Madaxwayne DENI oo ka hadlay Guusha Ilhaan Cumar iyo Soomaalida kale ee Maraykanka

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 3)

  1. Jabhad says:

    Waa saas madaxwayne reer puntland waxay na

    Tusen awooda ay dalka maraykanka ku lee yihiin

    Somalina waa u hiilisay …. guul iyo gobanimo wale

    Caawa Donald kii aqalka cad joogay waa ilmeyey

  2. Somali galbeed says:

    ISLAAMAHA QAXOOTIGA AH YAAN WELFARE KA TRUMP U SAXEEXAY LAGA CIIDAYN, NINKII ADHIGA WAX KA TARI WAAYA GEELA WAA LOO DIRI JIRAY!!..PUTLAYN KA WARAN?

  3. Abdulkadir says:

    @somali galbeed ma lab ayaa tahay mise dhedig? Ma waxaad ka xun tahay guusha ay gaareen dhalinyaradaan somaaliyeed . Miyaadan qof dumar ah Aadan aheyn?




Amiirkii dalka Kuwait oo ku Geeriyooday dalka Maraykanka
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku ...
Wejiga Labaad ee Heshiiskii Doorashada oo ka Furmaya magaalada Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in uu bilowda wejiga labaad ee dhamaystirka ...
Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ...
Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Arin la yaab ku Noqotay Xildhibaanada ka sheegay Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ...