|

Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo

Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya oo Bixiyey Waraysi Siiyey Telefishinka Goobjoog  ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Odowaa ayaa marka hore sheegay inay lama huraan tahay in doorashada Soomaaliya lagu qabto waqtigii loo asteeyey, si looga gaashaanto inuu yimaado muddo kororsi.

C/raxmaan Odowaa ayaa sidoo kale shaaciyey in xilligan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in laga wada-tashado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu rabo in Madaxweyne uu sii ahaado afar sano kadib, isaga oo sharciga ku tumanayo, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo wuxa uu u qaatay in isaga uu leeyahay kursiga oo loo shaqeeyo.” ayuu yidhi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oouu  xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu doonayo inuu dhisto Boqortooyo aan xilligan ka dhismi karin. “Madaxweyne Farmaajo Boqortooyo ayuu rabaa inuu dhisto, meeshaanna Boqortooya ka dhismi meyso lamana ogola, 30 beri asoo Xamar jooga oo Ameerika ka yimid ayaa la doortay, rabitaanka dadka ayaa lagu doortay, dadkii rabay mid uu been ku cabay kuwa uu dhagax u dhigay, kuwa uu albaabada ka xirtay iyo kuwa uu warkooda maqli waayey ayuu ka dhigay, laakiin ha ogaado.” ayuu yidhi Odowaa.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday riditaankii xukuumadda Xasan Cali Khayre, wuxuuna tilmaamay inuu wax ka ogaa Madaxweyne Farmaajo.

Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay isku soo qabteen shirkii wada-tashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. “Labada kaaba laadar waxa ay isku arkeen Dhuusamareeb Xasan Cali Khayre horta waa lagala hormaray Bistoolada intaas ayey aheyd.” ayuuu yidhi Odowaa.

Ugu dambeyn wuxuu aad u dhaliilay wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka gaabisay dhammaan qodobadii laga sugayey inay wax ka qabato. “Wax aan Ma-Sawir aheyn oo laga dhaxlay majiro, sharci darro ayaa laga dhaxlay.” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayey wax-qabadka dowladda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31039

Posted by on Aug 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo”

  1. Saqiirka damuljadiid

  2. Odawas adiga iyo dowladadii damujadiid maxaad

    Qabteen oo aan ka ahayn hablo la dhoofiyo iyo

    Kikuyo loo sujuudo ileen af nool AAA ma daayo

  3. Gedoland
    Doorashaba lamagaadhin lamaba gaadhin reerkii maxaa waalay takale ninka baarqab waa wagardhac rer wardheere

  4. Reer dhan oo isbaro uwashey iyo biliqo bowe hawiye madobe wali lamgaadhin doorasho waamaxay sasku

  5. Ceebtiin maha waa caadadiin inaydin ka daba yuustaan nin aan ahayn daar ood gaafow hawiye waa ka uu ku joogo farmaajo ciyaal dhadhaab waqtigiisii xasuuso hadaanu u waalanay bililiqo adna qaxootigii dhadhaab baad u xiistee wax yar xaarmaajo ha ku darsado

  6. Gaafow
    Kkkkk ninyahow nin cajaaib ah ayaa tahay maxaa tiri baarqab waa wagardhac ma shaqsi ahaan baad isu taqaanaan dadka meeshaan soo gala waa dad is wada yaqaan baan umalayn kaligay baa meesha kuwareersan

  7. Gedoland
    Haa meshii allgalgaduud.com ayaa iskubaraney

  8. GEDO LAND
    nin kaa aqoon og dadkan mesha sooma galo xalay waxan arkayey adigo ka sheekey naya qaylo faraax iyo shukri walshis aad baan u garanaya marka dad badan baad halkan xalay igu soo xasusisey
    anigu gacan ayaan ku taagey GEDO LAND

  9. Asalam caleykym asxaabta. Nimaan la yirahado odawaa iska ka misa aha dana wax ka riday xukuumadda Xasan Cali Khayre. Iskaga gacanta taagaya markii la cadeenayay waxa ka heli kartiin Youtubka.
    Maantayna Waxuu ku eedeynaaya waxa riday xukumadi cali Khayre farmaajo. Qaf sida uu been badan aya xil la dhiiwanaaya cajiib

  10. Asalam caleykym asxaabta. Nimaan la yirahado odawaa iska ka misa aha dana wax ka riday xukuumadda Xasan Cali Khayre. Iskaga gacanta taagaya markii la cadeenayay waxa ka heli kartiin Youtubka.
    Maantayna Waxuu ku eedeynaaya waxa riday xukumadi cali Khayre farmaajo. Qaf sida uu been badan aya xil la dhiiwanaaya cajiib waaye

Leave a Reply to wiil xeraale

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented