Qarax Qasaare Ba’an gaystay oo dalka Lubnaan ka dhacay Iyo Erdogan oo ka hadlay
Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in qarax weyn uu ruxay magaalada Beirut iyadoo tobaneeyo ruux ay ku dhinteen tiro kabadana ay ku dhaawacmeen.
Madaxwaynaha dalka Turkiga oo ka hadlay Qaraxa ayaan sheegay inay gatab taagan yihiin dadka reer Lubnaan Xiligan adag, wuxuuna tacsi ka diray dhibaatada uu gaystay.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu burburiyay guriga Saadaq Xariiri oo hore ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Lubnaan. Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Sacad Xariiri aysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxa.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay dab, holac iyo uuro badan wata waxaana qaraxa laga maqlay meelo fogaanshahooda uu gaarayo magaalada Nicosia ee jasiiradda Qubrus, oo 240 km u jirta Beirut.
Qaraxan oo ka dhacay meel ku dhow dekeda Beirut ayaa waxaa weli ka socda badbaadada dad badan oo ku hoos jira dhismooyin burburay.
Wasaarada Caafimaadka dalka Lubnaan ayaa sheegtay in boqolaal ruux ay ku dhaawacmeen qaraxan.
Illaa hadda lama oga waxyaabaha sababay qaraxa iyadoo ay la sheegay in qarax noocan oo kale uusan hore uga dhicin dalka Lubnaan.
Dalka Lubnaan dhawaanahan waxaa ka taagnayd xasarad siyaasadeed. waxaa sidoo kale maalmahan dhibaato ka taagnayd xadka ay la wadaagto Israa’iil oo toddobaadkan uu ka dhacay isku day ay Xisbullaah ku dooneysay iney gudaha u gasho dhulka Israa’iil.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30936