MUUQAAL Iyo Xog: Qaraxa Lubnaan ee Dunida ka yaabsaday, Islamarkaana Noqday Midkii ugu waynaa Qarnigan

Muqdisho ( Kalshaale ) Xogta Qaraxa magaalada Beirut, ee caasimadda dalka Lebanon  iyo Wararkii ugu dambeeyay ayaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ugu horyan  Maxaa dhacay : Qaraxii ugu weynaa Qarnigan 21aad ayaa Beirut ka dhacay, majro qof nool oo sheegi kara waxa dhacay, wuxuu yahay, ama qof isaga oo kale usoo joogay.

Qaraxa waxa uu ku bilowday, qaraxyo yar yar ilaa markii danbe oo noqday wax aan magac loo hayn.

Mucjiso la diiwan geliyey : Qaraxan waxaa ku baaba’ay Dekedii weynayd ee Beirut, waxaana la weysan yahay inta badan dhismayaashiibka dhisnaa,  10KM oo isku wareeg ah ayaa ku burburay waxyeelada qaraxan.

240KM, meel ka fog (Cyprus) jasiirada ku taal badda dhexe ayaa laga maqlay lagana dareemay dhulgariir.

Dhimasho iyo dhaawac : Qof shakhsi ah, Dawlada, ama hay’ad sheegi karta majirto dhimashada iyo dhaawaca, maadaama dhibta tira beel tahay, dhaawacu boqolaal yahay, dhimashaduna aan la tira koobin.

Gurmadka Xaalada adag:  Gurmadkii ugu weynaa ee caalamka Qarax loo gurmada ayaa socda.

Cusbitaalada Beirut waa buux dhaafeen, meelkasta dhaawac ayaa yaal, Dawladu waxay amartay Goboladu inay soo gurmadaan.

Dawladda Qadar ayaa noqotay dowladii ugu horayaysay oo Gargaar ku dhawaaqda, Gurmadka ugu horeeya ayaa caawa saq dhexe dibada ka imaanaya.

Maxaa sababay :  Qaraxa waxay ubadan tahay inuu kadhashay kiimiko iyo hub keydsan, mudona yaalay bakhaar, Balse   xog kale oo sugan lama hayo.

Maxaa loo baahanyahay :  Duco iyo Alle barri ayaa ah waxay kaaga baahan yihiin dadka reer Lebanon, murugada musiibadan ma dhalatay ilaah ha sahlo.

Maxaad Awoodaa : Muuji islaanimo, bini-aadanimo, una ducee walaalahaa oo sii faafi qoraalkan si ay walaalaha kale ugu duceeyaan.

W/Q: Cabdiqani Xaamud.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Xagarciideed says:

    Somaliyeey ku cibaara qaata, qaraxan waxa ka danbeeyey Emirates, waxa cadaynaya odaygan saxafiga reer Taxes USA, ee qora Arab times, fadlan yara dhegeysta…
    https://www.youtube.com/watch?v=Rtcuj4Z6pzo

    F.G M/weyne Qoorqoor muxuu isagu sawiray dilaalkii UAE?




Maraykanka : Sahara Abuukar ‘Gabadh Soomaaliyeed oo ku guulaysatay Tartanka Quruxda’
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Sahra Abuukar oo ka soo jeeda Soomaaliya, balse qaxooti ku ...
Madaxwayne Erdogan oo si kulul uga Hadlay dagaalka Armenia iyo Azerbaijan , Muxuu Wacad ku maray ?
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Armenia inay ...
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Arin la yaab ku Noqotay Xildhibaanada ka sheegay Muqdisho
- Sep 29, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ...
Wararkiigu dambeeyay Duulimaadyadiii Gudaha dalka oo Maanta Hakad galay iyo Muranka ka taagan
- Sep 29, 2020
Garoowe  ( Kalshaale ) Wararka saaka laga helayo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa ...
DAAWO: Madaxwaynaha Galmudug oo Tababar usoo Xidhay Dufcadii 1aad Ciidanka Daraawiishta Galmudug
- Sep 29, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xerada ciidanka ...