Axmed Madoobe & Siciid Deni Goorma ayay Wajahan yihiin Dhuusamareeb ?

Dhuusamareeb ( Kalshaale )  Warar aanu ka helayno Garoowe iyo Kismaayo Ayaa xaqiijinaya  in Shirka (Dhuusamareeb 3) ay ka qaybgalayaan Madaxwaynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni waxaa lagu wadaa Dhuusamareeb soo gaadhaan Maalinta  berri ah, waxaana maanta gelinka dambe kasii hormaraya wufuud ka kala tirsan Labada Madaxtooyo iyo ilaalada mas’uuliyiinta.

Madaxtooyada Puntland waxa ay xaqiijisay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu soo gaba-gabeeyay safarkii uu ku tagay Jabuuti, waxaana qorshaha uu yahay in berri yimaado Magaalada Dhuusamareeb .

Waxaa sidoo kale   Axmed Madoobe lagu wadaa inuu soo gaadho magaalada Dhuusmaareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa la hadlay Mas’uuliyiinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay uga qaybgalaan Shirka muhiimka u ah Xaaladda dalka, doorashada, Geedi socodka iyo isla jaanqaanka habka lagu wajahayo.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Dabshid says:

    Soomaalidu Minority ayey maslaxeysaa

    War naga daaya, war soo fariista, war tolow haloo yeelo waxey rabaan.
    Waxaas waaye dhaqanka Soomaalida

    Caalamka Minority waxaa Caano loogu shubaa small cup.

  2. Land of Punt says:

    Madoobe iyo Deni xagee uga haraan shirka Dhuusamareeb sow waxa meesha la dhoobdhoobayo iyo Qoorqoor dabada ugama jiraan..run
    Dan guud oo Somali iyo dan Darood waa labada nin hubo in ka daacad ka tahay..run🎆

  3. Ali Zubeer says:

    LOP

    Asa

    Danta guud ama beelahooda ee ay labadan mooryaan ka shaqeeyeen maxay tahay.

    Allah maxaa sanamka qabyaaladda dad badan calan u luleen deetana ku hungoobeen.

    Ugandha lover aka Dabshid

    Waar nin yahow qabyaaladda intay ku madax martay xitaa waxaa kaa dhumahaya hadal macna leh inaad soo qorto.

    Iiga warran goofkii Kaxda iyo Raaso

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...