Maxay ka Wada hadleen Madaxwayne Qoorqoor iyo Cabdikariin Guuleed?

Istanbul ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee  Galmudug Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wuxuuna kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, xaaladda Galmudug iyo shirka Dhuusamareeb-3.

Cabdikariin Guuleed oo ka warbixiyey kulankaasi, ayaa tilmaamay inay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh, Wuxuuna Madaxweyne Qoor-Qoor ku boggaadiyey dedaalladii iyo howlihii wanaagsanaa ee uu qabtay muddada yar ee uu hoggaanka u hayo dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro.”

 “Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 15-ka bishan uu qurshuhu yahay inay markale Dhuusamareeb isugu tagaan madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale  ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 2020/2021.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 12)

  1. Dabshid says:

    Shirka waxaa ka soo baxey

    – lama kororsankaro Canshuurta eedo Batuulo

    – Shirka waxaa ka soo baxey iney sheeko tahey SANTUUQ LAGU CODEEYO ayaan geyn

    – Boorame – Laascaanood, Gedo
    ( Sorry Afgooye iyo Balcad)

    – Shirka waxaa ka soo baxey 4 sano oo QABYO Jaqoo Jiif, kuma dareyno Kororsi DALDAL OO KA GAARSII.

  2. gaafaw says:

    dabshid
    cabdikarim aabihii mustaxil ayuu ku aasanyahay ,waa ayaanle sacad ,guryahoodii mustaxiil ayey kuyaalaan

  3. gaafaw says:

    kkkkkkkkk eedo batuula xujaale,horta ma galmaaxbaa,

  4. Dabshid says:

    Gaafaw

    Mustaxiil ilaa Godey soo maahan Dhul Hiraab

  5. gaafaw says:

    dabshid
    nacam waa dhul hiraab

  6. Dabshid says:

    Gaafaw

    Intaan ka carareynay KABLALAX ayaan Canshuurtii iyo Amaankii Eedo Batuulo ku wareejiney

    Madhibaan iyo Minority = MM CBB.

  7. Dabshid says:

    Lacagta iigu soo hagaaji

    A/C MM CBB

  8. wiil xeraale says:

    Gaafow
    kkkkkkkkkkk dabshid maanta ayuu runti sheegay intii laga cararayey mudulod iyo maxamud saleban baa midga yuurura loo galay muxu yiri intan kablalax kala cararey ney baan midgan ula galnay habar qadiijo iyo fahad baa yaabay maxa dabagaale geel dhacaya walahi waa ruwaayad tani

  9. wiil xeraale says:

    Gaafow aan ku weydiiye sxbow ma reer mustaxil baad ahaan jirtey adigo dhow mar oo hore ka sheekeynaya wan arkay
    mustaxil sowma ogid iney kuso koray oo aan aad ayaad uga war hayo

  10. muxumad Caraale says:

    ASC seelahay..

  11. Abdullahi Farah says:

    Asc War Faysal inaadeerkaa tageer haddii kale muuse handab baa caagad kugu dhiganaaya wejiga, ha u nacableyn, malaa enjineernimoda aad sheegato waa falso waayo sida oday kaaba qabiil ah oo munaafaq ah baad u hadashaa islaamka ha isku dirin, khayrka ka shaqee haddii aad ja o rabtid ok




Amiirkii dalka Kuwait oo ku Geeriyooday dalka Maraykanka
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku ...
Wejiga Labaad ee Heshiiskii Doorashada oo ka Furmaya magaalada Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in uu bilowda wejiga labaad ee dhamaystirka ...
Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ...
Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Arin la yaab ku Noqotay Xildhibaanada ka sheegay Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ...