Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Dr. Xaawo Cabdi

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

“Alle ha u naxariistee Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe waxa ay baal dahab ah kaga jirtaa sooyaalka dalkeenna, maadaama ay si isxilqaan ah muddo badan ugu adeegaysay dadkeenna danyarta ah, saameyn wanaagsanna ay ku yeelatay nolasha kumannaan qoys oo Soomaaliyeed, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada ay u qabtay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)




Amiirkii dalka Kuwait oo ku Geeriyooday dalka Maraykanka
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Amiirkii dalka Kuwait Sheikh Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah ayaa ku ...
Wejiga Labaad ee Heshiiskii Doorashada oo ka Furmaya magaalada Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa lagu wadaa in uu bilowda wejiga labaad ee dhamaystirka ...
Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ...
Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Arin la yaab ku Noqotay Xildhibaanada ka sheegay Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ...