laba dal iska daa laba reere…

  39. Barwaaqo
    Gabadhana waxay ka guursatay boqortooyadii Majeerteen iyo curadkii Daaarood aka Cismaan Maxamuud..walle in Majeerteen lahayn madax ka sareeya oo la salaaxo, nimankii shaarubada miiqi jiray..kkkkkk
    For your information

  40. LOP
    Reerka waan u hambalyeynaynaa, waa gob gob u Guri gashay. 20 kun oo xeedho ayaan xidhaynaa oo Garoowe ku soo wajahan. Gabdhayaga laysku raac oo Waa dheeman, Minyaro aan ku doono’ee Islaanta cad iska soo xoree.

  41. Barwaaqo
    kkkkkk
    Mahadsanid, maahi nin diida gabar Isaaq oo lagu sharfay laakiin walaaley Islaanta cad waa boqorad ma seexato ilaa imaado guriga oo sariirta igu hubsato, aduunka ugu jeclahay..Caawa hadday dhimato maba hubo in naag kale damci lahaa..kkkkk
    Madow iyo cadaan.. Marka Ina adeeray harkayga ha iga saarin..ninkii naag fiican qaba waa jano aduun…run
    clour macne malaha, waa isfahamka waxa ugu fiican iyo kalsooni labada qof..
    Thanks anyway.

  42. Dhaqanka soomaalida xididka iyo reer abtigu waa lama taabtaan.
    Waxaa laga yaabaa mid aad ilma adeero laxmiya tihiin inuu ku qadiyo laakiin nin xididkaa ah oo wax isku falaya iyo abitigaa midna meel xun kaaga tagi maayo.
    Waa qof aad u garaad yar oo aan waaya arag ahayn qofka taa aan fahmi karin.
    Soomaalidii hore dad caqli iyo garaad dheer ayay ahaayeen Laba reer oo birta iska aslay ayaa dhiigga oo qoyan gabdho godobtir ah la is dhaafsan jirey.Guurku 7 nooc kaliya ayuu ahaa. 1 Mid la doonay.2 mid lala baxay 3 mid nin lagu daray 4 mid xigsiisan ah 5 mid heerintay.6 Mid la dumaalay.7 Mid godobtir loo baxshey.
    Waxaana ugu sharaf badan mida la doonay .Waxaana ugu saamayn badan mida Godobtirka ah

  43. Waar akhyaareey guurka Soomaalidu xuduud beenaad ma yaqaan ee daanyeerkan Faysal Waraabe sow kan qaba maahan reer Baydhaba.

    Imminka waxaa golahan ku jira kuwa gaalada cad guursaday? Waaar miyaan weecday kkkkk. kaftan.com

    Bal LOP aynu waydiinno

    Yaa joogay ama maqlay fake guurkii of black American women for green card back in 1980s to cook papers iyo wixii ka dhacay. Adduunyo.

    Alla Maxaa tala ceebeed la soo deristay Somali raggeeda in that era. GAW

    Waar buug ma ka qornaa wixii dhacay mase qabyaaladda dhaantadeeda ayaannu wadnaa?

    Imminka dumar badan baad arki oo Korean sitcom ka raadinaya guur ama film fake Indian moves riwaayaddooda rumaynaya.

    Haddii aanan wax laga qaban mar dhow jinsigii Soomaaliyeed waa siif ama sal guuri doonaa

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  44. Cali Zubeer
    Suldaan aan kala xishoono, gabadhu waa muslimad korisay aniga iyo caruurtaba…kkkkkk
    Nin rag ah iga soo saartay oo ragga ka horeeya, intaan dhaqada aadin ii labisaysay 20 sano.
    Waa cadahay miyaa dhibku, ka akhlaaq fican kuwo Muslim dhalay…run

Leave a Reply to xaange

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented