IMAARAADKA CARABTA oo Jawaab ka Bixiyey Hadalkii kasoo yeedhay Dawladda Turkiga !

Nairobi ( Kalshaale ) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Turkiga looga baahanyahay in uu joojiyo faro-gelinta arrimaha Carabta, isagoo cambaareeyay hadal uu wasiirka difaaca Turkigu ka sheegay Liibiya.

Hadalkiisa ayaa yimid kadib markii warbaahinta Turkiga ay werisay in wasiirka difaaca Turkiga uu ka hadlaya arrimo xasaasi ah oo ku saabsan cuno-qabateynta Imaaraadku saaray Liibiya.

Imaaraadka oo kaashanaya Masar, iyo Ruushka ayaa taageera ciidanka jooga bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khaliifa Hafter, kaas oo xoogaggiisu ay dagaal kula jiraan dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ee Libya. Turkigu-na waxa uu tageerayaa dowladda Liibiya.

“Xidhiidhadda hanjabaado laguma maareeyo mana jiro gumeysi xilligaan,” ayuu yidhi  Anwar Qargaash.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa toddobaadkii sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay “dal lagu shaqeyso oo dalal kale ugu adeega militari iyo siyaad ahaan, sidii la doonana loo leexiyo.”

Wuxuuna  sheegay in Turkigu  uu Imaaraadka waqtiga iyo goobta ugu habboon kala xisaabtami doonaan ficillada xun ee ay ka gaysteen Libya iyo Syria,  Wuxuuna Wasiir Akar Imaaraadka ugu baaqay inay ka fakaraan “sida ay u yihiin dal aad u yar iyo heerka saameyntooda, islamarkaana aysan faafin rabshadaha iyo musuq-maasuq.”

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka inay tagaeeraan “ururo argagixiso oo kasoo horjeeda Turkiga”, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay inay dhaawacaan Xukuumadda Ankara.

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 1)

  1. Eagle says:

    God bless turkey dubai time is over any muslim business people should move to turkey ASP.

    God is great,




DAAWO: Madaxwaynaha Galmudug oo Tababar usoo Xidhay Dufcadii 1aad Ciidanka Daraawiishta Galmudug
- Sep 29, 2020
Gaalkacyo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xerada ciidanka ...
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo ka hadlay Guuleed Yare iyo Socdaalka uu tegay dalkaasi
- Sep 29, 2020
Ankara ( Kalshaale ) Guuleed Aadan Abdi iyo Hooyadii Maryan si fiican baa Turkey ...
MUUQAAL: Talooyinka Khubarada Amni ee Turkigu Ka Bixiyeen colaadda Armenia
- Sep 29, 2020
Ankara ( Kalshaale ) Talooyinka Khubarada Amni ee Turkigu Ka Bixiyeen colaadda Armenia
MUUQAAL: Fariinta Diyaarada Bayraqdaar u dirtay Armania oo Xiisad dagaal kala Dhaxayso Azerbaijan
- Sep 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Fariinta Diyaarada Bayraqdaar u dirtay Armania oo Xiisad dagaal kala ...
MUUQAAL: R/wasaare Rooble oo Kulan la Qaatay Safiirada dalalka Caalamka ee Soomaaliya
- Sep 28, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ...