Shirkii Nabadda (Hagar iyo Hayaag) ee Garaad Jaamac Gogoshiisa dhigay Saaxdheer, oo Guul kusoo dhamaaday
Saaxdheer ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Saaxdheer ee Gobolka Sool lagu soo Afmeeray Shirkii Nabadaynta Beelaha Walaahaha ah ee (Hayaag iyo Hagar), Iyadoo Gogashaasi uu dhigay Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.
Labada Beelood ee Hagar iyo Hayaag Waxay Halkaasi ka Cadeeyeen inay Nabad Qaateen, sidoo kalana waxaa Heshiis laga gaadhay Dhiigga, Dhaawaca iyo deegaanka.
Labada beelood Waxayna kala qaadan doonaan magta 11-Ruux oo Colaadihii ugu dambeeyay ku dhintay, iyadoona Go’aano laga gaadhay Qaabka loo Xalinayo Arimahaasi, oo Muddo kooban loo qabtay.
Cidii dambe ee Jebisa Nabadgelyadda ee dil gaysatay ayaa la isku raacay in la mariyo Shareecadda Islaamka.
Waxay Labada beelood ku heshiiyeen in Nabad lagu wada Noolaado, oo deegaanada aan la kala lahayn.
Dhinaca kale isimada dhaqanka ee Beesha Dhulbahante ayaa dhankooda go’aano kasoo saaray Colaadaasi iyo Heshiiska ay gaadheen Labada Beelood, Waxayna go’aamiyeen in si dhamaystiran loogu dhaqmo shareecada islaamka, iyadoona la waafajinayo arimaha dilka iyo Xeerarka u dhexeeya beelaha.
Waxay sidoo kale isimadu soo jeediyeen inaan la difaacin Qofka dhibaato gaysta, si loo cafiyo, loo qisaaso ama Diyo/Mag looga qaato.
Isimada dhaqanku iyo Ergadda Labada beelood ee (Hagar iyo Hayaag) waxay is la qaateen in lasoo qabto Qofka Qof dila, Waxaana Qoyska diida arintaasi lagu xukumayaa 100 Halaad oo magta dheer, iyadoona sidoo kale la xidhi doono Qoykiisa, Weerarka magaalo lagu qaado iyo Qofkii qof dhaawaca ayaa lagu ganaaxayaa 50-Geel ah.
Garaadka Guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shirka Nabadda ee kusoo xidhmay Saaxdheer dedaal badan geliyey, waxaana sidoo kale shirarkaasi ku weheliyey Qaarkamid ah Isimada dhaqanka ee Beesha Dhulbahante.
Kalshaale.com – Kala soco Warar Sugan iyo Suugaan
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31054
weligey ma arkin dad ama beel ka duubab iyo dhaqan iyo ka garaado badan iyo saladin badan oo ka hugaan xun intaas waa is leynayan oo kala yaacayan yaa inkaaray tolow
waa wada garaad iyo suldan iyo caaqil iyo ugaas hal irmaana oo kaligedana kuma heshiin karan yaab badana
Wiil xeraale, lafahaaga dhaadheer iyo la leh dhafoorkaaga.