Ilhaan Cumar oo Doorashadii Guul ka gaadhay iyo Hadal Cajiib ah oo ay ka tidhi Weerarkii ku socday !
Minneapolis ( Kalshaale ) Ilhaan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed, Islamarkaana ka tirsan Aqalka Kongarayska Maraykanka, ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.
Ilhaan Cummar oo is reeb reebkii Minnesota ee kursiga degmada 5Aad ku guulaysatay, arintan ayaa imaanaysa iyadoo Ilhaan ay loolan adag kala kulantay nin madowga Maraykanka oo ah oo la dhaho Antone-Melton-Meaux.
Ninkan ayaa maalaayiin dollar oo lacag ah la soo banbaxay, balse guul uma horseedin arintaaasi.
Wuu gil giley, balse gabadhaa yeelatay guusha.
Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.
Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.
Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxay tidhi “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31291
Ilhaan Cumar
Ima adeer guul, lacag kasta oo cadowgaaga bixiyo kartidaada ayaa ka weyn…Another 4 years for Ilhaan…Republican iyo Trump ka cabaadsii…
Send her back..ayaa yaabtay…caddaanka ayagaba ayagoo qaxaya yimaadeen America, dalka lagaama xigo…
Keep your ground…✌️