|

DF Somalia oo Xil muhiim ah magacowday Taliye Caan ka ahaa Puntland

Muqdisho ( Kalshaale ) Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar ayaa xil muhiim ah u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdirisaaq Afguduud.

Wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xil-ka looga qaaday taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka booliska Soomaaliyeed loogu magacaabay Afgaduud, iyadoona xil-kaas laga qaaday Cabdullahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

Laguma shaacin wareegtada sababta xil-ka looga qaaday Genaraal Bariise, balse tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii dambe waday taliska Booliska.

Cabdirisaaq Afguduud oo horey u soo noqday mar taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa lagula dar-daarmay inuu si deg-deg ah u guto waajibaad shaqo loo igmaday.

Sidoo kale waxaa la faray laamaha amniga iyo cid kasta oo ay quseyso inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee laanta ilaalinta Canshuuraha ee booliska Soomaaliyeed

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe watay isbedallo dhanka hoggaanka ciidamada ah, taas oo laga gol-leeyahay sugida amniga magaalada Muqdisho,  Wuxuuna sidoo kale taliye Afguduud horay xilal uga soo qabtay ciidamada xooga dalka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31151

Posted by on Aug 9 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “DF Somalia oo Xil muhiim ah magacowday Taliye Caan ka ahaa Puntland”

  1. Murusadihi wada mareexanka noqdey
    Inti ay Raisulwasaaraha ahayen
    waxa ku socda dagaal Cirib
    gooyn ah ilaahayow doqonki Farmaajo
    Haka adkeeydin nimanka Xita
    Seedinimo kuma turaayo lakin
    Iyana weey istaahilan in sidaa
    La yeelo hora lo yiri nin
    Tolki ka tagoo so tanaada lawaa

  2. Murusade miya haa shaqadda ka ceeyri
    Murusade miya haa yuusan shaah cabin

  3. Qolada koonfurtu qabyaaladii bay qaateen xeerarkeediina waa ka tageen. Markaasay waxwalba ku dabaqaan qabyaalad!

  4. Kanu u ekaa JUUNI CARAREY,

    Sidaan ayuu Calool weyn u lahaa, labo Bistooladna suranjirey – Oo yaa u ridi markey runta gaarto.

  5. Dabshid
    Ninku waa nin reer bari ah oo balaaya ah boowe maxaad kataqaan kkkkk war nimankii murursade ahaa ma khayre daraadii ayaa loo rifayaa.laakiin col.bariise meesha waa ku daahay 10 sano ayuu booskaas joogay

  6. Jeegaan CBB iska tuqyaysta waa la idinla socdaa…

    Ama Hawiye iska dhiga ama Daarood, cid aad isku diri kartaan ma jirto… Fashiluuuuuuu…

    Koofur iyadaa is huran, wayna ogyihiin beelaha aad magacyadooda soo dhegsateen… Ordaya oo Muuse Gaandhari iyo Habrihiinnii ka hadla ha nagu mashquulinee…

Leave a Reply to GEDO LAND

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented