Shirka Dhuusamareeb oo dib u dhacay Maanta iyo Wararkii ugu dambeeyay

Dhuusamareeb ( Kalshaale ) Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu waday in maanta 15 Agosto inuu furmo, taasoo loo sababeynayo in wafuudii aanay weli tagin magaalada.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in furitaanka shirka uu dib u dhacay, balse Madaxda ka qeyb galeysa ay imaan doonaan goor dhow.

Wafuudii u horeysay maanta tagi doona Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta ku wajahan Dhuusamareeb, sida Afhayeenkiisa xalay saqdii dhexe uu ku sheegay bartiisa Twitterka.

Shaki badan ayaa la gelinayay in Shirka Dhuusamareeb 3 uu qabsoomi waayo, marka loo eego xaalado siyaasadeed oo soo kordhay, kaddib dhuusamareeb 2, markii uu soo dhamaaday la riday Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)

Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...