|

Dr. Xaawo Cabdi oo Muqdisho ku geeriyootay, RW. Khayre iyo Madax ka hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Waxaa maanta  magaalada Muqdisho ku geeriyootay Alle ha u naxariistee Drs Xaawo Cabdi oo ka mid aheyd Dhaqaatiirta caanka ah ee dalka, Waxayna wararka qaar sheegayaan inuu Dr. Xaawo wadnuhu istaagay.

Geerida Marxuumad Drs. Xaawo ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Caruurtii ay dhashay iyo Eheladeeda, waxaana geeridaas ka tacsiyeeyay dhaqaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay Geerida Dr. Xaawo ayaa yidhi  “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii ay ka geeriyootay marxuumad Dr. Xaawa Cabdi. Waxaan ku xusuusan doonnaa kaalintii ay ka geysatay badbaadada ummaddeena, gaar ahaan kuwa nugul. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo”

Drs Xaawo Cabdi ayaa ahayd 73 sano jir waxana ay wax ku baratay dalka Ruushka horaantii toddoaatameeyaddii, waxaana ay caan ku ahayd xarun caafimaad oo ay ku lahayd meel u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Alle ha u naxariistee Drs Xaawo Cabdi ayaa waxaa xarumo Caafimaad oo kala duwan waxaa ay ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya,waxaana qaarkood ka howlgalla Carruur ay dhashay.

Waxaa sidoo kale tacsi ka diray geerida dr. Xaawo Cabdi Wasiirka Maaliyadda DFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayleh.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30970

Posted by on Aug 5 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Dr. Xaawo Cabdi oo Muqdisho ku geeriyootay, RW. Khayre iyo Madax ka hadlay”

  1. Alle ha u naxariisto Maamo kalkaaliso Xaawo,

  2. Allaha u naxariisto wax badan ayay dadka caawisay.

    QOOROOLE BUUQ IYO TUUGANIMO UGU IMOW.

  3. ilaahey ha u naxaristo qabrigana ha u waasiciyo mama xaawo waxey aheyd qof shaqo adag soo qabtay waqti agad

  4. اللهم ارحمها ونوّر قبرها ووسّع مدخلها واغسلها بالماء والثلج والبرد ،اللهم آمين

  5. Allaya raxma. Maamo xaawo cabdi.

    Xilli xunbeey ku soo sheqeysay.

    Qabriga alla how qaboojiyo

  6. Innaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun…alla ha u naxariisto…Maama Drs. Xaawo Abdi…waxay ahayd hal doorka iyo indhaha, ummadda Soomaaliyeed: aqoon, hufnaan iyo hawkarnimo…waxay halgantay wakhti adag oo ummadda soomaaliyeed u oomanayd aqoonteeda iyo kartideeda: Alla ha u naxariisto

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented