|

Maamulka Jubbaland oo ka horyimid Tallaabo ay Qaaday DF Soomaaliya !

Kismaayo ( Kalshaale ) Maamulka Jubbaland ayaa ka hor-yimid Ansixintii Golaha Wasiirada ee Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hey’adda Batroolka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay hannaanka loo maray ansixintaas ay tahay mid aan sharci aheyn.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xilligan aanay habbooneyn ansixinta Guddiyadan, maadaama Golaha Wasiirada ay yihiin kuwo xilka sii haya.

Waxaa uu sheegay in Golaha Adeegga Garsoorka uu yahay mid muhiim ah u dalka, balse haatan dad gaar ah loo soo xulay, iyadoo aan lala tashan dhinacyadii qaabilsanaa, sida Maxkamadda sare, ururada qareenada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka dalbaday Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan guddiyada ay soo ansixiyaan Golaha Wasiirada xilka sii haya.

Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe Hogaamiyo ayaa Muddo dheer wuxuu khilaaf kala dhexeeyay Dawladda dhexe, Waxaase isku soo dhowaansho Labada dhinac ah laga dareemay kadib shirkii dhuusamareeb, Waxaana muuqata in Hanaanka Federaalku uu Soomaaliya ku furay Dhibaato hor leh, oo aan kala garan karin Tallaabooyinka ay Xaqa u leedahay inay qaado dawladda dhexe, iyadoona maamuladu ay dhinaca haystaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=30928

Posted by on Aug 4 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Maamulka Jubbaland oo ka horyimid Tallaabo ay Qaaday DF Soomaaliya !”

  1. Wixii puntland diido adinkuna diida kkkkk aduunka waxaa ugu daran qof go.aanadiisa qof kale udaba fadhiya

  2. Ahmed Somali
    Adeer page hoose wax iigu qortay cilmi ku qaatay, Dabshid oo lama yaqaan ah Darood uga qafilantay ayaa hadba meesha rabo idiin rara, reer Kalshaale Forum.
    Dabshid oo u malaynayo kuwo la Hiraabeeyey in ka dhashay oo Hiraab ku waashay Daarood kama difaaci kartid ee halkaas uga har.
    Waanadaas waa kaa qaatay.
    Hadda ka dib fikirkayga dhiiban.
    Maanta laga bilaabo Dabshid qabiil kala doodi maayo ilaa cidda yahay noosheego.
    Markaas u jawaabin..
    Mar Hiraab i dhaha, hadana cidda Hiraab ka yahay sheegan karin, sida Cadaado, Will Hiraab, Garqaad, Hobyo Godan, Wiil Hobyo, Maxamud etc.
    Kulli meesha ragga ku kaftama beel loo dilo la yaqaan.
    Sheik Ali Zubeer oo nin wax miisaama ah hadalkiisa wuxuu ku sheegtay in Sheekhaal yahay..
    Taas LOP ayaa diiday, waayo ciddaas dhaqankaas Hiraab lagu suuxo ma lahayn.
    Waxay ahaayeen qofka ugu dambeeya oo Hiraab isku wayneeya.
    Weligood Sheekhaal ahay ayaa ku filnayd, Somalina ku ixtiraami jirtay.
    I rest my case about Dabshid.
    Mahadsanid Ahmed Somali🏁👍

  3. Maxamuud sayid madexweynaha xiga ee jubbaland inaga ilaaliya kuwa uraran iljeex

  4. Gaafow

    Waar ninkii abiye way ku xuntahay.Maanta Adis waa go’doon.Magaalooyinkii Oramada shimbri ma socoto.Oromada waxaa l saftay shacuubtii Koonfurta qaybo ka mid ah.Qolo walba waxay xidhatay degaankoodii.

    Oromadii waxay iswaydiinayaan,maxaa somalidii maxaa ku dhacay?

    Ma idinka ayaa isku maqan kkkkk

    Dalmida

  5. Lop.

    Anigu midbaan kuu sheegayaa.

    Dabshid waa nin reer imaam ah.

    Qofkii caqli lehna wuu dareemi karaa.

    Axmed Somali.
    Isagaan la aqoon REERka uu yahay.

    Isagaa xawaadle sheegto.
    Hadana isagaa xawaadle wacal ku sheego.

    Ali zubeer. Waxba ka oron maayo..

    Marka ninyahoow. Imaam dabshid..haku degdegin. Waa imaamka golaha.

    Dhaqan la maago dhaqan la maago ayuu leeyahay. Halla kala xishoodo. Kkkk

  6. Mr bahal aka dila
    Wxaad kudartaa tigrey oo qabsanaya doorasho anaku ka soomali ahaan kuwa ugu dambeeya ayaa noqoneynaa

  7. Mr bahal
    Ninkii abi axmed Cali reer kiisii ayuu ladhibanyahay 50 million yaa karaya .madextooyada kun iyo shan boqol oo eratariya ah ayaa ilaaliya dee farmaajana haramecad hau soodiro

  8. Garqaad
    Haddii Iman yahay muu na yiraado Harti Abgaal reer Iimaan ahay, sow hadalkaba meesha kuma xirmeen.
    Hadda waa sheekhaal iyo waa Iman Abgaal dhinac u ku sheeg.
    Adiga in Abgaal, Daauud tahay sheegay marka waan aqaan cidda kuu dilo. kkkkkkkk
    Ahmed Somali run iyo been kuu doono hanoqoto laakiin wuxuu sheegtay Xawaadle, waana rumaysanahay.
    Wax lee sheego ayaan ka hadlay ama naga daa qabiilka,….
    Kollay qabiil kala doodi maayo hadda ka dib..run

  9. Dabshid ama agoon yare ama warsengeli kolleey harti abgaal labadaas mid buu ka yahay waliba agoon yare maadaama uu cali mahdi uu iska xijiyo madaxda kale ee abgaal

  10. Lop.

    Dabshid waxaa adeerkiis ah.

    Cismaan axmed rooble.

    Ninkii kursiga uga kacay muuse boqor. Si looga reebo gumeestihii talyaniga.

    In aad fahmi karto ayaan ku modaayay. Halkuu kala qaaday reer bari. Kkkk

  11. waxan la yaabay golahan garsoorka iyo sharciyadan sedax sano la ansixin waayey ee marki xukumadi sedax daa sano an sixin weysey marki kheyre xilka laga qaaday labo maalin lagu boobsiiyey maxa ku jira halkaas iyago wasiira bey sedax sano qaban waayen marki sharciyadi la dhamaantayna labo cisho ayeey ku xar xariiqen xaqba uma lahan iney sharci ansixiyan ee maxa waalay

  12. Waar hadalkan waa daanyeernimada Dhuxulayste iyo kaba qaadkiisa.

    Haddii laba dumar isku shiidaan xaafadda calanley isagaa xakam ka noqda.

    From dhulka ka fiiqa ilaa kursigiisa aanan sharciga ahayn waa isla isagee.

    Inta uusan Kenyaantiga gumeysta Jubbaland qurbaanka u gayn isagoo sida warbixintii Dhusamareeb ayuu masaakiintan magac u yaalka u sii dhiibay warkii pudhlayn.

    Dhuxulayste must go now

    BTW, laba degma qudha gacantiisa ku soo hadhay. GAW

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  13. CALI ZUBEER
    sidaa maahan tani waa sax adiga ruuxadu qalad ha sixin hana taagerin hadii aad axmed madobe diidan tahay iyo hadii aad farmaajo taager santahay labada runta haka fogaan
    waayo xaq uma lahan kusima yaal iney sharci dasturiya ansixiyan miya kale marki la keenay ajandaha sharcigan hadi aad xasusto waa 2019 March maxa loo boob siiyey marki ey kusima yaal noqden golahi wasiirada oo marki hore diidana

  14. Wiil Xeraale

    Asa

    Waad garab martay. Aniga kamaba hadlin warka ay soo saareen macnahiisa iyo xidhiidhka uu la leeyahay DFS ama golaha wasiirada malmaluuqeen. Farmaajo iyo dhuxulaystana midna ma taageersani ee iska hubi.

    Waxaan ka hadlay qudha sida ay isaga dhigeen inay Jubbaland wax ka yihiin.

    From farraash to so called madaxtooyada waxaa ka taliya Dhuxulayste.

    Waxaan diiday inay iska dhigaan inay iyaga iskood u shireen dhuxulayste oo Kenya ku maqan.

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply to Gaafaw

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented