|

Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay

Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo shirkaddaha ku guuleystey Ruqsad siinta qandaraasyada shidaalka iyo gaaska markii ugu horaysay horaanta sanadka soo socda.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), Ibrahim Ali Hussein, oo wareysigii ugu horeeyay siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa u sheegay, in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka.

Ibrahim Ali Hussein oo horey u ahaa la taliyaha wasiirka tamarta Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladdu yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda.

Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in cudurka coronavirus uu dib u dhigay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil, si loogu beddelo heshiiskii ay horay u wada galeen heshiis wax soo saareed.

Xuseen, oo lataliye u ahaa Wasaaradda Batroolka, ayaa tibaaxay in Covid-19 uu hakad geliyey wada-xaajoodyo ay kula jireen shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil kuwaas oo ay dalka u taalo xuquuq ay horey u gateen.

Xuquuqdaas oo ah in ay iibsadeen xirmooyin shidaal kahor inta aysan dhicin dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey madaxweyne Siyaad Barre ayaa ah shan xirmooyin shidaal oo ah nooca laga helay dhanka badda.

“Hadi uusan jiri lahayn Coronavirus, waxaan isku raaci lahayn habka loo marayo, kadibna waxaan heli lahayn heshiiska dhamaadka sanadkan,” ayuu yidhi isagoo u muuqda mid qiraya in ay qandaraaskaas u xayiran yihiin.

“Heshiiskan wuxuu gacan ka geysan doonaa in la soo afjaro xiraanshaha xarumaha shidaalka ee jiray illaa 1990”, ayuu yidhi Ibrahim Hussein, isagoo intaas ku daray in Shell iyo Exxon ay ku leeyihiin xuquuq gaar ah sahaminta batroolka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay shirkadda Shell ayaa yidhi “waxaan wadnaa wadahadal joogta ah oo wax ku ool ah oo aan la leenahay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku saabsan qorshe-hawleed lagu beddeli karo heshiiskii jiray.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31008

Posted by on Aug 6 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay”

  1. Jeeg laga caseysto lacagihii Ganacsatadu dhigteen Bank, ayaan arki jirney

    Hadda waxaa soo baxey JEEG LAGA CASEYSTO, DHAXALKII CARUURTEENA iyo CIIDA HOOS TEEDA.

    30 sano ayaan ka gudbi Weyna Deyn qaadashadii Kacaankii Cararey,

    Hadda waxaa yimid Qurbo joog Gaalo wadato.

    But Ibrahim Cali Xusseen yaa Petrol barey,
    Farmaajo jeclaa intaan aheyn Hiraab, Buugii Siyaad ayuu SUULIGA KU DHEX AQRIYAA.

  2. * Axdigii iyo kitaabkii ninka oofinwaayoow

    * Ashahaadle beenaha, uurkana dabaayoow

    *

  3. * Aasanaha muudee, ilkaha noo cadeeyoow

    * Ubadkeena soo kori, Ninka kala eryaayoow

    * Dhalinyarada ubaxaa, kan u kala abtiriyoow

    (Ciyaalkii Kheyre ayaa waxaa baabuurtii la dagsadey Ciyaalkii uu Farmaajo ka keenay Qurbaha) waliba si anshax la’aan iyo badownimo ku jirto.

  4. SALAAMU CALEEEKUM

    Aaad iyo aad baan uga xumahay sida loo biicinaayo KHAYRAADKA UMMADA SOOMAALIYEED…

    MAAREEYAHAY HAYDA BATROOLKA in uusan ku deg deg bixin shati…

    Mr. Ibrahim ALI XUSSEIN, waxaan ku leeyahay oo kula tallinayaa eed yeesan ku raacin…

    Waxaan ku leeyahay:

    1. Sharciga batroolka iyo khayraadka sida loo qaybsan lahaa waa la soo saaraa, oo SOOMAALI WEYN oo dhan ay ku qancsan yiheen.
    2. Sharcigaas waa in laga wada ansixiyaa BARLAMAANKA immandoona 2021 iyo dhamaan Maamul gooboleedyada sida ku qoran DASTUURKA.
    3. Joojiya shirkadahaan AJNIBIGA.. oo yaan la siin wax sharci ah.
    4. Badalka shirkada AJNIBIGA, waa in aad hirgilisaan 2 ilaa 3 shirkadood oo GANACSATADA SOOMAALIDO leedahay.
    5. Shirkadahaas waa in la sharciyeeyaa, oo dawlada iyo shacabka soomaaliyeed, ay ka noqdaan SAAMALEEEEEEEEEY….
    6. Shirkadaas wadaniga ah, waa in loo goobeeyaa meesha ay wax ka baari karaan.
    7. Shirkadahaas waddaniga ah, waa in aysan ka yaraan CAPITAL PAID.. ama rasmaalku ugu yadhaan USD500 Million.
    8. Saamalayda waa in loo furdhaa dhamaan Ummmada SOOMAALIYEEED.

    Marka intaas la helo, shirkadahaase waa in ay raadsadaan shirkado caalami ah, oo la noqdo saamalayda.

    Shirkadaahaas AJNIBIGA waa in sharekoodu aysan ka badan 40% inta kalina ay yeelato SHIRKADA WADDANIGA…

    Taase, waxeey siinaysaa awood xagga maamulka oo ay shirkada waddaniga ay yeelato CHAIRMAN, iyo CEO labaduba.

    Sharkadahaas waa in ay ka soo jeedaan, CHINA, INDIA, TURKEY, MALAYSIA..

    Shirkadahaan EXXON, MOBIL waa sharkado qadiima oo dhiig miirato ah…

    Dhulkaagii beey rabbaan in ay kaa siiyaan 30% inta kali oo 70% in ay iyago qaataan..

    WAR SOOMAALIYEEEEEEEEEEEEEEED… WAA WAREEY, YAAN XOOLIHIINA LA DHIN, EE ILAA SHADA..

    XAAR FARMAAJO IYO KOOXIDIISU WAA QAWLAYSATO… WADDANKA IN AY DHACAAN RABBA.. YAAN LAGA YEELAN.

    WA BILAAHI TAWFIIQ
    In kastoo SOOMAALI badan banaanada iyo dibadaha u baxay oo tacliin soo bartay, oo shirkado caalamiya ka shaqeeyey…

    Hase yeeshee, wali SOOMAALI WEYN cilmi weyn oo balladhan baa ka mid ah..

    Waxaan ka xumahay kuwo sheeganayaa oo leh waxaan leenahay cilmi sari, sida DR BAYLE in ay waddanka halaag ku wadaan.

    XAAR FARMAAJO, ani waxba ka sugi maayo.. Masuulidiisa maba yaqaan…

    Waxaan qabaa XAAR FARMAAJO, hal saddar ama hal qodub in uusan ka akhriyin DASTUURKA…

  5. SALAAMU CALEEEKUM

    Maantay technologada waa sahal… shirkado yadh yadh baa soo saari karaa..

    Marka yaan laga baqan ee lacagta ku asaasta shirkado batrooolka baadha, technooloigiyada soo iibsada oo soo tababarta dhalinyarada soomaaliyeed.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  6. DABSHID:

    Aniga iyo adiga farqi weyn aa inoo dhaxeeyaaaaaaa…..

    Anigo waxaan ka hadlaa, war maxaa inoo dan ah, iyo sidee wax u qabsanaa..

    Adiguna qabiil leee ku meeraysanaysaa, habeen iyo dharaar…

    Waayo, ani waddamo badan aan soo maran.. Waddamo badan aan ka shaqeeyey..
    Waddamo badan aan wax ka bartay..

    Adise, oday jaahil oo ku nool tabarucaad lee tahayyy..

    Yaa AALLAAAAH wax siiyey..

    HABEEN IYO DHARAAR halkaan lee taagan yahay…

    Qabiil lee haaystaaa… Wax ma waaniyo.. Wax ummada uma sheegi..

    TUFKU BAX…

  7. shidaal looma baahna beeraha xoolaha iyo kaluunka ayaa inaga badan iyo macdanta

Leave a Reply to BARAWANI KING

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented