Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo

Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya oo Bixiyey Waraysi Siiyey Telefishinka Goobjoog  ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo uu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Odowaa ayaa marka hore sheegay inay lama huraan tahay in doorashada Soomaaliya lagu qabto waqtigii loo asteeyey, si looga gaashaanto inuu yimaado muddo kororsi.

C/raxmaan Odowaa ayaa sidoo kale shaaciyey in xilligan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in laga wada-tashado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Farmaajo uu rabo in Madaxweyne uu sii ahaado afar sano kadib, isaga oo sharciga ku tumanayo, sida uu hadalka u dhigay. “Farmaajo wuxa uu u qaatay in isaga uu leeyahay kursiga oo loo shaqeeyo.” ayuu yidhi wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa kale oouu  xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu doonayo inuu dhisto Boqortooyo aan xilligan ka dhismi karin. “Madaxweyne Farmaajo Boqortooyo ayuu rabaa inuu dhisto, meeshaanna Boqortooya ka dhismi meyso lamana ogola, 30 beri asoo Xamar jooga oo Ameerika ka yimid ayaa la doortay, rabitaanka dadka ayaa lagu doortay, dadkii rabay mid uu been ku cabay kuwa uu dhagax u dhigay, kuwa uu albaabada ka xirtay iyo kuwa uu warkooda maqli waayey ayuu ka dhigay, laakiin ha ogaado.” ayuu yidhi Odowaa.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday riditaankii xukuumadda Xasan Cali Khayre, wuxuuna tilmaamay inuu wax ka ogaa Madaxweyne Farmaajo.

Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay isku soo qabteen shirkii wada-tashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. “Labada kaaba laadar waxa ay isku arkeen Dhuusamareeb Xasan Cali Khayre horta waa lagala hormaray Bistoolada intaas ayey aheyd.” ayuuu yidhi Odowaa.

Ugu dambeyn wuxuu aad u dhaliilay wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay inay ka gaabisay dhammaan qodobadii laga sugayey inay wax ka qabato. “Wax aan Ma-Sawir aheyn oo laga dhaxlay majiro, sharci darro ayaa laga dhaxlay.” ayuu yidhi isaga oo ka hadlayey wax-qabadka dowladda.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 10)

  1. GEDO LAND says:

    Saqiirka damuljadiid

  2. Jabhad says:

    Odawas adiga iyo dowladadii damujadiid maxaad

    Qabteen oo aan ka ahayn hablo la dhoofiyo iyo

    Kikuyo loo sujuudo ileen af nool AAA ma daayo

  3. Gaafaw says:

    Gedoland
    Doorashaba lamagaadhin lamaba gaadhin reerkii maxaa waalay takale ninka baarqab waa wagardhac rer wardheere

  4. Gaafaw says:

    Reer dhan oo isbaro uwashey iyo biliqo bowe hawiye madobe wali lamgaadhin doorasho waamaxay sasku

  5. Hobyo man says:

    Ceebtiin maha waa caadadiin inaydin ka daba yuustaan nin aan ahayn daar ood gaafow hawiye waa ka uu ku joogo farmaajo ciyaal dhadhaab waqtigiisii xasuuso hadaanu u waalanay bililiqo adna qaxootigii dhadhaab baad u xiistee wax yar xaarmaajo ha ku darsado

  6. GEDO LAND says:

    Gaafow
    Kkkkk ninyahow nin cajaaib ah ayaa tahay maxaa tiri baarqab waa wagardhac ma shaqsi ahaan baad isu taqaanaan dadka meeshaan soo gala waa dad is wada yaqaan baan umalayn kaligay baa meesha kuwareersan

  7. Gaafaw says:

    Gedoland
    Haa meshii allgalgaduud.com ayaa iskubaraney

  8. wiil xeraale says:

    GEDO LAND
    nin kaa aqoon og dadkan mesha sooma galo xalay waxan arkayey adigo ka sheekey naya qaylo faraax iyo shukri walshis aad baan u garanaya marka dad badan baad halkan xalay igu soo xasusisey
    anigu gacan ayaan ku taagey GEDO LAND

  9. Wiilwaal says:

    Asalam caleykym asxaabta. Nimaan la yirahado odawaa iska ka misa aha dana wax ka riday xukuumadda Xasan Cali Khayre. Iskaga gacanta taagaya markii la cadeenayay waxa ka heli kartiin Youtubka.
    Maantayna Waxuu ku eedeynaaya waxa riday xukumadi cali Khayre farmaajo. Qaf sida uu been badan aya xil la dhiiwanaaya cajiib

  10. Wiilwaal says:

    Asalam caleykym asxaabta. Nimaan la yirahado odawaa iska ka misa aha dana wax ka riday xukuumadda Xasan Cali Khayre. Iskaga gacanta taagaya markii la cadeenayay waxa ka heli kartiin Youtubka.
    Maantayna Waxuu ku eedeynaaya waxa riday xukumadi cali Khayre farmaajo. Qaf sida uu been badan aya xil la dhiiwanaaya cajiib waaye




Go’aano lagu Xoojinayo Amniga oo Kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya
- Sep 30, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ilaalada Madaxtooyadda Somalia ayaa bilaabay fulinta amarro cusub oo ...
MUUQAAL: Beesha Habargidir oo Siwayn u taageertay C.raxmaan C.shakuur iyo Xafladii Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale )  Magaalada Muqdisho waxaa manta lagu qabtay kulan weyn oo beesha ...
MUUQAAL: RW. Rooble oo Muqdisho kula Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Amniga (Daawo)
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha ...
MUUQAAL: Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo Hargeisa ka dhacay
- Sep 29, 2020
Jowhar ( Kalshaale ) Shir Dhinaca Amniga ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland ...
Wasiir Bayle Muxuu kala hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ...