|

Madaxwayne DENI oo ka hadlay Guusha Ilhaan Cumar iyo Soomaalida kale ee Maraykanka

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31301

Posted by on Aug 12 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Madaxwayne DENI oo ka hadlay Guusha Ilhaan Cumar iyo Soomaalida kale ee Maraykanka”

  1. Waa saas madaxwayne reer puntland waxay na

    Tusen awooda ay dalka maraykanka ku lee yihiin

    Somalina waa u hiilisay …. guul iyo gobanimo wale

    Caawa Donald kii aqalka cad joogay waa ilmeyey

  2. ISLAAMAHA QAXOOTIGA AH YAAN WELFARE KA TRUMP U SAXEEXAY LAGA CIIDAYN, NINKII ADHIGA WAX KA TARI WAAYA GEELA WAA LOO DIRI JIRAY!!..PUTLAYN KA WARAN?

  3. @somali galbeed ma lab ayaa tahay mise dhedig? Ma waxaad ka xun tahay guusha ay gaareen dhalinyaradaan somaaliyeed . Miyaadan qof dumar ah Aadan aheyn?

Leave a Reply to Somali galbeed

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented