|

MUUQAAL : Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Muxuu ka yidhi Shirka Mudulood ee Muqdisho ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirka Mudulood ee ka socda magaalada Muqdisho, oo lagu casuumay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Lafta Gareen ayaa sheegay inuu ku farxsan yahay ka qeyb-galka shirka wada-tashida ee beelweynta Mudulood, isaga oo mahadceliyey dhammaan xubnaha ka shaqeeyey iyo madaxweynayaashii hore oo qeyb ka ah shirkan oo la filayo in galabta la soo xiro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha Mudulood ay tahay beel nabadda iyo dowladnimada jecel, kana shaqeysa horumarka dalka. “Damiirka waa isiin waayey anigoo joogo Xamar inaan ka maqnaado dadka aan walaalaha nahay gogoshooda, Beesha Mudulood waa beel weyn waa beel nabadeed waana beel dowladeed.” ayuu yidhi Cabdicasiis Xasan Lafta Gareen.

“Beesha Mudulood waa beel weyn oo beel nabadeed ah oo beel dowladeed ah oo dowladnimada jecel oo la yaqaano oo Soomaali hormuudkeeda ah.”

Madaxweynaha dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa dar-daaran culus u jeediyey beesha, isaga oo shaaciyey in gogosha Mudulood looga baahan inay noqoto gogol Soomaaliyeed oo ay ka soo baxaan wax wanaagsan.

Shirka beesha Mudulood oo maanta soo xidhmaya waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31034

Posted by on Aug 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

13 Comments for “MUUQAAL : Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Muxuu ka yidhi Shirka Mudulood ee Muqdisho ?”

  1. Haday dhib idinku hayso caasimnimada iska erya, Unakaa leh , madalood ,sadex MADAXWEYNE, iyo waa dulmanahay bal adiga isu qaybi jawaabtana cid kale ha waydiin, magaaloyin badan oo xeebta India ah baa available ah, sida marka, baraawe, kismayo iwm. Cashuur baa bixinaa guryo dadawna 30 sanaa lahaystaa, kirada Somali ku leedahay hadii la xisaabiyo 20 dawladood oo AFRICA ah waa ka badan lahayd..

  2. Xoogaaga Turkey iyo caalamka kale taagtaagay baa loo xiisay in la bililiqaysto..

    • ASC.
      Somali galbeed, cudur Qabiil baad qabta Daawana ma laha,
      Somaliga xalaasha SIDA Laftagareen buu u hadla,caafimaad ALLAHA ku siiyo. WBT

  3. Waaw.

    Madaxweyne. Maxamed cabdi waare.
    Isagoo waa nin mudulood ah.

    Shalay waxaa ka qayb galay gogosha walaala mudulood. Madaxweyne qoor qoor.

    Maanta waxaa ka qayb galay.
    Madaxweyne lafta gareen.

    Waan jeclaan lahaa in aan arko.
    Madaxweyne axmed madoobe iyo madaxweyne siciid cabdulaahi dani. Oo halkaa kasoo muuqday.

    Hadaan ahaan lahaa. Madaxweyne farmaajo.
    Anigoon cidna waydiin ayaan albaabka ka geli lahaa.

    Waan hubaa. Dad badan oo mucaarad ah ayaa u istaagi lahaa. Isbedel badan ayaa la dareemi lahaa.

    Horta madaxweyne farmaajo. Maaha miyaa diinigii bah dalan doolle.

    Wuxuu fulaysanaa. Ma gaafaw iyo Ali zubeer ayaa abtiyaal u ah kkkkkkkkk.

    Hadaad rabto woqooyi somaliland. Waa in aad tagtaa adigoo saaran duudka beesha dhexe.

    Hadaad rabto in aad maamusho dowlad koofureed waa in aad saaran tahay DUUD MUDULOOD.

    Anigoo kasoo kala jeedo labadaas. Ilahaan idinku dhaarshee. Miyuu ila murmi karaa san u neefle somaali ahi. Kkkķkkk.

    Intaas oo faan ah horta qac makaga siiyay.

    Waxaan rejeynayaa. In ay kasoo baxaan. Qodobo muhiim ah.

    1 dhisidda maqaamka banaadir state.

    2 xureynta dhulka koofureed ee shabaabku haysto.

    3 doorashada dalku in ay waqtigeeda ku dhacdo.

    4 hadii doorashadu waqtigeeda ku dhici waysay talaabada xigto ee dalka lagu badbaadinaayo.

    5 beeshu in aysan mar danbe xuriyo u dhiibin cid aan la hubin CVGEDA.

    5 in beeshu cafis waydiisato hadeey jiraan beela somaliyeed oo wax ka tabanaayo.

    Iyo qaar kaloo badan.

    • ASC.
      Qoraalkaan waa dhanki fiyoobay ee 2BA Miirre, maanta wuxuuba ku darsaday fannaan-nimo SI FIICAN BAAN u Qoslay, kulahaa; “Intaas oo faan ah horta qac makaga siiyay”. *Sùaaluhu soo jeediyana Badi waa Qaali BALSE anaa ka weyne aan tilmaamo, Maqaamka Casimaddu Wuxuu ku qoranyahay Dastuurki 1961di ee raadso oo yaysan Wax magaratadu ku wareerin. Baarista Dukumentiga Waxaa ku fiican “Dalanbaabi” Dabshid ee kaalmo weydiiso. WBT

    • Ma is-qabtaan beeshu waa beel nabadeed, oo dowladnimo jecel iyo

  4. ASC.
    -Gabdha Dhoofiye wuxuu leeyahay; Dorasho hala galo.
    -Laftagareena wuxuu leeyahay; Shabaab halala Dagaalo.
    WADDANI IYO MACAAN-JECEL. WBT

  5. Ahmed Xaare naagtadi sow kuma
    Jirin naagihi la dhoofiyey o
    Kuma so biisho waa Maxay nacnacdu
    Bakhtiga ma cuno lakin maraqisan
    Cabaa

  6. Garqaad
    Warwad sasteen eebaw doorasho lamagaadhin maxaa jira

  7. ASC.
    WAA kan dhanki mugdiga ee 2BA Miirre, Qudbad Farmaajo oo IL-Biriqsi socotay oon weliba aan la garanayn WUXUU ka hadla, Waa maxay Cilmigaad kala soo dhex baxday BAL noo fasir MISE waxyaabahaan aad meel kale ka soo xambaartay BAAD hub mooday?. WBT

  8. Axmadoow.
    Horta Nina raga iska dhigoo.
    Magacayga iigu yeer kuleey waxba kaaga halabimayaane.

    Waxaan ula jeedaa.

    Mr farmaajo. Markuu sidaan lahaa.
    Iyo hadda kursiganaan caashaqay wax is qabto Maaha.

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented